Madadalo page

Madadalo page Madadaalo

19/09/2022

Abuu jahal oo Aabaha xikmada isku magacaabayba waan aragnay😁 Maxaa ula yaabeynaa 80jir aan lagu karin ilaahey ka cabso oo is astur🥴🥴

Ilaahey ka cabso Naseexo ka weyn ine jirto umleyn maayo🤐

Waxaad tahay furaha guulWaxaad noqon xaaskan rabo Inaan la wadaago nolasha .Hadduu wayne nagu simaa Wadnaha adigaa ku qo...
02/09/2022

Waxaad tahay furaha guul
Waxaad noqon xaaskan rabo
Inaan la wadaago nolasha .

Hadduu wayne nagu simaa
Wadnaha adigaa ku qoran
Wax walbana adigaa bilow
U ah waaniso aan maqlo .

Wuxuu wer-wer igu bataa
Markaan waqti aan ku helin
Anoo wali wehel ku raba.

♥️♥️♥️♥️

30/08/2022
"Waxay u guursatey Biliyineer lacagtiisa awgeed! Maxay kala kulantay?-Qiso dhab oo cibro qaadasha ah.Maria oo u dhalatay...
15/07/2021

"Waxay u guursatey Biliyineer lacagtiisa awgeed! Maxay kala kulantay?

-Qiso dhab oo cibro qaadasha ah.

Maria oo u dhalatay dalka Norwey oo ka shaqeyn jirtay maqaaxi Magaalada Oslo ku taala. ayaa xidhiidh la lahayd Kevin oo ka shaqeyn jiray geerash. Waxa ay ahaayeen lamaane is jecel oo isku doonaan noloshooda "Vience". Maria iyo Kevin waxay nolosha ka lahaayeen hami weyn oo ah in ay mustaqbalkooda farxad ku dhamaystaan.

Maalin maalmaha ka mida ayaa Maria oo joogta goobteedi shaqada waxaa yimi nin taajir oo Bilyineer ah, gaadhigu uu wato waa nuuca qaaliga ah ee Ferrari, saacada iyo dharka uu xidhanyahy ayaa iyaguna ah kuwo aad u qaaliya.

Waxay ay sameysay adeegii shaqo. Markii shaqadii ay u dhamaysay ayuu ku yidhi, " Quruxleey uma qalantid in aad halkan ka shaqeyso."
si qosol leh ayey ugu jawaabtay "Mahadsanid " iyado kaftan moodaysa. wuxu ku yidhi, " Ka waran haddii aad aniga ila noolaato Villa dayda oo nolol qiimahaaga leh ku noolaato" runtii yaab iyo amakaaga ayaa iskugu yimi, waanay u qaadan weyday. Wuxuu ku yidhi, " Hoo Business Card kayga kaas igala soo xidhiidh markaad go'aan gaadho." Waanu ka dhaqaajiyey.

Maria oo inabadan dhib nafsiya ku qabtay adduun la'aanta Kevin iyo nolosha saboolnimo ee Saxiibkeed. Iyadoo àad u jeclayd ku noolaanshaha nolol qaaliya oo wax kasta oo jeceshahay hesho.

Waxa ay timi aqalkii, " Waxa ay aragtay Jacaylkeedi Kevin oo guriga ka dhex ooyaya! laabteeda ayaa ay gelisay waxa aanay ku tidhi, " Maxa ku helay noloshaydiyoow.?" Waxa uu ugu jawaabay " Shaqadii geerashka ayaa la iga soo caydhiyey." Maria oo qalbigeeda ka holcaysa oo ka sii xun ayaa si afka baarkiisa ugu tidhi, "Waa ay hagaagsaa gacaliye"

Maalin ka dib waxa ay la xidhiidhay Bilyineerkii 30, Sanno ka weynaa. Waxa ay u sheegtay in ay diyaar u tahy in ay la noolaato. Si degdeg ah ayaa ay gurigiisi ugu wareegtay waxay ay gashay noloshii ay jeclayd ee inta badan ku haminaysay. Guri qaaliya oo Macuun iyo agab quruxoon dhex taalo. Waxay heshay wax kasta oo ay sawiran jirtay. Telefoonkiina way ka xidhatay saxiibkeedi saboolka ee Kevin.

