Hal-Abuur books online

Hal-Abuur books online Danayste ha noqon balse dantii garad noqo.

Haldoorka Dalka: Himilooyinka Naafada SoomaaliyeedWaxaa Qoray: Cabdiraxmaan Ibraahim Qureeysh.Buuggani waxa uu ka hadlay...
27/02/2026

Haldoorka Dalka: Himilooyinka Naafada Soomaaliyeed
Waxaa Qoray: Cabdiraxmaan Ibraahim Qureeysh.

Buuggani waxa uu ka hadlayaa qiimaha naafada Soomaaliyeed, diinta Islaamka oo tilmaameysa sinnaanta bani’aadamka, iyo kaalinta muhiimka ah ee naafadu ku yeelan karaan horumarinta dalkeenna hooyo.

Waxuu qoraaga xoogga saaray sidii bulshada Soomaaliyeed ay uga faa'iidaysan lahayd kartida naafada, iyagoo la siinayo fursadaha iyo aqoonsiga ay mudan yihiin.

Buuggani waa farriin ku saabsan midnimo iyo wadajir – laba tiir oo muhiim u ah horumarinta qaranka.

Waa kuu diyaar buuggan waan idin heynaa soo dalbada.

Hada dalbo hada hel📘📚

25/02/2026

RAAZ TRAVEL & CARGO ✈️🌍
Ku soo dhawaada Page-keena rasmiga ah.
Waxaan bixinaa: ✔️ Tigidhada Safarada Gudaha & Dibadda
✔️ Visa Services
✔️ Cargo Services
Adeeg degdeg ah iyo kalsooni leh ayaan kuu balan qaadeynaa.
📞 WhatsApp: 0613035292 / 0638888929
Nagu soo biir safar fudud oo raaxo leh ✈️🌍

23/01/2026

Barlamaanka soomaaliya oo laabay ama xiray albaabka qudbasirada guul baa ka dhacday maanta,

Ninka: waxaa lagu ciqaabayaa xabsi aan ka yarayn 6bilood kana badnayn labo sano iyo ganaax aan ka yarayn $600

Gabadha: waxaa lagu ciqaabayaa xabsi aan ka yarayn labo bilood kana badnayn lix bilood iyo ganaax aan ka yarayn $200.

Maalin maalmaha ka mid ah ayaa Nabi Sulaymaan (CS) oo la hadlaya qudhaanjo yar weydiiyey:"Imisa xabbo oo hadhuudh ah aya...
23/01/2026

Maalin maalmaha ka mid ah ayaa Nabi Sulaymaan (CS) oo la hadlaya qudhaanjo yar weydiiyey:

"Imisa xabbo oo hadhuudh ah ayaad cuntaa sanadkii oo dhan?"

​Qudhaanjadii ayaa ugu jawaabtay:
"Saddex xabbo oo keliya ayaa igu filan, Nabi Allow."

​Nabi Sulaymaan (CS) si uu u tijaabiyo arrinkan, wuxuu qudhaanjadii ku riday sanduuq, wuxuuna u sii raaciyey saddexdii xabbo ee ay sheegtay, kadibna wuu xidhay..

​Markii uu sannad kasoo wareegay, ayuu Nabi Sulaymaan soo laabtay oo furay sanduuqii. Layaab ayay ku noqotay markii uu arkay in qudhaanjadii ay cuntay hal xabbo iyo badh keliya, intii kalena ay dhigatay..

​Isagoo yaabban ayuu weydiiyey:
"Maxaa dhacay? Sow adigii yidhi saddex xabbo ayaa iga go’da sanadkii, maxaad u wada cuni weyday?"
​Qudhaanjadii oo bixinaysa cashar dahabi ah ayaa tiri:

Markii aan xorriyadda haystay, waxaan ogaa inuu i arsaaqayo Eebbe (SWT) oo aanu marnaba i iloobi doonin, sidaas darteed cabsi ma qabin..

​Laakiin markii aad sanduuqa igu xidhay, noloshaydu waxay soo gashay gacantaada oo bini'aadam ah. Waxaan ka baqay in aad i illowdo, sidaas ayaan u kaydsaday cuntadaydii si aanan u gaajooneen sanadka dambe..

​Halkaas waxaan ka baranaynaa xaqiiqo jirta oo ah: Bini'aadamku wuu ku hilmaami karaa, laakiin Rasaaqa koonka leh marnaba kuma hilmaamo..

​Wuxuuna Rasuulkeenii Suubbanaa (SCW) inoo sheegay arrinkan markuu yidhi:
"Haddaad u talo saarataan Alle sida xaqa ah ee loo talo saarto, wuxuu idiin arsaaqi lahaa sida uu shimbiraha u arsaaqo; waxay waabariisataa iyadoo calool maran, waxayna soo hoyataa iyadoo dheregsan."

Ugu dambayntii ​Haddii aad qissadan ka heshay, fadlan qor mid ka mid ah magacyada Eebbe, oo sii faafi si ay walaalaha kale u gaadho xikmaddan qoto dheer.. 🙏

19/01/2026
19/01/2026

Muqdisho looma sinno adeegga amniga, meelaha qaarne dadka nasiib kooda ayay ku badqabaan ee ma helaan adeeg buuxa.

