Hamiga naftaada sare uqaad

Hamiga naftaada sare uqaad Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Hamiga naftaada sare uqaad, Shopping & retail, 544051, Jijiga.

20/06/2022

Dalka Sweden Hogaamiye Dhalinyaro Kaniisad Oo Soo islaamay " Waa Farxad Allaahu Akbar!!

Hugo" . Oo Ah Nin Dhaqtar Ka Ah Dalkaas Ayaa dhawaan Shaaca Ka Qaaday in Uu muslim Yahay Ka dib Markii Uu Sharxay Sida Uu Ku islaamay, isaga Oo horay Masiixi U Ahaa ! .

Dhaqtar Ahne Hogaamiye Dhalinyarada Kaniisada Waxaa iska dhalay Hooyo Masiixiyad ah iyo Aabo Diinlaawe ah.

Sidee Ayuu Ku bilaawday Geediga Soo gelidiisa islamka iyo Waxa Ku Dhiiri geliyay Arrinkaas.?

Magaceyga Waa" Hugo Waxaan Ahay Dhaqtar Swedish ah Madaxne Ka Ah Ururka midowga dhalinyarada Kaniisadaha Dalka Ka jira....

Waxaan Maalin Maqlay Ayada Oo Kaniisada Aan Ka tirsanahay Looga Hadlayo Quraanka kariimka Waxaa lagu Cel Celinayay Quraanka Waa Hadal Sheydaan iyo Wax la mid ah ...

Waa Markii iigu H**eeysay Aan Maqlo Magac Quraan Waxaan Ka baaray Internet.ka " Waxaa ii Soo baxay Qoraalo Af-Carabi Ku Qoran iyo Nin Cod Macaan ah Ku Aqrinaya .....

Waxaan Daartay Codkii misane Aad buu ii soo jiitay Oo Waan Ka Helay Jeclaaday Halkaas ayeey ka bilaabatay Dhibicdii Ugu horeeysay Ee Nuurka iimanka Waxaan bilaabay inaan Sii Baaro Oo Aan Wax badan Ka Daraaseeyo...

Waxaan Helay Kitaab Musxaf ah Oo Luqadda English ku Tarjuman Waan aqristay Macno badan ayaan Ka Kororsaday , Nolosha Aan Ku Jiray iyo Nolosha quranka Ka Hadlayo Aad beey U Kala Fogtahay , Kaniisadii Ayaan imid

Waxaan La dooday Hogaamiyashii Kaniisada Sida Boobabka , oorayaasha , Wadaada Diinta Kaniisada , Waxaan kala Hadlay islaamka...

Waxaan la Kulmay Culumo islam ah Waan La Shekeystay Waxaan dareemay inaan ah Qof Muslim ah Allaah jecelyahay Wanaag la rabo ..

Waxan Sido Kale Joojiyay Cunida Hilibka Doofaarka, Kaniisada Markaan Tago Dadka dhan Weey Sacbinayaan , Foorinayaan Waxeey Ka tahay Cibaado iyo Salaad Tukasho Halka Kaligeey aqrisanayo Quraankii Aan bartay

Ugu dambeeyn Waxaan Go`ansaday inaan Ku dhawaaqo Kalmada Diinta islamka Lagu Soo galo Ramadaan Ka hor ayeey dhacday Waan Soo may Waan Salaaday Waxan ahay Muslim

Hugo' Hadda Waa dhaqtar Ka Mid ah Dhaqaatiirta Musliminta Sweden Waa Nin Dhaqan Wanaagsan Diintisa Ku dhaqma.

Xadiith Uu imaam Muslim Saxiixiisa Ku Warinayo Lagana Wariyay Abu Hureeyra Allah Ka Raali Noqdee Rasuulka C.S.W Waxaa uu Yiri

حديث أبي هريرة -رضي الله عنه- أن النبي صلى الله عليه وسلم قال: 《 وَالَّذِي نَفْسُ مُحَمَّدٍ بِيَدِهِ، لاَ يَسْمَعُ بِي أحد من هذه الأمة لا يَهُو،دى وَلاَ نَصْرَانِيٌّ، ثُمَّ يَمُوتُ وَلَمْ يُؤْمِنْ بِالَّذِي أُرْسِلْتُ بِهِ إِلاَّ كانَ مِنْ أَصْحَابِ النار》 رواه مسلم في صحيح

