08/09/2026
Bismillaahi Raxmaani Raxiim.
Asalaamu calaykum waraxmatullaahi wabarakaatuh.
Waxaan salaamayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan macaamiisha iyo dadka jecel inay soo gutaan waajibaadka Cumrada.
Maanta waxaan halkan uga warbixinayaa mowsimka Cumrada iyo adeegyada ay Daariq Travel Agency u diyaariso walaalaheen muctamiriinta ah. Shirkaddu waxay si habsami leh ugu adeegtaa dadka doonaya safarka Cumrada, iyadoo u fududaynaysa dhammaan adeegyada muhiimka ah ee safarka.
Waxaan muctamiriinta gaynaa goobaha barakaysan ee Makkah Al-Mukarramah iyo Madiinah Al-Munawwarah, waxaanan u diyaarinnaa adeegyo ay ka mid yihiin fiisaha, tigidhada safarka, hoteellada, gaadiidka iyo hagidda muctamiriinta.
Sidoo kale, shirkaddu waxay muctamiriinta u diyaarisay Siyaaradaha Madiinah Al-Munawwarah, halkaas oo ay ku booqanayaan goobaha taariikhiga ah iyo kuwa muhiimka ah. Waxa kale oo aanu gaynaa Mashaacirta iyo goobaha barakaysan ee Makkah, si muctamiriintu uga faaβiidaystaan booqashooyin iyo wacyigelin ku saabsan goobahaas muhiimka ah.
Waxaan ugu baaqayaa dhammaan dadka doonaya inay soo gutaan Cumrada inay h**e isu diiwaangeliyaan, si ay uga faaβiidaystaan adeegyada dhamaystiran ee shirkadda.
Mahadsanidiin Saab TV iyo KF Media, iyo dhammaan daawadayaasha nagu xiran.
Wassalaamu calaykum waraxmatullaahi wabarakaatuh.