Jimcadii la soo dhaafay 11:30 Am ayaa xeebta Liido waxaa la iiga dhacay taleefan. Waxaan dadka weydiiyay meesha ugu dhaw een caawinaad ka heli karo. Ugu danbeyn Maamo ayaa ii sheegtay in aan tago isgoyska Liido. Waan tagay, balse ciidan joogay waxa ay ii sheegeen inaan tago isgooys gadaale iyagoo leh kuwaas ayaa wixii tuugo ah ku shaqa leh. Socod dheer ka dib waan u tagay waxaana la wadaagay cabashadeyda.

Isbatooraha koontaroolka heystay ayaaa ku dhawaad 10 daqiiqo hurdada ka kicinayay askari heegan ku qornaa. Isagoo dhibsanaya, socodkane gaabinaya ayuu isoo raacay. Markaan tagnay meeshii la igu dhacay ayuu i yiri : maxaa meeshaan ku keenay? Aniga wixii inta dhaafa ima quseeyaan!

Waxaan iri haddaan meesha la imaa karin maxaad noogu wargali weyseen? Ugu danbeyn waxa uu ii xaqiijiyay in haddii Elite la dhaafo aanay Police ka iyo laamaha kalaba ka howlgalin oo ay qatar tahay. Wuxuuna ii raaciyay : hadduu isku dayo in uu doomaha dhaafo in uu xataa shaqsiyan halis ku jiro oo ay joogaan kooxa hubeysan oo cabtooy ah.

Haye, maxaad ii soo raacday marka? Maxaad ii gu sheegi weyday in aysan shaqadaadu gaarsiisaneyn ka daba tag? Intaas markaan iri ayuu i yiri : niyahaw haddaa nabad qabto alle umahad celi ee soo bax.

Waxaan ku soo noqonnay isbatoorihii aagga heystay waxaanan isla garannay in ay adagtahay in kiiskan uu sii socda. Waxaan weydiiyay su'aala badan oo badqabka dadka ku saabsan waxa uuna ii sheegay in aan shaqadiisu check point ga dhaafsiisaneyn.

Markii h**e waxaan la yaabbanaa xeeb dhan oon xataa hal musqul laheyn, waxaanse kasoo tagay iyada oo la leeyahay xataa amniga ayaan sugnay ee meesha ka tag.

Liido, amni roondo dhaafsan ayay u baahantay iyo in kaliya la ilaaliyo Huteelada.

15/01/2026

SUG BAL;

Kawaran hadii uu qof gurigaaga ama gurigiina hortiisa qashin ama wasakh ku daadiyo.
Dabcan qofkaa waad la dagaalamaysaa sax.
Bal iyadana kawaran hadii uu qof maskaxdaada uu qashin qub ka dhigo.
Sidee?

Horta intaanad sidee I waydiinin miyaad la dagaalami lahayd adigu.?
Haa. Maya. Yaa.
Hhh haa iyo maya ayaad iigu wada jawaabtay.
Su.aasha aan kuu sharaxo.

Malaha sifiican iimaad fahmine.
Baraha bulshada ee kala duwan ma isticmaasha.?
Haa dhe dee waliba tiktok iyo reelska ma daawataa dareemadaada hal meel ma iskugu keentaa.?
Waxaan ka wadaa dareenadaada kala duwan. Sida,
1.cadhada
2.naxdinta
3.farxada
4.yaabka amakaaga!

Adigoo baraha bulshada ku jira intaniba halmeel inay ku kulmaan waa marag ma doon.
Mid reer caayaya, mid miskiinyar ku diganaya, Hooyo ilmaheedii ka tahriibay oo rafaadsan,
Iyo mid qudhaba laga jaray ax.

Inan yar oo iyaduna marna isa sii ruxaysa marna isa soo ruxaysa.
Mid aan caqliba ku jirin oo qaylinaya oo kuleh laandheere banaan dagay baan ahay car isoo eeg.!
Waxan markaad daawanayso qashin qub iyo waliba qof lagu ciyaarayo dareemadiisa sow kaamay dhigin.?

Ugu danbayn hal talo iga qaado. Walaal.
Ka fiirso fikradahaga maadaama ay noqonayaan caado.
Kana fiirso caadooyinkaaga maadaama ay noqonayaan dabeecad.
Kana fiirso Dabeecadahaga maadaama ay noqonayaan Masiirkaaga jaangoynaya noloshaada gabi ahaanteedba kana fiirso waxyaabaha aad daawanayso maadaama ay kugu yeelanayaan saamayn..

07/01/2026

Ii dhig waa ku sujuudaaye.

06/01/2026

Marka Lagu Leeyahay " ilmahaaga Hooyo Fiican U Door " Waa Sidaan. ❤️

Address

Hodan, Taleex
Mogadishu
00000

Telephone

+252611202424

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Hal-Abuur books online posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Hal-Abuur books online:

Shortcuts

Share

Category