Rasuulka C.S.W Ayaa Yiri:" 《 Waxaan Ku dhaartay Allaah Nafteeyda Gacantiisa Ku jirtee , ima Maqlo Axad Ka Tirsan Umadda Maanta Joogto , ....Ha Ahaado Yahuudi , Ama masiixi isaga Oo Inta Maqlay Risaaladeyda Isaga Oo Aan Rumeynin Sidaa Ku dhinta Haddii ay Sidaa dhacdo Qofkaasi Waa Ehelu-Naar》.

Haddaad Ku faraxdo dadka Diinta islamka Soo galay Marka H**e Dheh Allaahu Akbar , Ka dib Walaalkaan Ugu Duceey in Alla Xaqa Ku Sugo.

Sh. Said Osman

14/06/2022

Wiil yar ayaa kab uga luntay Badda dhexdeeda, markaas ayuu xeebta ku qoray: "Baddaan waa tuug".
Meel aanan ka fogeyn ayaa nin kaluumeysato ah oo Kaluun badan soo kaluumeytay asna xeebta ku qoray: "Baddaan waa bad gob ah:.
Maamo wiilkeeda ay Baddu laqday ayaa ayadana xeebtaas ku qortay: "Baddaan waa dilaa".
Nin oday ah oo asigana Badda Luul iyo waxyaabo qaali ah kasoo helay ayaa asna xeebta ku qoray: "Badaan waa bad karmeed".
Kadibna hirkii ayaa yimid oo wixii meesha lagu qoray dhan masaxay.
Aduunyadaan qofba si ayuu wax u arkaa, qaladna wuu dhacaa.
Qalad haduu dhaco walaaltinimada (ama xiriirka aad qof la leedahay) looma tirtiro qaladkaas dhacay dartiis, ee qaladkaas ayaa walaaltinimadaas darteed loo tirtiraa. 😊
Waa sheeko cajiib ah oo luqad kale ku qorneyd oo aan jeclaaday inaad ila aqrisataan. 😊

AXMED KADIYE

13/06/2022

"Nin darawal ah oo ka shaqeeya Caasimada Riyaadh ayaa maalin maalmaha ka mid ah waxaa gaarigiisa soo raacay 4 dhalin yaro ah waxeeyna u sheegeen inuu geeyo Sharqiya oo riyad u jirta 4KM.

Darawalka waxaa caado u ahayd inuu daaro QURAANKA KARIIMKA , Inti jidka eey ku sii jiraan waxaa la gaaray xiliga Salaada Casir darawilki wuxuu baaburka ku leexiyay meel shidaal markaasuu dhalin yaradi ku dhahay “kawarama hadii aan tukano waa xiligi salaada casir”,.?
Dhalinyarada markeey isla socdaan qof ayeey u arkaan inuu yahay hogaamiyahooda, hogaamiyahi dhalin yarada ayaa Darawilka ugu jawaabay”Anaga maba tukano”

Darawilki wuu yaabay markaasuu ku dhahay “qof muslim ah oo aana tukaneeynin muxuu muslim ka yahy, Salaada Waa cibaada isu soo dhaweeysa ALLAHA iyo ADOONKIISA” hadal dabacsan ayuu hadana kula hadalay wuxuuna ku yiri “Dhalinyaro Salaada waa cibaado inoo dhaweeyneeysa ALLAH ee nakeena aan tukano ”.

Dhalanyaradi mid ka mid ah ayaa yiri “Aan tukano” . Darawalki iyo dhalinyaradi weey weysa qaaten darawalki ayaa imam u noqday, Salaadi markeey tukadeen oo imaamki salaama noqsaday ayaa Wiilki hogaamiyaha u ahaa oona dhahaayay aan tukano ayaa sujuudi ku daahay.

Darawalki iyo 3di wiil ayaa wiilka u fahmeen inuu ku ciyaaraayo ayagoo dhahay “Maxaa kugu dhacay miyaad nagu dheedheeleeysaa” markaas ayeey dhaqaajiyeen dhinac ayuu u dhacay wiilki oo nafta ka baxday.

