24/05/2026
Luqmaan ayaa wiilkiisii ku yidhi: “Aabbo; iska jir arrinka halista ah ee mudan in laga digtoonaado, ee ah in aad dadka u muujisato Alle-ka-cabsi, qalbigaagana uu faajir noqdo!”
Marka aad u fiirsato waayeellka iyo waayaha ay ka sheekeynayaan, si kasta oo aanay caddayn iyo tixraac u lahayn, haddana waxa ay leeyihiin macne dhab’abbaar ah oo sax ah.
Shinbir ayaa waayihii Nebi Saleebaan NKHA damcay in uu jidhaan (haro yar) biyo fadhhiyaan ka cabbo, markaasuu arkay in carruur yaryari ay ku ag ciyaarayaan, kolkaasuu is yidhi: “wallaahay in aanan ka ammaan helaynin ciyaalkaas, ee halkan ayaan iskaga sugayaa inta ay ka kala dareerayaan meesha, markaas ayuun baana aan ka cabbayaa jidhaantaas oo aan ka dhergayaa!”
Markii ciyaalkii way tageen, koodii u danbeeyay markii uu dhaqaaqay ayuu biyihii yimi oday gadh weyn oo astaamo suubanaan iyo dunwanaag ahi ay ka muuqdaan.
Markaasuu haddana shinbirkii isyidhi: “odaygan maamuuska leh k**a cabsi qabo oo gadhkiisa dheeri waxa uu u eg yahay kii caabidiinta iyo saahidiinta.”
Biyihii ayuu ku soo duldegay. Odaygii ayaa dhagax ku soo tuuray oo il kaga dhuftay!
Shinbirkii nebi Saleebaan ayuu u yimi oo uu uga soo dacwooday.
Nebi Saleebaan nkh’e waxa uu amray in odaygaas loo keeno, labadii darafna wuu isu dhegaystay, waxana uu amray in odaygaas ishaas uu shinbirka ka riday isheeda isagana laga rido.
Se shinbirkii ayaa ku yidhi: “Nebi Saleebaanow; u daa ishiisa iyadu denbi ma laha’e, oo ka xiir gadhka, isaga aya sababey in aan dhagartiisa aamino oo aan isku hallayn biyaha ugu dego’e!”
Saaxiib; diintu inta aanay muuqaalka guud noqon waa johoradda gudaha.
Waamuran-ma-doon in labada dhanba ay muhiim yihiin, se waxa ugu foolxun qofka muuqaalka sare in ay diinta ka muuqato, qalbigana uu faajir ka noqdo!.
Waxa se ugu door roon qalbiga saafiiga ah ee badhax tiran, xataa haddii aanay muuqaalkiisa guud wax diin ahi ka muuqanayn!.
Saaxiib; inta aadan gadhka dheerayn gacmahaaga ka laabo hantida dadka iyo xuquuqdooda.
Inta adan ilkahaaga cadayga ku nadiifin, maanka ku hay in ay xaarantaahay in aad ilkahaaga u soo fayso cunista hilibka dadka!.
Saaxiib; Luqmaan ayaa wiilkiisii ku yidhi: “Aabbo; iska jir arrinka halista ah ee mudan in laga digtoonaado, ee ah in aad dadka u muujisato Alle-ka-cabsi, qalbigaagana uu faajir noqdo!”
Nabadino saaxiib.
Buugga: Waan ku salaamay saaxiib.
Maktabadda: Al fatxi Books
Maxamuud Cabdullaahi Bowlad