07/06/2026
Kala-daadsanaanta iyo dhismaha qaranimo waa labada weji ee ay leedahay masiirka umadduhu. Maxay dowladaha qaar u burburaan, halka kuwo kalena ay adkaystaan oo ay hantiyaan mustaqbalka?
Halkan waxaan ku eegaynaa arrimaha masiiriga ah ee go'aamiya BURBURKA AMA DHISMAHA Quwadaha iyo Dowladaha
1. Maxay Dowladuhu ku Burburaan? (Waddada Dumidda)
Burburka dowladdnimo ma aha dhacdo habeen keliya dhacda, waa geeddi-socod muddo soo jiitamayay oo marka dambe keena in nidaamku waayo xajmi-hayntiisa. Sababaha ugu waaweyn waxaa ka mid ah:
Cadaalad-darro iyo Eex (Nepotism): Marka uu lumo mabaadi'da sinaanta, sharcigana loo isticmaalo in lagu difaaco koox gaar ah, waxaa dhasha kalsooni-darro weyn oo dhexmarta shacabka iyo madaxda. Cadaalad-darradu waa miinada koowaad ee qaraxda.
Musuqmaasuq Baahsan: Marka hantidii dadweynaha ay noqoto mid ay ku naaxaan shakhsiyaad kooban, adeegyadii bulshada sida caafimaadka, waxbarashada, iyo amniga ayaa curyaama. Tani waxay dowladda ka dhigtaa "maqaar-saar" aan shaqaynayn.
Kala-qaybsanaanta Qabiilka ama Qowmiyadaha: Marka siyaasadda lagu saleeyo "aniga iyo kooxdayda" halkii laga oran lahaa "qaranka iyo dadkiisa," waxaa dhasha colaado sokeeye iyo kala-fogaan baahsan oo burburisa wada-jirkii bulshada.
Amni-darrada iyo Luminta Sharciga: Dowlad kasta xilkeeda koowaad waa ilaalinta nafta iyo hantida muwaandinka. Haddii ay taasi ku fashilanto, oo kooxo hubaysan ama argagixiso ay la wareegaan awoodda, dowladdnimo halkaas ayay ku dhamaataa.
Faragelin Shisheeye: Dowladaha daciifka ah waxay mar kasta u nugul yihiin in quwado dibadda ah ay u yeeriyaan go'aandooda, taas oo lumisa madax-bannaanidii iyo qarannimadii dalka.
"Halkii ay cadaaladdu ku dhimato, dowladnimaduna way ku wehelisaa godka."
2. Maxay Dowladuhu ku Dhismaan? (Waddada Guusha)
Dhismaha dowladdnimo ee waarta ma aha mid ku yimaada rabitaan keliya, ee waa mid ku dhasha dadaal, aragti dheer iyo isku-tanaasul. Waxyaabaha aasaaska u ah dhismaha dowlad xooggan waxaa ka mid ah:
Sarreeynta Sharciga (Rule of Law): Waa tiirka ugu muhiimsan. Marka uu sharcigu ka sarreeyo qof kasta—madax iyo mijo—shacabku waxay helaan kalsooni ay ku aaminaan nidaamka, kuna maalgashadaan dalkooda.
Haddaf iyo Aragti Qaran oo Midaysan: Dowladuhu waxay ku dhismaan marka dadku ay leeyihiin hal hiraal iyo hal haddaf oo ka weyn danaha shakhsiyadeed ama kuwa kooxeedka.
Dhaqaale Sifaysan iyo Maamul Suuban: Sameynta ilo dhaqaale oo madax-bannaan, canshuur ururin caddaalad ah, iyo adeegsi hufan oo loo adeegsanayo danta guud ayaa xoojiya cududda dowladda.
Hay'ado Ad adag oo Shaqsiyad ka Madax-bannaan: Dowladda rasmiga ah waa midda ku dhex dhisan hay'ado (sida Maxkamadaha, Baarlamaanka, iyo Ciidanka) kuwaas oo sii shaqaynaya xataa haddii ay madaxdu isbeddelayso.
Heshiis Bulsho (Social Contract): In shacabka iyo dowladdu ku heshiiyaan xuquuqda iyo waajibaadka. Shacabku waxay bixiyaan canshuur iyo adeecid, dowladduna waxay dammaanad-qaaddaa amni, caddaalad, iyo adeeg.
Qore. Hamze kelif