Dhalinyarada dhan waxeey u maleeyaan inuu ku dheel dheelaayo biyo ayeey ku shubeen, Gacanta bidix ayeey fiiriyeen, qoorta ayeey ka taabteen misane waa qof Nafta ka baxday.

Wiilashi mid ka mid ah ayaa oohin isla dhigay Waliba oohin daran ilaa dadka wada u dhawaa eey isugu yimaadeen darawalki wuxuu ogaaday in wiilka ooynaayo uu yahay wiilki dhintay waalkiis ka weeyn,
Darawalki wiilka wuxuu ku dhahay “jooji oohinta walaalka Khaatumo fiican ayuu ku dhintay waliba asigoo sujuudsan oo salad tukanaayo,

Qofkana wuxuu ku dhinta ayaa lagu soo saaraa maalinta qiyaamo insha allah walaalkaa asigoo sujuudsan ayaa lasoo saari doona” wiilki ayaa dhahay “uma ooynaayi dhimashada walaalkeey ee waxaan u ooynayaa aniga iyo walaalkeey 15 sano ma tukan, 15 sano ma sujuudin, 15 sano ma rukuucin walaalkeeygana wuxuu dhintay asigoo sujuudsan ALLAHU AKBAR”.

ALLAH waa mid u naxariista adoomihiisa Wiilka asigoo salad tukanaya Ruuxdiisa la qaaday.
Markad aqriska dhameeyso la wadaag walalaha ka le ee muslimiinta ah mahdsanid.

09/06/2022

Habeenkii La Sheegay in Subaxdeeda Xigta Uu dhalan doono Nabi Muxamed _ﷺ؟
"Ibliis: Lacnatullahi Caleyhi Muxuu Sameeyay, falay.?

Ibliis Lacnada Rabbi Haku dhacdee Waxaa Uu Kori jiray ayaa La dhahay ilaa Samwaadka Todobada ah ilaa Carshiga agtiisa ayuu Ku Soo Wareegi jiray inta Aan La dhalin Lana Soo dirin Rasuulkeena Sharafta badan Ee Muxmed.CSW

Waxaa dhashay Nabi Ciise CSW Ibliis Waxaa Laga Xijaabay ilaa Sadax Samaawaad Oo Loo diiday in Uu Koro

Waxaa dhashay Nabi Muxamed _ﷺ؟
Samaawaadkii Todobada ahaa Oo dhan ayaa Laga Joojiyay in Uu Koro
Dabaaburo Sida Kantaallada Oo kale ayaa Lagu Soo gamay isaga Oo Caruurtiisa Shayaadiinta ah

Dhamaan Subaxa Uu Sayidkeena Muxamed _ﷺ؟ dhashay Waa Wada Hoobteen jajabeen

Waxaa gilgilay Qasrigii Uu daganaa Boqorkii Reer Kisraa, Taajkii U Saarnaa Waa Uu Ka dhacay
Habeenkaa Waxa La Saadaaliyay in Aduunka Ku Soo Kordheen Wax Cusub

Nuur Xoog leh ayaa Laga dareemay dhulka Xijaaz , Sixiroola yaal badan ayaa Habeenkaa Jinkoodii La Shaqeeyn jiray is Waayen

Sido Kale Faalalow badan ayaa Madax Xanuun Ku dhacay , Jinkii ayaa garan Waayay Meesha Laga jiro insigii ay isla Shaqeyn jireen is Waayeen.

Si Aan hor Looga baran ayuu ibliis U Dhawaaqay Qeylo Xoogan Daqiiqad yar Ka dib Waxaa Ku Soo Xoomay dhaman Shayaadiintiisi Waxeey Ku yirahdeen : Maxaa Ka qeylisiiyay Sayidkeenow.?

Wuxuu Ku yiri : War hoogee !! War Samaawdkii Aan Kori jray Waa leyga soo Ceyriyay Caawa Waxaan Aaminsanahay in dhulka Wax Cusub Ku Soo Kordheen ...

Waxaas Oo Aan H**e U Jirin laga Soo bilaabo Markii Ciise Samada Loo qaaday... Ee baxa Dhulka Ku Soo Wareega Soo Raadiya Waxaas Sababta U Noqday inaan Cirka Fuuli Waayo Oo iga Reebay.!

