Laas' anod international book fair

Laas' anod international book fair Bogga Rasmiga ah ee Bandhiga buugta caalamiga ah ee Laascanood (LIBF)

Kulanka Guddiga Sare ee Qabanqaabada ayaa Caawa lagu lafaguray qorshayaal wax ku ool ah oo kor loogu qaadayo tayada iyo ...
08/05/2026

Kulanka Guddiga Sare ee Qabanqaabada ayaa Caawa lagu lafaguray qorshayaal wax ku ool ah oo kor loogu qaadayo tayada iyo habsami u socodka bandhigga.

Kulanka waxa diiradda lagu saaray dardargelinta diyaarna garowga bandhigga, xoojinta iskaashiga bahaha kala duwan ee bulshada, horumarinta barnaamijyada aqooneed iyo dhaqameed, iyo sidii bandhiggu u noqon lahaa madal kobcisa akhriska, hal-abuurka, iyo is-dhexgalka bulshada.

Sidoo kale, guddigu waxa ay isla qaateen qorshayaal lagu xaqiijinayo ka qaybgal ballaadhan, tayaynta bandhigga, iyo soo bandhigista himilooyin cusub oo sare u qaadaya sumcadda bandhigga heer qaran iyo heer caalami.

Kulan Qorsheyn iyo Isu-dubarid ah oo ay yeesheen Qabanqaabiyayaasha Bandhigga Buugaagta Caalamiga ah ee Laascanood. Waxa...
01/05/2026

Kulan Qorsheyn iyo Isu-dubarid ah oo ay yeesheen Qabanqaabiyayaasha Bandhigga Buugaagta Caalamiga ah ee Laascanood.

Waxaa qabsoomay kulan muhiim ah oo ay yeesheen guddiga qabanqaabada Bandhigga Buugaagta Caalamiga ah ee Laascaanood, kaas oo si gaar ah diiradda loogu saaray dejinta iyo soo bandhigidda qorshaha bandhigga sannadka 2026.

Kulanka ayaa lagu gorfeeyey qodobbo muhiim ah oo ay ka mid yihiin horumarinta qaab-dhismeedka bandhigga, tayeynta barnaamijyada la soo bandhigi doono, iyo xoojinta iskaashiga lala yeelanayo qorayaasha, daabacayaasha, iyo hay’adaha taageera horumarinta aqoonta iyo suugaanta.

Intii uu socday kulanka, waxaa sidoo kale lagu lafaguray sidii bandhiggu u noqon lahaa mid leh saameyn ballaaran oo gudaha iyo dibaddaba ah, iyadoo la qorsheeyey in la kordhiyo ka qaybgalka martida caalamiga ah iyo in la abuuro fursado cusub oo dhiirrigeliya hal-abuurka iyo akhriska bulshada.

Guddiga qabanqaabada ayaa si wadajir ah u muujiyey dadaal iyo go’aan adag oo lagu xaqiijinayo in bandhigga sannadka 2026 uu noqdo mid si heer sare ah loo abaabulo, kana tarjumaya horumarka iyo kobaca suugaanta iyo dhaqanka.

Kulanka ayaa ku soo idlaaday is-afgarad iyo dejinta qorshe hawleed cad, iyadoo la isla qaatay in si wadajir ah loogu shaqeeyo hirgelinta himilooyinka bandhigga.

Xafiiska warfaafinta Las' Anod international book fair


30/04/2026

BAYAAN RASMI AH

Guddiga Qabanqaabada Bandhigga Buugaagta waxa ay si rasmi ah ugu wargelinayaan dhammaan bulshada, daneeyayaasha, iyo taageerayaasha bandhigga in isbeddel lagu sameeyey magacii h**e ee bandhigga.

Kadib qiimeyn dheer, wadatashi ballaaran, iyo la-tashiyo lala yeeshay bah-wadaagta kala duwan ee ka shaqeeya horumarinta akhriska iyo dhaqanka, waxaa la go’aamiyey in magaca bandhigga laga beddelo kii h**e ee ahaa “Waqooyi Bari Book Fair”, laguna baddelo magaca cusub ee ah: “LAS' ANOD INTERNATIONAL BOOK FAIR”

Bandhiggan oo h**e u qabsoomay, sanadkanna noqonaya kii labaad (2aad) ee noociisa ah, waxa uu ujeedkiisu yahay kor u qaadidda dhaqanka akhriska, dhiirrigelinta qorayaasha Soomaaliyeed, iyo kobcinta is-dhaafsiga aqoonta.

Go’aankan waxa uu yimid kadib markii ay soo baxeen duruufo iyo caqabado la xiriira habsami-u-socodka bandhigga, iyo sidoo kale baahida loo qabo in bandhigga loo sameeyo sumcad iyo aqoonsi ballaaran oo ka tarjumaaya heerkiisa iyo himiladiisa mustaqbalka.

Guddigu waxa uu ku boorinayaa dhammaan bulshada, hay’adaha waxbarashada, qorayaasha, iyo daneeyayaasha kale inay si buuxda u taageeraan bandhiggan, kana qayb qaataan sidii uu u noqon lahaa mid guul weyn gaara.

Xafiiska Warbaahinta
Las' anod International Book Fair



Waqooyi Bari Book Fair 2026 📚Waxaa si rasmi ah loo shaacinayaa Carwada Bandhigga BuugaagtaWaqooyi Bari oo ka qabsoomaysa...
05/04/2026

Waqooyi Bari Book Fair 2026 📚

Waxaa si rasmi ah loo shaacinayaa Carwada Bandhigga BuugaagtaWaqooyi Bari oo ka qabsoomaysa caasimada Dowlada Waqooyi Bari Laascanood sannadan 2026

📍 Lasanod, Waqooyi Bari, Somalia
🗓 2026
🔔 Dhowaan filo faahfaahin dheeraad ah!




Address

Laascaanood

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Laas' anod international book fair posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share

Category