NUUN BOOKS

NUUN BOOKS KU SOO DHAWOOW NUUN BOOKS. 📚

Qaybta 3aad  ee fursadda qiimo dhimista sanadka 2025
13/12/2025

Qaybta 3aad ee fursadda qiimo dhimista sanadka 2025

Qaybta 2aad  ee fursadda qiimo dhimista sanadka 2025
11/12/2025

Qaybta 2aad ee fursadda qiimo dhimista sanadka 2025

🚨 mar kale iyo   fursad dahabi ah Qaybta koobaad ee qiimo dhimista sanadka
11/12/2025

🚨 mar kale iyo fursad dahabi ah

Qaybta koobaad ee qiimo dhimista sanadka

08/12/2025

Fursad wali kuu furan

𝗗𝗲𝗱𝗲𝗴: 𝗡𝘂𝘂𝗻 𝗕𝗼𝗼𝗸𝘀 𝗼𝗼 𝘀𝗮𝗺𝗮𝘆𝘀𝗮𝘆 𝗱𝗶𝘀𝗰𝗼𝘂𝗻𝘁-𝗸𝗶𝗶 𝗮𝗯𝗶𝗱 𝘂𝗴𝘂 𝗯𝗮𝗱𝗻𝗮𝗮 , 𝗳𝗮𝗱𝗹𝗮𝗻 𝗸𝗮 𝗳𝗮𝗮'𝗶𝗶𝗱𝗲𝘆𝘀𝗼 𝗼𝗼 𝗵𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗱𝗮𝗹𝗯𝗼.+252636635339
25/11/2025

𝗗𝗲𝗱𝗲𝗴: 𝗡𝘂𝘂𝗻 𝗕𝗼𝗼𝗸𝘀 𝗼𝗼 𝘀𝗮𝗺𝗮𝘆𝘀𝗮𝘆 𝗱𝗶𝘀𝗰𝗼𝘂𝗻𝘁-𝗸𝗶𝗶 𝗮𝗯𝗶𝗱 𝘂𝗴𝘂 𝗯𝗮𝗱𝗻𝗮𝗮 , 𝗳𝗮𝗱𝗹𝗮𝗻 𝗸𝗮 𝗳𝗮𝗮'𝗶𝗶𝗱𝗲𝘆𝘀𝗼 𝗼𝗼 𝗵𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗱𝗮𝗹𝗯𝗼.

+252636635339

Waa subax cadceeddu kulushahay , dabayl ciid wadataana dhacayso. Waxaan kasoo toosay xerada fallaagada ,markii ugu h**ey...
26/10/2025

Waa subax cadceeddu kulushahay , dabayl ciid wadataana dhacayso. Waxaan kasoo toosay xerada fallaagada ,markii ugu h**eysay noloshayda . Waa garoon weyn , oo boor leh , oodina ku wareegsan tahay . Irridka h**e waxaa taagan waardiye hubaysan. Laba wiil oo aan waaweyn oo diif iyo busaaradi wejiyadooda ka muuqato ayaa iridka taagan. Mid waliba qori boobe ah ku garaaxiran yahay , waxaadse yara mooddaa in culayska qoryuhu dhibayo. Adigu si bay wiilashu isu godayaan . Laakiin shaqadooda waaka adagyihiin. Xerada lama geli karo ,lagamana bixi karo ogolaansho la'aan . DHulku waa saxaraxigeen abaar ah oo indhaha udaran.

QAB IYO QUURSI

Ilaahay wax uu bixiyo aadamahana ugu deeqo waxa ugu qiimaha badani inuu yahay wakhtiga waxa innoo caddaynaya inta jeer  ...
25/10/2025