Dhulka ayeey Ku faafeen Shayaadiintiisii Kale Meel Walba Waa ay tageen Wax Weey Soo Waayeen Ibliis ayeey Ku Soo Noqdeen Waxeey yiraahdeen : Mudane Wax Maanaan Soo Arkin

isaga ayaa yiri : Aniga Arrinka iidaaya Hal mar ayuu Duulay Aduunka dhan ayuu Ku Soo Wareegay ilaa Uu Soo dul istaagay Magalada Makka Ee Dhulka Xaramka...

Waxaa Uu arkay Xaramkii Oo ay isku Hareereeyen Mala`ig tiro badan Oo Waardiyo Ka Hayo Waxaa Uu dmacay in Uu gudaha U galo Lkn Waa Laga Hor istaagay.

Isaga Oo Khasaaray Ayuu Soo laabtay ibliis Waxaa Uuna Markaa Ka dib Heegan geliyay dhamaan Junuudiisa ..Isaga Oo Faray in ay La dagaalmaan Diintan Islamka Ee Cusub Ee Nabi Muxamed _ﷺ؟

Si ay U bataan Dadka Taariku-Salaadka ah , gaalnimada Caasi Waalideynka Dadka Kheyrka Aan Faafin Kuna dhaqmin .

Adiga Oo Mahadsan Kheyrkan La Wadaag Asxaabta Kale iyagane Ha aqristaan Markooda Jzklh Kher .

06/06/2022

Noloshu Way Soconeysaaye Adiga Ha Istaagin!

Hadii aadan horay u arag hada akhri

Anigoo 18 jir ah 1998 ayaan furtay dukaan yar oo sandaqad degmada Xamarweyn. Sawirkaas hoos ka muuqdo. Sababta igu kalifeysayna waxeey eheed anigoo iskoolki nacay 1996/97 ku soo biiray nidaamka Waxbarasho in kasto labadii sano ee ii dhineed aan xoogsi ku bartay iyo magaaladi oo aysan jirin meel loo shaqo tago marki laga yimaaad bakhaar adeer leeyahay garab uga shaqeey iyo maqaayad qaraabada ah maqalka fariiso. Hadii aad labada weyso waxaaba adkeed in shaqo laguu dirsado. Aniga waxaan isku dayay in aan ganacsi abuurto laakin wax kale waa ii soo bixi waayeen aanan dukaan ka eheyn.

Marki aan ka soo gudbay caqabadihii lacagta aan wax ku bilaabi lahaa. Halka aan ka bilaabi lahaa iyo waxa aan bilaabi lahaa. Waxaa ii bilaawday caqabad kale oo suuqleeyda iiga imaaneysay. Ayagoo iga jeeb weyn iga dukaan weyn iga da’ weyn iga qibrad weynaa. Xamar waxaa lagu dukaameysan jiray yaa reer hebal ah. Aniga waa i muuqatay ciladaas. Waxaanse ku dhaafay demands iyo customer satisfaction taas oo macnaheedu yahay qofka kuu yomaad in uusan kaa waayin waxa u rabo iyo sida aad macaamiisha ula hadashay ama aad u qanciso. Waxaan soo dhigay dukaanka wax kaato oo la i weydiiyo. Intaas kaliya maahe waxaan xeerin jiray daruufaha dadka ku gadaaman ee noloshu biday.

Waxaa ku imaaneyso gabar rabto nus tumin sokor ah (62.5 grams) si ay cunug yaroo ka baahan shaah uga dhigto. Waxaa kuu imaanaayo oday cid usoo foof tagay oo ku soo sari waayay. Waxaa kuu imaanaayo nin ladnaan jiray oo ay ka jajab oo xabad sigaar ah raadinaayo. Waxaa ku imaanaayo gabar rabto in ay xaragooto laakin aanan heysan wax ay ku iibsato catar yar ama rooseeto. Waxaa kuu imaanaayo saaxiibkaa mid ah oo balwad isu dhiibay oo rabo in rubaca loo dhameestiro. Waxaa kuu imaanaayo xariif qadada u goysay oo wanaag kaa shinsanaayo.

