20/05/2026
Qaanuunka 13aad: Jacaylka Dhabta ahi Caddayn uma Baahdo!
“Dadka qaar ayaa ku raaxaysta in ay dareemaan in uu qof xiisaynayo, inta ay jeclaanayaan qofka jecelna waxa ka badan inta ay jeclaanayaan jacaylkaas laftiisa, waxana ay macaansi ku dareemaan in ay noqdaan kuwa la daba ordayo. Marka qofkaas jeceli uu ku daba xiiqo ee dedaalkiisa oo dhanba uu geliyo in uu hantana waxa aad arkaysaa isaga oo u samaynaya qaab kale oo uu u sii daba ordo sidii in uu hilib solayo oo marba uu dhan dabka ugu rogayo! Ha la yaabin xaalkoodaas, marka ay ugaadh si buuxda gacanta ugu wada dhigaan markaaba way ka daalaan oo mid kale oo xamaasad ay ku dareemaan ayay raadiyaane!
Xidhiidhada noocaas ahi waa maskax–daalis, waana karaamo–dil, qofkuna waa in uu ka feejignaadaa in uu noqdo ugaadha cid kale. Laakiin ugaadhsaduhu badanka waa bukaan nafsi ah oo uu Nerjesi hayo!”