01/10/2024
Habeen walba maku tashataa in aad goor h**e seexato oo ma is aragta adigoo xili danbe soo jeeda ama mobile isticmaalaya, kadib ma darenta niyad jab, subaxiina xili danbe ma soo kacdaa oo haddana ma sii darentaa niyad jab kale
Mobile ka ma iska dhigi kariwaydaa Markad isticmalayso Facebook ama tiktok.
jidhkeenu wuxu soo daynayaa dheecaan la dhaho Dopamine, Dheecankaasi wuxu ina siiya Farxad yar oo ku meel gaadh ah waa Dheecaan ( Dopamineku ) kugu qasbayaa in aad sii isticmaasho facebook ama aad tiktok siidaawato waxaanad ku Dareemaysa Nafis iyo raaxo.
Lkn marka dheecanka Dopamine si joogto ah looso daayo Farxadii iyo nafiskiisi iyo raaxadii k**a helaysid oo adigoo caajis ah baad marba is odhanaysa bal video gana daawo, siaad farxad ugaraadiso kadib sidaad marba video u daawanayso ayaad is arkaysa adigoo 2 saacadood mobile ka ku foorara oo an iska xak**ayn karin isticmaalka mobileka.
Xitaa hadii aad musqulka u baahato waxad isarkaysaa adoo mobile kii h**e usii qaatay si aad ugu dhex isticmaasho
Internet la'aan na ma ahaankartid 1 saac wax ka badan.
Hadii aad astaamahan isku aragtay, 4 maalin ama 5 maalin isku day in aad ku bixiso wax akhris iyo wax aad wax ka faaidayso, waxad is arkaysa adigoo farxad iyo nafis ka helaya wax akhriska, niyad jabkii iyo waqti lumiski baad ka soo kabanaysa markad wax manfac leh akhrido ama aad cilmi cusub barato.
bilo yar kadib waxad arkaa in aad tahay qof karti leh faraxsan niyad ahaana waxad daremi doonta awooda kugu kaydsan in aad ka faidaysato oo wax curintaada iyo hal abuurkaaga ayaa debada imanaya , Tayo ahaana qof kalsooni leh oo bulshada anfaca ayaad noqonaysa.
Xigasho Dr jihaan Odowaa