23/07/2021
Waa sheeko xiiso iyo xikmad isku darsatay Waa sheeko huwan oo xanbaarsan dareen jacayl, farxad,murugo ,hami iyo Hilow intaba. Mudo hada laga joogo sanad iyo xoogaa ayaa waxaa is bartay wiil iyo gabar magaalo kamida magaalooyinka waa wayn ee soomalia barasho kadib waxaa la noqday saaxiibo qaaliya oo nafta isku hura. Hibo iyo Hanad waxay noqdeen dad marna is jecel marna walaalaa oo aad loogu wada riyaaqay wada socodkooda iyo xushmada iyo jacaylka ka dhaxeeya waxayna saas Hibo iyo Hanad kuwad socdeen mudo dheer oo sanad ku siman waxaana balan iyo axdi ku qaadeen in ay ayagu uun is guursadaan mustaqbalka dhexdoodana aan cidna qaadin waa igu balan iyo waa igu axdi ayaa lagu heshiiyey. 2 bilood iyo bar kadib waa kala tageen Hibo iyo Hanad oo Hanad waxaa uu waxbarasho u aaday dalka dibadiisa oo uu jaamcad ka dhiganaayey inta aysan isbaran Hibo ka hor si uu u soo dhamaysto waxbarashadiisa 2sano kadib marka uu yimaaadana isku guursadaan qofta ay aduunka isugu jecel yihiin ee Hibo. Hadaba mudadaas sanadkaa isma badan jacaylkoodu in kastoo ay kala maqnaayeena oo labo qaaradood kala joogeena hadana xiriirkoodu waxa uu aha joogto oo hal maalina ma kala go,in waxaana Hibo iyo Hanad ba u rumowday in balankii ay wada galeen wada oofiyeen mid kastana dhankiisa hayo waana ku wada farxeen oo mid walba hamigiisa waxaa ka guuxaya kan kale.waxayna labaduuba sugi la yihiin sanadka u haray ee guurkooda ka haray waayo maalinta ayaa ku noqotay sanad saacadii kaliya ayaa ku noqotay maalin ilayn b**r wax jecel waaa balaayee.allow nabad nagu gaarsii ayaa lagu wada ducaystaa. Intaas markii sheekadu marayso ayaa waxaa maalintii danbe Hibo usheektay Hanad arin uusan jeclaysan oo ka wareerisay dhanka kalana murugo iyo wal-wal ku abuurtay Hibo. Waxaa Hibo aabaheed waydiistay Oday lacag leh oo reer iyo caruurna leh laakiin lacagtiisa uun ku raadinaaya gabartaan yartaa ee curdankaa asagoo u balan qaaday aabaheed in uu siin doono lacago farabadan hantidiisana uu wax ku yeelan doono hadiii uu siiyo gabartiisaan yar. Dhanka kale waxaa uu isla Hibo ubalan qaday odaygii soo doonay in uu siindoono lacago farabdan,dahab, gaari ay kusoco iyo, iyo in aduunka meesha ay dooto ka gayn doono nicmo rabi iyo barqaana ku noolaandoonto. Hadaba sida meesha ka muuqata labada mucaashaq waxaa haysta dhibaatoyin badan oo ay ka mid tahay, islama jogaan,hanta ay hada isku guursadan ma haystaan iskumana imaan karaan hada oo labo qaaradood ayaa la kala jooga laakiin waxaa u dhexeeya jacayl iyo kalsooni kaliya taas bayna isku halaynayaan.
Hadaba 4ta qof ee sheekadaan ku jira midba waxaa uu tabanayaa ama dhaliilsan yahay arin asaga gaar ku ah kuwaas oo kala ah
1:Hanad, waa wiilka wax jecel ee mustaqblkiisa Hibo tahay ayada uunbaana u hilaacda waxaa uu isleeyahay Hibo miyey awoodi kari wayday in ay aabaheed ku tiraahdo aabe waxan is jecel nahay wiil asaga ayaana siiyey qalbigayga ee aabe mcne iigu ducee asaga hana igu khasbin nin aan da, iyo isku hami ahayn aabe mcne miyaanan ilmahaagii ahayn ma waxad I dhaafsanaynaa lacag iyo magac miyaadan farxadayda rabin aabe mcne hamigayga igu taageer,mise hibo been bay ku sheektaye waa mar-marsiiyo la rabo in lagu buriyo xiriirkaa maadaaba aad mudo maqnaynd haatana sanad danbe maqnaanayso tollow maxaa sameeyaa ayaa uu taagan yahay.
2:Hibo, waa inanta waxa jecel sidoo kale lana jecel yahay hadii hanad ahaato iyo hadii xaaji lacag ahaataba waxayna tabanaysaa ama ka walaacsan tahay in aabe heed uu la doonayo in wayn oo reer leh,in ay san hamigeeda gaarayn farxadna ku noolaanayn waligeed hadii ay ninkaas xaaskiisa noqoto Waxay leedahay alla aabe maxa uu I dhaafsanayaa lacag iyo magac maxaa milkiyadiisa iga dhigay maalin uun maa madax banaanado miyaanan hamigayga gaarayn goormaarman farxad ku noolaanaya. Waxayna isku haysaa duco waalid,danta jacaylka iyo in ay tahriibto oo nafteedaba halis galiso.
3:Aabaha inanta dhalay, waxaa uu ku haminayaa in uu ilmihiisa ugu taliyo sida uu doonayo ina arko mustaqbal fiican,waxaa uu is leeyahy miyaysan cunugtaadii ahayn oo aadan u arimin Karin sow adiga uun talada reerka iyo caruurta kaama go,do sow hadii aad xaaji lacag siiso barwaaqo adigu iyo ayaduba k**a helayaan hantida uu haysto darteed sow beri ka maalin Yurub la gayn mayo oo dollar farabadan ka helimaysid iyada iyo caruurteedaba,, si kastaba ha u diidee taada meel mari oo cunugtaada halkaas gayso hadii kale qoodh-iyo xillo laawe baad noqonasa aan amri Karin caruurtiisa.
4:Xaaji lacag, waa ninka soo doonay Hibo asagoo isku halaynaya lacagtiisa faraha badan iyo magaciisa ganacsade oo uu ku dawakhiyey odayaal badan. Waxa uu ku haminayaa in uu lacagtiisa isticmaalo si uu odayga iyo gabarta yartaaba u soo jiito, waxaa is leeyahay see ku diidi kartaa Hibo miyaysan lacagtaadu wax kuu goynayn miyaadan lacagtada farabadan iyo magacaaga can kaa, aadan ku heli Karin gabadhtan maxaad ka shaqaynaysa ama lacagta ka haysataa mar hadii dollarku kuu gaynayn in aad aad gabartaaa yar calfato saa darteed la cagtaada uunbaa hadliye oo adeegine Hibo adigu qaado hadii kale lacagtaadu waa xaashiyo aan wax nacfiya kuu hayn magacaaguna waxa uu la misaal yahay marada aad qabto hadii aadan saas samayn oo qoftad aadan helin!!!!! Saadarteed,mid walba waxa uu ku hadaaqaaya::
1)Taageer Allahayow arintaydaan kala taal
2)Adaa toosin karayeee. Hadaba Akhriste garyaqaani waa kuma,, afartaan qof ha loo kala gar-qaado oo mid walba gartiisa ha lasiiyo adoo fiirinaya cadaalada,waaqica iyo danta guud ee hada iyo tan mustaqbalkaba.!