Waxaas oo dhan adiga oo aanan wada eryin waxna wada siin in aad hadana maareyso ayaa la rabaa. Inleen waxa yar ww meesha ku yaal ma wada bixin kartide. Alle mahadiise rabi waa i haleelsiiyay.

Sanad marki aan joogay 1999 sandaqadi yareed waxaa la waayay meel la kala istaago. Suuqleeydi qaarkood ayaa igu kwcay oo xitaa isku dayay in ay meesha igu fulisaan. Qaarkood u arkaayay reer Shingaani kaliya in ay iga adeegtaan waxeey dukaan kale ka fureen suuqa meesha laga soo galo ee Shingaani xigto oo ay fariisiyeen oday qabiilka markaas Shingaani u badnaay ka soo jeedo. Laakin in ay wax ii kordhaan maahe wax igama naaqusin oo ayaga ayaaba qaarkood ku qasaaray. Xariifki dukaanka kale furay odaygi ayaa lacagti kala gooyay ana dukaankeygi wuxuu sii noqday jaam jaam dhalay.

Iska dhaaf wax kalee waxaan xasuustaa. Subax intaan banooni ku soo daahay in aan labo saac iyo daqiiqado imid. Waxaan soo dhinac maray gabar sandaqada hortaagan oo sii jeedo marki aan gudbay oo aan sii galaayay maqaayad iga soo horjeeday oo ku taal masaajidka Marwaas hoostiisa ayey ii yeertay codkeeda waa maqlay laakin gaajo waalan ayaa heysay maadaama aan garbosiriq ahaa. (Garba siriq waa da’da 16 jirka ilaa 21 jirka ma dhargaan mana cayilaan) maqaayadii aan 10 daqiiqo ku jiray kadib ayaan ka soo baxay gabadhi oo meesha taagan ayaan u imid. Marki aan dukaanka furaayay ayey igu tiri mashaqeeste labo saac iyo bar maa dukaan la furaa. Niyada waxaan iska lahaa qofta ma deen bay rabtaa se marki aan dukaanka furay ayey iga iibsatay rubac sokor ah.

Waxaan kula kaftanay “sokor bes maa rabtay oo intaas u taagneed maxaad kuwaan uga gadan weysay” ayadoo wajiga kaduudeyso ay igu tiri. “Maxaa in aan adiga ku rabo maa u maleysay? Meel kale maxaan uga gadanaa sow istaqyaar ma lihi?” Maalintaas ayaa iigu horeysay gabadhaas inkasto marki aan is baranay ay ii sheegtay in ay customer ii eheed. Sababta ay iiga adeegatana ay tahay nin suuqleey ah in ay mar ka weysay wax ay rabto kadibna uu ku yiri. “Wiilkaas wax haka gadan ee kuwa kale ka gado” maalintaas wixii ka dambeeyayna ay customer ii noqotay

2009 gabar Yurub joogto oo Facebook iga soo raacday oo inta i wareysatay meesha aan joogo nambar iga qoratay ayaa $500 oo doolar ii soo dirtay. Marki aan weydiiyayna waxeey ii sheegtay in aan mar gasac yaroo caano ah siiyay ayadoo ilmo ka baahan yihiin.

Hada Xamarweyne marki aan tago waan soo wada salaamaa suuqleeydi intii ka hartay

Qoraalkaan waxaan uga goleeyahay labo arimood kaliya

1: Dhalinyrada in aysan niyad jabin oo shaqooyinka lagu dhibo iyo horuumarkooda la isku dayo in la shaqeeyo u noqoto shidaal ay ku karaar qaataan oo dadaalkooda iyo naxariistooda ha sii laba jibaaraan

2:waxaan aaminsanahay qofka Soomaaliga ah in uu dadka kaloo dhan iiga sokeeyo ayagana ii kala sokeyn. Hadana waxaan sii aaminsanahay Soomaalida Alle ka sokoow in aan aniga masuul ka ahay. Xitaa adiga qoraalkaan akhrinaayo anaa masuul kaa ah lol

Waxaa Qoray Bisle Xasan

Address

544051
Jijiga

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Hamiga naftaada sare uqaad posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share