05/03/2026
Harraadka
Harraadku waxa uu ka mid yahay dhibaatada ugu badan ee ay inta badan dadka soomani ka cawdaan xilliga maalinnimada. Shabakadda Alcarabiya ayaa faafisay warbixin ay ku soo ururinayso talooyinka ay xeeldheerayaashu ka bixiyeen hababka ugu habboon ee looga fogaan karo harraadka maalinnimada soonka.
Ugu horreynba waa in qofku uu caado ka dhigtaa in uu habeennimada cabbo ugu yaraan 8 koob oo biyo ah. waxaana muhiim ah in cabbitaanka biyahaas uu u qaybiyo inta u dhexeysa afurka iyo illaa suxuurta. Waxaa la ogaaday biyaha oo inyar inyar loo cabbo waqti kala durugsani in ay jidhka awood u siiso in uu biyo fiican kaydsado, si uu xilliga baahida u isticmaalo. Taas oo aad uga duwan in biyo badan mar keliya la cabbo oo keenta in biyaha jidhka dhaafayaa ay ka bataan intii ay ahayd in ay qashin ahaan u baxaan, maadaama oo biyaha badan ee mar la wada cabbay awgeed ay maskaxdu u fahmayso in biyo dheeraad ahi jidhka galeen oo loo baahan yahay in la saaro.
Ka fogoow cuntooyinka iyo cabbitaannada ay sonkortu ku badan tahay, gaar ahaan iska ilaali xilliga suxuurta. Waxaa la ogaaday in sonkortu ay dhiigga iyo unugyada jidhka ka saarto dareeraha uu u baahnaa.
Sida oo kale iska jir cuntooyinka xawaashyada badan ama busbaaska leh. Waxa kale oo muhiim ah in aad iska ilaaliso cuntada ay milixdu ku badan tahay. Waxa ay xeeldheereyaasha nafaqada cuntadu sheegeen in cunista cuntada ay xawaashka ama milixdu ku badan tahay ay jidhka ku abuurto baahi badan oo biyood.
Khubaradu waxa ay sheegeen in xilliga soonka ay fiican tahay in la cuno noocyada kala duwan ee khudradda. Khudradda waxaa ku jira biyo badan oo sababa in jidhku uu biyo kaydsado. Ugu dambayn waxaa fiican in qofku uu ka dheeraado cabbitaannada leh maadadda Caffeine oo dhibaatadoodu ay tahay in ay jidhka ka saarto macdanno iyo biyo badan.