05/09/2026
Allaha u naxariistee waxa uu Geeriyooday "2020 dhaqtarkii guusha" Dr. Muxamed Mashally.
Muxammad Mashally, "Dhakhtarkii saboolka", waxa uu ka qalin jabiyay Kuliyadda Daawaynta cudurada sanadkii 1967,
Muxamed Mashally ayaa ku daweeynayay masaakiinta muddo 50 sano ah si lacag laโaan ah xaruntiisa caafimaad ee Tanta, Masar.
wuxuuna xitaa siin jiray lacago ay ku iibsadaan daawo waxayna qaadan jireen 10 rodol oo kaliya (wax ka yar hal doolar) Boqolaal bukaan ah ayaa maalin walba saf ugu jira xaruntiisa caafimaad.
Dr. Muxamed wuxuu shaqeeyn jiray 10 saacadood maalintii laga bilaabo 9ka subaxnimo ilaa 7da fiidnimo si uu u daweeyo tirada ugu badan ee dadka.
Muhammad Mashally ma lahayn gaari, xitaa ma haysan taleefanka gacanta, wuxuuna ku tagi jiray gurigiisa lug, sidoo kale xarunta cafimaadka wuxuu ku iman jiray lug, iyadoo waliba da'diisu ay ahayd 80.
Xitaa mid ka mid ah maalqabeenada Khaliijka oo maqlay sheekadiisa, ayaa ugu deeqay 20 kun oo doolar, wuxuuna siiyay gaari u fiicnaa xaaladiisa,
laakiin sanad kadib, mutadawiciinta ayaa ogaadey markii uu ku soo laabtay Masar in Muxammad lacagtii u qeybiyay bukaannadiisa saboolka ah uuna ku iibiyey gaariga si uu ugu iibsado aaladaha cafimaad oo dakhtarku u baahnaa si u ugu baadho bukaankiisa si bilaash ah.
Dr. Muxammad Mashaly wuxuu yiri: Qalin-jabintaydii ka dib waxaan ogaaday in aabahay uu ii huray qarashkii daawadiisii si aan dhakhtar u noqdo...
Markaa waxaan Illaahay u ballan qaaday in aanan ka qaadanin wax lacag ah qof liita ama xanuunsan.
Share dhe una ducee Dr Muxammed Mashally๐ฅ
W/Q SAAHIR MAIK.