Mudo ka dib waxa ku bilowday cidhiidhi nafsaani ah iyo is fahan la'aan qofka ay la nooshahay. Wax laga jaray noloshii saxiibtinimada, waxay dareenatay qaab addoonsi ah oo kale. Waxa ay dareenatay in aanay meesha oolin jacayl iyo is dhagaysi sidoo kale ixtiraam iyo kalgacayl midna ka helin. Noloshii ay haystay iyo filashadii ay ka qabtay ayaa ku noqday mid aan qalbigeedu raaxo ku dareemayn.

Muddo Shano sanno ah ayaa ay noloshaas quusta iyo farxad la'antaa ku noolayd. Ugu dambayn waxa ay garatay in aanay aheyn noloshi ay ku haminaysay. Go'aan aad u adag ayaa ay qaadatay oo halis ah!

Maalin maalmaha ka mida oo ay banaanka u raacday ninkii ay la noolayd caasumadna ay ka qayb galeeen. Waxa ay go'aansatay in fursad u tahay tani ay kaga baxdo noloshan. Daqiiqado markii xafladii ay joogeen ayaa ay ka baxstay meeshii. Waxa ay raadisay cinwaankii jacaylkeedi horre ee Kevin. waxa ay heshay Gurigii uu magaalada ka deganaa. Markii ay gaadhay aqalkiisa albaabka ku garaacday. Waxa albaabka ka furay saxiibkeed kevin. Naxdin iyo amakaaga ka dib waxa ay uga warantay wax kastaaba sida ay u dhaceen iyo khaladkii ay ka gashay.

Kevin oo si fiican u dhagaystay hadalkeeda ayaa ku yidhi, " Waan ka xumahay waxaan ahay Aabbo iyo xaas. waxaan ku noolahay nolol Degan oo aan ku qanacsanahay. Waxaan leeyahy saddex geerash ama garaash oo waaweyn waxaan ku jira nolol aynu Berri ku riyoon jirnay." albaabka ayaa annu Iska xidhay.

Waxa ay damacday in ay ku laabto Gurigii ay degnayd. Ninkii kale ay ku laabtay ayey kala kulantay waji gabax kale. Wuxuu u sheegay in ay tahay mid ceebaysay oo madal xaflad ah kaga dhex baxstay sidaa awgeedna uu Isla xafladii ka soo dhex bartay gabadh ka da'yar oo qurux badan. sidii ayaa uu ayadana guriga kaga soo caydhiyey. waxaan ku dhacday labbada dhinacba in ay lumiso.

Hasha labada geel jecel midna gaadhi weydee laba gebi dhexdoodii waraabuhu ku gowracay. waa heestii Hanuuniye uu qaadi jirey sidaas ayaa gabadha ku dhacday.

Akhriste maxaa kaaga baxay dulucda sheekada?

Fadlan, Walaal adiga oo mahadsan Share dheh, oo la wadaag walaalaha kale si ay u akhriyaan qoraalkan.

Turjumidii: Yuusuf Aadan Tarabi

Askari ka tirsanaa ciidankii Nabadsugidda Soomaaliya ee Dowladdii Kacaanka ayaa habeen habeennada ka mid ah heegan lagu ...
13/07/2021

Askari ka tirsanaa ciidankii Nabadsugidda Soomaaliya ee Dowladdii Kacaanka ayaa habeen habeennada ka mid ah heegan lagu qoray. Xabsi ay maxaabbiis badani ku jireen baa masuul looga dhigay.