Ilaahay wax uu bixiyo aadamahana ugu deeqo waxa ugu qiimaha badani inuu yahay wakhtiga waxa innoo caddaynaya inta jeer ee Ilaahay S.W.T , uu ku dhaartey waqtiga . Haddii kitaabka qur'aanka ah aad ka baadho inta jeer ee uu Ilaahay ku dhaartey waqtiga , waxa aad ka helaysaa aayado badan oo uu Ilaahay ku dhaaranayo waqtiga, taasina waxay markhaati utahay , oo ay innoo muujinaysaa Ilaahay agtiisa qiimaha uu waqtigu ku leeyahay. Nabi maxamed N.N.K.H , isagana sunnadiisu waxay inoo balbalaadhisey qiimaha uu wakhtigu leeyahay iyo waxtarkiisa , markhaati wax laga dhigto oo xujo ahaan loo cuskadana waxaa ugu mudan , labada waxyi waa qur'aanka iyo sunnada rasuulka . Waqtigu waa waxa naar kaa badbaadiya , jannana sabab kuugu noqda , haddii aad ka faa'iideysato intaad nooshahay oo aad Ilaahay ku addeecdo kuna caabuddo. Wakhtigu waa waxa sabab u noqon kara inaad noqoto aqoon-yahan adduunka inta uu joogo asaagii ka mudnaa , cilmigiisa iyo aqoontiisa la mahadiyo. Wakhtiga ka faa'iideysigiisu waxuu sabab unoqon karaa in aad adduunyada kaga tagto raad muuqda ,oo noloshaada dabadeed dadku ay u aayaan adigana ku anfacda. Haddaba buuggan " Habeen k**a tegin kuwii h**e"waxa uu si waafi ah innoo barayaa, sidii ay aqoon-yahankii h**e uga faa'iideysan jireen wakhtigooda , daqiiqadna aanay uga lumi jirin. Gaar ahaanna culimadii islaamka iyo waqtigii ay aqoonta u huri jireen.

HABEEN K**A TAGIN KUWII H**E.

Qisada faca weyn ee "Ninka iyo libaaxa" , waxaan xasuusannaa in libaaxu uu ku cabanayo in haddii libaaxyadu ay taariikhy...
23/10/2025

Qisada faca weyn ee "Ninka iyo libaaxa" , waxaan xasuusannaa in libaaxu uu ku cabanayo in haddii libaaxyadu ay taariikhyahanno yeelan lahaayeen aan taariikhda lagu dulmiyeen, kartidooda iyo goolasha ay dhaliyeenna aan laga been sheegeen. Tabtaas oo kale , dadyowga afrika iyo guud ahaan dunida qaybteeda koonfureed kaalin muuqda k**a yeelanayaan aqoonta , ilbaxnimada iyo taariikhda dunida , masabbid iyo hagardaamana k**a badbaadayaan jeer ay awood uyeeshaan in afkooda , qalinkooda iyo itaalkooda ay ku muujiyaan doorka ay ka qaateen taariikhda iyo ilbaxnimada adduunka . Nasiib wanaag , waxaa la gaarey xilligii libaaxyadu ay taariikhda qori lahaayeen , Afrikaanka iyo ummadaha kale ee xaqooda la duudsiyeyna ay sheekada iyo garnaqsiga dhankooda ka dhiiban kahaayeen. Auke Cesaire buugyarihiisa caanka ah ee " Gumeystoow lagula dood oo ah midka aan halkan ku darsayno , wuxuu ku xusay laba cudur oo ilbaxnimada reer Galbeedka qurmiyey . Kuwaas oo aad buuga ugu tegi doontid.

GUMEYSTOOW LAGULA DOOD

Buuggan uu qoray Suldaan Muusa, turjumayna C/xakiin Obsiiye wuxuu u shubaalsan yahay sidan : DHabnimada jiraalka Eebbe ,...
22/10/2025

Buuggan uu qoray Suldaan Muusa, turjumayna C/xakiin Obsiiye wuxuu u shubaalsan yahay sidan : DHabnimada jiraalka Eebbe , Guudmarka shakhsiyadda Ibliis , saaxiibaddaydii kiristaanka ahayd , maxaa uu Eebbe u yahay Ilaaha keligii xaqa ah? Ashqaraarrada Qur'aanka iyo indha-daalisyadiisa , socdaalkaygii faatikaanka , maalintii aan Saalax la joogay , Mixjan hooyadii , Naf iyo ka sar-gooyay , Ifafaalayaal dabeecadeed oo run ah iyo kuwo bug ah iyo Sacii , Cusayr iyo Taabuutkii. Haddaba , " tigaadi iyadaa laacda'e " marka laga tago mugga buugga iyo sida uu u qaaya weyn yahay , waxa iyaduna cabbir iyo cutinba mudan dawaali socodka turjumaadda iyo sida aan loo dhaadanayn in buugu gacan labaad yahay . Waa hibo heshay halkeedii , looguna dedaalay in ay hab iyo hannaan qurxoon u hooshaarto , una laafyooto. Inkasta oo aan "derejo axmaar duruunow/mahadsanid" dhaafin , haddana waa buug u qalma in " indho laab u daloola iyo dhugaal daaran lagu dheehdo". Sidaa si lamid ah baa uu haltebiyuhuna mahadnaq iyo abaal-gudba u mudan yahay . Hanbalyo turjumaha usocoto aan hadalka kudhaafo . Hanbalyo!

