17/04/2025
Noloshu qurux ma yeelato haddii aysan jirin waddo, hab ama hannaan la isku fahmo. Awoodda is fahanka lammaanahu waa mid xoojineysa xiriirka ka dhexeeya labada ruux ee dunida iyo dadka iska xushay
Caqabadda is fahan la'aanta ka dhalata ayaa ah in ruuxba ruuxa kale ku eedeeyo cilladaha jira, iyada oo midkoodna uusan ka fikirin maxaa sababay iyo sidee ku timid midna .
Waxaa xaqiiqo ah, haddii qofku uusan wax aqoon ah u lahayn naftiisa iyo iintiisa, waa sabab fududayn karta is fahan la'aanta
Sidaa oo kale, haddii ruuxu yahay mid aan gar qaadan qaladkiisana la tusi karin iyaduna waxa ay xoojisaa is fahandarrada.
Waxa ugu muhiimsan ayaa ah in marka h**e aynu baranno nafteenna iyo cilladeheenna, marka xigana aan qiranno dambiyadeenna iyo xadgudubkeenna.
Taasi waa xalka ugu dhaw ee lagu saxo qaladaadka ka dhasha in la isla jaanqaadi waayo.