Isagoo waajibkiisa gudanaya ayaa waxaa u yeeray mid ka mid ah maxaabbiistii xabsiga. Maxbuuskii baa ka codsaday fasax muhiim ah, sababtana wuxuu ku sheegay in ay xaaskiisu xaalad aad u xun ku jirto oo ay ku dhibtooneyso xanuunka foosha.

Maxbuusku wuxuu oggolaa in lagu daro askar ilaalo ah oo hubeysan, hadhowna la soo celiyo isaga oo jeebbeysan. Laakiin askarigii heeganka ku qornaa ayaa qaatay go’aan kaas ka duwan.

Wuxuu u sheegay ninkii maxbuuska ahaa in uu fasaxayo, xaaskiisana uu la soo joogi doono inta ay ka dhaleyso, laakiin hal shardi ayuu fasaxiisa ku xirey. Maaddaama fiid h**e ay aheyd, wuxuu ku amray in uu xabsiga ku soo laabto inta uusan waagu baryin ka hor, sababtoo ah aroorta h**e waxaa lala xisaabtamaa qofka habeenkaas heeganka ku qoran. Wuxuu u keenay lebbis ka kooban surwaal iyo shaati, sidaas ayuuna ku fasaxay.

Xaaskiisii oo wali foolaneysa ayuu maxbuuskii u tagay, illaa ay ka dhashayna wuu la joogay. Waagii oo bikaaci raba ayuu xabsigii ku noqday isaga oo oofiyey ballantii uu taliyaha ka qaaday.

Walwalkii askariga iyo kurbadii maxbuusku halkaas ayey ku hareen. Askarigu wuxuu ka walwalayey in maxbuusku soo noqon waayo oo uu iska tago, garan waayana abaalka uu u galay; maxbuuskuna wuxuu la kurbeysnaa xanuunka xaaskiisa oo baxsasho qorshihiisa kuma jirin.

Markii qabtu dhacday ee jabhadihii hubeysnaa ay Xamar soo galeen, ayey koox hubeysani gacanta ku dhigeen askarigii Nabadsugidda ka tirsanaa oo dhuummaaleysanaya. Intey indhaha ka xireen ayey saareen gaari jiib ah, waxayna u geeyeen nin ay ka amarqaataan oo hoggaamiye u ahaa. Markii ay u geeyeen ayey indhaha ka fureen. Ninkii baa aqoonsaday ninka ay ciidankiisu soo qabteen, wuxuuna weydiiyey sababta ay u soo qabteen. Waxay u sheegeen in uu ka mid yahay askar heyb ahaan loo ugaarsanayey.

Hoggaamiyii baa warkooda ka biyo-diiday, wuxuuna ku adkeystay in uusan reerahaas ka tirsaneyn oo uu heybtiisa garanayo, sidaas aawgeedna in la fasaxo ayuu amray. Askarigii la yiri ha la fasaxo ayaa shakiyey, oo wuxuu is yiri markii ay ku fasaxaan ayey dhabarka kaa toogan doonaan, waana dhaqan markaas Xamar ka jirey.

Waxaa dheereyd in dadka qaar markii la fasaxo lagu shiish barto, sharadna lagu galo halka xabbaddu uga dhaceyso iyo dhinaca ay u dhici doonaan marka ay xabbaddu haleesho. Wuxuu yiri, “Niman yahow anigoo sii jeeda intaad i toogan laheydeen, halkeyga anoo jooga i toogta.”

Hoggaamiyihii kooxda ayaa hadalka qaatay, “Ninkan abaal weyn ayuu igu leeyahay ee gurigiisa si nabad ah ha lagu geeyo, maganteyda ayuu ku jiraaye.” Askarigii oo hadalkaas la yaabban ayaa isku dayey in uu soo xusuusto abaalka uu h**e u galay ee la sheegayo!

Aad bey u adkeyd in wajiga hoggaamiyahan si dhaqso ah loo aqoonsado. Timo raamo leh iyo gar aan in muddo ahba la xiirin ayaa ku yaal. Ciddiyuhu wey ku bexeen, busaarad kalana wey u sii dheer tahay. Waa nin aysan u muuqan lebbis iyo xarrago kale oo qaad hor yaalla marba laan ka soo qabsanaya, sigaarkana baf ka siinaya.