QUMMANE

WAAD ILAAWEYSAA!Markaad weydo shaygii aad baadheysay, faraha ka qaad oo ku mashquul Rabbigaa, sababtoo ah isagaa ku gara...
21/10/2025

WAAD ILAAWEYSAA!
Markaad weydo shaygii aad baadheysay, faraha ka qaad oo ku mashquul Rabbigaa, sababtoo ah isagaa ku garab mariyey , si aad u irkato , una tiraahdo "Allahayoow iisoo celi baadidayda , waanuu kuusoo celinayaa ."
Ilaahay waxa uu kaa doonayaa in aad kaga mashquusho baahidaada, balse adigaa ka mashquulaya oo ilaawaya ! Ibnu Teymiya (AHUN), waxa uu leeyahay hadal aad u qiimo badan oo ina tusaya ujeedka hadalkan sare ,ee aad u dhuux ,ka dibna ka dhigo dhufays aad ka gasho gaajada ,dhibka iyo baahiyaha. Wuxuu yidhi sheekhu:
" Balaayo ayaa ku dhacaysa addoonka , ujeedkuu Alle ubaryayaa waa in uu raadiyo baahidiisa iyo in laga kor qaado dhibka ku dhacay , kadibna wuxuu ugucleeyaa baryo iyo isbihinbihin . Inkasta oo ay kamid yihiin cibaadada ,haddana yoolkiisa ugu weyni waa inuu helo baahidiisa oo ah quud ,guul iyo cafis furan. Baryada iyo isbihinbihinta ayaa ufuraya irridaha rumaynta Alle , garashadiisa ,jacaylkiisa ,ku raaxaysiga xuskiisa iyo baryadiisa oo uga qiimo badanaysa baahidii dabada ka riixaysay. Imtxaankani wuxuu ka mid yahay naxariista Ilaahay. Rabbi , baahiyo adduun ayuu ku ridaa adoomaha si ay ugaadhaan ujeedooyin diineed oo sareeya."

10 MAGAC

Maadaama aan lahaa labo aabbe oo saamayn xooggan leh labaduba , labadoodaba waxbaan ka bartey. Waa aan ka fakari jirey t...
20/10/2025

Maadaama aan lahaa labo aabbe oo saamayn xooggan leh labaduba , labadoodaba waxbaan ka bartey. Waa aan ka fakari jirey talada mid walba , sidaas darteedna waxa aan ogaadey awoodda iyo saamaynta qof aragtidiis ay ku yeelan karto nolosha qof kale. Tusaale, labada aabbe midkood ayaa markasta oran jirey "ma aan awoodo". Aabaha kale waa uu diidanaa in ereyadaas la adeegsado , waxa uu igu qasbi jirey in aan iraahdo " Sidee u awoodi karaa?" Middood waa oraah , tan kalena waa waydiin. Middood waa ay ku niyad jebin ,halka tan kalena kugu dhalin in aad ka fakartid. Aabbahaygaas dhawaan hodmi doona ayaa ii faahfaahiya kala duwanaanshaha labada oraahood asaga oo oranaya marka aad tiraahdid "ma aan gadi karayo ", maskaxdaadu waa ay shaqo joojin. Balse marka aad iswaydiisid " sidee ugadi karayaa ?" Maskaxdaadu waa ay shaqo bilaabin .Ugalama uusan jeedin in uu oranayo iibso wax walba oo aad doontid. Waxa uu uga jeeday in maskaxdaada oo ah kombuyuutarka ugu awooda badan ifkaan, ay tabab-bar gasho.

AABBE HODAN AH ,AABBE SABOOL AH.

Address

Burco
Burco

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when NUUN BOOKS posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Category