Awil Gurhan Ali

Awil Gurhan Ali Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Awil Gurhan Ali, Book shop, Horseed, Horseed.

29/10/2025

Mw/abdiqasim Salaad Hassan
Oo ahaa 1972 wasiirka waxbarashada Somaaliya
Waxa uu sharaxayaa qaabkii loo qoray Qorista farta soomaaliga.

28/10/2025

Profiser:Abdirixmaan Baadiyow
Siyaasada Soomaaliyeed waxa
Uu uqaybiyey Afar(4)

1.siyaasad qabiilaysan
2.siyaasad ganacsi
3.siyaasad b**b
4.siyaasad ajnabi dabada lagu hayo.

Sharaxaada oo kooban muuqaalka dhagayso.

29/07/2025

LAASCAANOOD: Beesha Cabdirixiin Ibraahin [MJ] oo dalbatay in ay hesho xuquuqdeeda ka qayb-galka Dhammaystirka Maamulka SSCKhaatuno, digniina u dirtay Wasaaradda Arrimaha-gudaha DFS.

31/05/2025

Marka aan mingaafkiyo
Xiranahay malaawiga
Moohaarka buuxsado
Waxaan ahay mulkiilaha
Loosoo macaash tago.

nimcaafadhida.

14/04/2025

Nabad kusoonoqda hh.

10/04/2025

Shacabka reer laascaano waxay hoosjoogaan riyadii iyo halgankii ay mudo sugayeen.
Soomaali Media .

Somali Community .

Shantaan arimood udiyaar garowGuurka kahor.1.Isbedel    Isbedel waa inaad udiyaar garowdaa    Waayo waxaad geleysaa nolo...
07/04/2025

Shantaan arimood udiyaar garow
Guurka kahor.

1.Isbedel
Isbedel waa inaad udiyaar garowdaa
Waayo waxaad geleysaa nolol ka
Duwan tii h**e kali ahaan shaha(single
Saaxiibadii aad lasheekaysanjirtay ,
Soodaahistii suuqa, socadkii badnaa
Iyo dhamaan habdhaqankii h**e oo
Dhan waa inaad bedeshaa .

2.Masuuliyad
Tani waa qodob muhiim ah khaasatan
Wiilka ama ninka saaran waayo
Masuuliyadu waa shay wayn waxaad
Soo guursatay gabar reero dhaleen
Waa inaad nafteeda,sharafteeda iyo
Dhamaan hawlaheeda aad ilaalisaa.
Waa inaad fahanto masuuliyada
Qoys meel degay leeyahay
Waxaan dhihi karnaa waxaynu
Aragnaa qoysasbadan oo bur-buray
Taasna waxaa keenaya micnaha
Masuuliyada ayaanba lagaranayn.

3.Tanaasul
Isu tanaasulka waxaa lagarabaa
Labada qof ee midoobay
wiilka iyo gabadha waayo
Waxaa imaanaya waxyaabo badan
Oo lagu kala duwanaan doono xaga
Aragtida. Sidaasdarteed waa in
Tanaasul yimada soomaalidu waxay
Ku maah-maahdaa (hadii aan
Lakala roonaan roob mada,o).

4.Gal-dalooladaada In laguu sheego
Waxaa tihiin bini aadam
Khaldami kara labadiinuba waxaad
Yeelanaysaan iin (khalad)waa in
Aad ogolaataa in laguu sheego
Galdalooladaada iyo khaladkaaga
Hadii taas aad wada ogolaataan
Guurkiinu wuxuu noqonayaa mid
Guulaysta.

5.Naf hurnimo.
Waa inaa samayso nafhurnimo
Aad usamaynayso shaqsiga aad
Nolosha lawadaagayso waayo
Hadii aad samayso nafhurnino
Waxaa kusiyaadaya jacaylka iyo
Xubiga dhexdiina yaal waana mid
Laga rabo wiilka iyo gabadha .
Duruuf kasta oo idinla sooderista
Waa inaad nafta uhurtaa jacaylkaaga

W/q. Awil gurxan.

03/11/2024

Xuquuqda qoraalka Ustaad:gallan.
Codka : media.

Qayb kamida boqortooyada
Ajuuraan.

24/10/2024

Maanta ayey dib ugu soolaabteen dalkooda
Hooyo ee soomaalia.
Waalidkood dhaqaale kumaharin
Iyaga wakhtibadan waa kaga lumay joogitaankii liibiya

Dhalinyaro aan dalkeena aamino .

........Boqortooyadii ajuuraan .........waa boqortooyo ka jirtay dhulka soomaalida .waxaa la'aasaasay qarnigii 10aad ee ...
18/10/2024

........Boqortooyadii ajuuraan .........
waa boqortooyo ka jirtay dhulka soomaalida .
waxaa la'aasaasay qarnigii 10aad
ee miilaadiga waxaana asaasay
boqor Sheekh Maxamad Alam Baalacad oo loo yaqaano
“Ajuuraan”. Midabka calanka
Suldanadii Ajuuraan waxay ahayd guduud iyo qeenid.

Boqortooyadii Ajuuraan
waxay ahayd Saldanad
Soomaaliyeed oo ka talin jirtay Soomaaliya qarniyadii dhexe. Boqortooyada ayaa waxaa uu xukunkeedu sidoo kale
gaarsiisnaa meelo ka tirsan
Itoobiya iyo Kenya.

Sidoo kale Taariikhyanadu waxaa ay
sheegaan in Boqortooyadii
Ajuuraan uu xukunkeedu gaarey deegaanka “Soofala” oo
ka tirsan dalka Muzambiik oo
ku yaala Koonfurta Afrika.
Waxaa intaa dheer in
Boqortooyada Ajuuraan
ay nidaam Boqortooyo
ka samaysay jasiirdaha
(Maldives).

Sida taariikhyanadu
caddeeyeen, Boqortooyada
Ajuuraan waxaa ay bud-dhige
u noqotay xiriirka
diblomaasiyadeed ee ugu
h**eeyay ee Afrika ay la
yeeshaan Shiinaha, waxaa
kale oo boqortooyada
Ajuuraan ku guulaystay in
ay ganacsi la samayso dalal
ku yaala Qaaradda
Aasiya iyo Yurub.

Boqortooyada Ajuuraan
oo lahayd ciidan milateri oo
xoog badan ayaa waxaa
taariikhdu ay shegaysaa
in ay ahayd cududdii ugu
weynayd ee dalka Somaliya
ka caabbisay Boortaqiiska iyo
dadyowga Oromada oo
doonayay in ay dalka Somaliya
ama deegaanada geeska
Afrika ee Boqortooyada
Ajuuraan ka talinaysay
soo galaan.

Boqortooyada
Ajuuraan waxaa loo nisbeeyaa
in ay ahayd boqortooyadii
Soomaaliyeed ee ugu horreysay
ee isku xirta Soomaaliweyn,
yeelata calan u gaar ah,
bilowdana nidaam buuxa
oo dowladeed oo ka
hana qaada gayiga soomaalida.

🖋 ustaad gallan.

Address

Horseed
Horseed

Telephone

+252906031413

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Awil Gurhan Ali posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Category