Soomaalidu waxay tiraahdaa, “Yeelaa wuu illaawaa, la-yeelaa se ma illaawo.” Horjoogihii kooxda ayaa yiri, “Waxaan ahay maxbuus aad hadda ka hor wanaajisay!” Mar dambe ayuu askarigii soo xusuustay in ninkani yahay maxbuuskii uu hadda ka hor xabsiga ka sii daayey ee xaaskiisu foolaneysay!

Askarigii la soo qafaashay baa markaas rumeystay hadalka hoggaamiyahan, ee ahaa in la fasaxayo oo hoygiisana si nabad ah lagu geynayo. Isma laheyn waad badbaadeysaa, waayo wuxuu is lahaa haddii dowladdii aad ka tirsaneyd darteed laguu dili waayo, reernimo ayaa laguu dilayaa.

Ilmo farxadeed oo aan kala joogsi laheyn baa ka soo hoortay.
Hadal badan wuu kari waayey balse aad buu uga mahadnaqay sii-deyntiisa. Naftii uu ka sabray bey rejo ka gashay, waxaana nolol lagu geeyey hoygiisii oo uu is lahaa adoo meyd ah ayaa lagu geyn doonaa.

Markii gurigiisa la geeyey ayuu codsaday in reerka lala raro oo illaa agagaarka Afgooye loo dhaweeyo. Markaas waxaa Afgooye ka ag dhawaa ciidamadii dowladda oo dagaal looga saaray Xamar. Codsigii waa laga aqbalay, isaga iyo reerkiisuna si nabad ah bey ku gaareen halkii ay rabeen.

Qax iyo safar dheer ka dib, askarigii iyo reerkiisu waxay iska dhiibeen Kenya. Ugu dambeyna waxay gaareen Imaaraadka Carabta, halkaas oo magangalyo laga siiyey aadna loogu soo dhaweeyey.

Wuxuu waqtigu is guraba, noloshii Imaaraadka ayuu la qabsaday, shaqo-abuur baana loo sameeyey. Hanti badan buu tacbay. Wuxuu warkiisa iyo wacaalkiisa goobay ninkii hoggaamiye-kooxeedka ahaa ee madaxiisa furtay waagii uu Xamar ka qaxayey. Iskudayo badan baa u suuroobi waayey, waxaa se mar dambe loo sheegay in uu geeriyooday.

Intaas ugama harine, reerkii uu ka tagay buu baadigoobay. Wey is heleen oo waa lala xiriiriyey. Hantidu wey dhammaataaye, intii uu awoodi karay ayuu ku taageeray.

Wuxuu si gaar ah ula soo xiriiri jirey munaasabadaha waaweyn, sida maalmaha iidaha ah ee qoys iyo qaraababa laga farxiyo. Iyaguna markii ay xaaladdu adkaato wey maciin-bidi jireen, isna wuu garab istaagi jirey, oo markii ay u muraadaanba k**a aysan muteysan jirin ciil iyo caloolyow, waayo? Wuxuu rumeysnaa in uusan dhammaad laheyn guditaanka abaalkii loo galay, oo uga dhignaa nolol iyo adduun.

“Abaal nin galaa badan, nin gudaa se yar.”

Fadlan, Walaal adiga oo mahadsan Share dheh, oo la wadaag walaalaha kale si ay u akhriyaan qoraalkan

Qalinkii: Ibraahin-Nolosha

13/07/2021

Wadanka harta shekh

09/06/2021

RIWAAYAD CUSUB | KALA DAADINTA QOYSKA DANI YAY UGU JIRTAA?

Address

Qumadaha
Jijiga

Telephone

+251915448283

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Madadalo page posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Madadalo page:

Shortcuts

Share