07/02/2022
FARAANZ FAANON
"Faanon wuxuu wada ahaa dhakhtar, aqoonyahan nafeed, indheergarad bulsheed oo caalami ah, halgamaa gobonnimaddoon iyo fekeraa aragticuriye ah. Buuggiisan oo soo baxay markii dhaqdhaqaaqii gobonnimaddoon ee Aljeeriya uu cirka marayey wuxuu kulansanayaa nolosha kala duwan ee Faanon. Wuxuu si kal iuo laab ah u kala dhigdhigayaa caqliga gumeystaha, eesha dhaqaale, bulsheed iyo nafeed ee ka dhalata gumeysiga iyo naftsadda la gumeystaha. Siyaabaha gumeysigu u saameeyo caafimaadka maskaxeed ee dadka la gumeysto ayuu Faanon isagoo aragtidiisa adeegsanaya falanqaynayaa."