UDUG BOOK HOUSE

UDUG BOOK HOUSE Udug waxa aad ka heli kartaa iibka buugta, saldhiggeeduna waa Jigjiga.

Akaaddemiyadda Qalin Dhuux, waxa ay dhammaan dad weynaha sharafta leh ee reer Jigjiga ku martiqaadaysaa habeen dambe oo ...
19/08/2026

Akaaddemiyadda Qalin Dhuux, waxa ay dhammaan dad weynaha sharafta leh ee reer Jigjiga ku martiqaadaysaa habeen dambe oo ay Khamiisi soo gelayso, taariikhduna ku beegan tahay 19/08/2026, bandhigga labada buug ee uu turjumay ustaad Cabdixakiin Obsiiye , kuwaas oo kala ah: Siraha Suuradda Al Baqara iyo Safiinaha: Aasaska Fiqiga Shaaficiga.

Goobta: Hallka Managmentiga
Goorta: 7:00 Fiidnimo
Taariikhda: 19/08/2026 (Caawa oo khamiis aha)

Baraarugga diineed-sida lagu qeexay- wuxu ka bilaabmaa nafta qofka, iyada oo laga bilaabayo noloshiisa. Taas beddelkeeda...
09/08/2026

Baraarugga diineed-sida lagu qeexay- wuxu ka bilaabmaa nafta qofka, iyada oo laga bilaabayo noloshiisa. Taas beddelkeeda, cunfiga iyo xooggu (Marka loo adeegsanayo jid isbeddel) had iyo jeer waxay leeyihiin ciddo kale oo ay ku wajahan yihiin. Taas ayaa ka dhigaysa fekradda mid soo jiidasho leh.

Sidaas darteed, dhaqdhaqaaq kasta oo xambaarsan nidaam islaami ah, ujeeddadiisa ugu weynina ay taas tahay, waa in uu marka h**e noqdaa dhaqdhaqaaq akhlaaqeed. Waa in uu dadka ku baraarujiyo macnaha akhlaaqda, oo uu metelaa shaqo akhlaaqeed oo dadka kor u qaadaysa, xaalkoodana wanaajinaysa. Kaas weeye farqiga u dhexeeya dhaqdhaqaaq Islaami ah iyo xisbi siyaasadeed. Xisbiga siyaasiga ah waxa uu metalaa midaynta afkaaraha iyo danaha, laakiin iskuma hawlo heerka akhlaaqeed, misana kuma lug yeesho in uu dadka akhlaaq ahaan u dardargeliyo.

Buugtan iyo kuwo kale oo badan waxaad ugu soo hagaagtaa Udug Books📚
03/08/2026

Buugtan iyo kuwo kale oo badan waxaad ugu soo hagaagtaa Udug Books📚

Waa inoo diyaar.
03/08/2026

Waa inoo diyaar.

Caawa iyo Bandhigga Buugga Saahid iyo Jigjiga (Sooyaalkii iyo Saamayntii Dacwadeed ee Shiikh Ismaaciil Maxamuud Cigaal A...
03/07/2026

Caawa iyo Bandhigga Buugga Saahid iyo Jigjiga

(Sooyaalkii iyo Saamayntii Dacwadeed ee Shiikh Ismaaciil Maxamuud Cigaal AHUN 1943kii - 2022kii)

Goobtu waa Hadiya hotel iyo 6:30pm/ fiidnimo

Haddii boqorku uu falo samo lagu jujuubay, tixgelin ma yeesho, waayo; samaha aan niyad samidu ku dheehnayni laabaha dadk...
23/06/2026

Haddii boqorku uu falo samo lagu jujuubay, tixgelin ma yeesho, waayo; samaha aan niyad samidu ku dheehnayni laabaha dadka ma hanto.

Xor ayeynu u nahay doorashada ficilladeenna balse xor uma nihin doorashada cawaaqibta ka dhalanaysa ficilladeenna.099 81...
23/06/2026

Xor ayeynu u nahay doorashada ficilladeenna balse xor uma nihin doorashada cawaaqibta ka dhalanaysa ficilladeenna.

099 813 7800

Aagga Dagaalka, waa buug ka hadlaya "Trading Psychology", kaasi oo loogu talo galay dhammaan dadka suuqyada la Trade gar...
23/06/2026

Aagga Dagaalka, waa buug ka hadlaya "Trading Psychology", kaasi oo loogu talo galay dhammaan dadka suuqyada la Trade gareeyo qaybta ka ah, nidaamkii ay doonaanba ha ku shaqeeyaane. Buuggani waxa uu isku deyayaa in uu si faahfaahsan aragti uga bixiyo habfekerka khaaska ah ee laga doonayo in uu la yimaaddo qof kasta oo u soo ruqaansada suuqayada la Trade gareeyo idil ahaantoodba.

Udug books
Ka soo dalbo: 099 813 7800

Si aan u fahanno Qasaali iyo natiijooyinka uu gaaray, waxaa lamahuraan ah in aan maanka ku hayno qaabka uu masalooyinka ...
22/06/2026

Si aan u fahanno Qasaali iyo natiijooyinka uu gaaray, waxaa lamahuraan ah in aan maanka ku hayno qaabka uu masalooyinka u faaqido. Waxa uu u kala dhigdhigaa bool bool, qaybaha yaryar ee ay masaladu u qaybsantana mid walba goonideeda ayaa uu u sharraxaa, qalad iyo sax wixii ku jira ayaa uu si wacan u qeexaa, dhan walba ayaa uu ka istaagaa, awooddiisa maskaxeed oo dhan ayaana uu isugu geeyaa, markaa ka dib ayaana uu go'aan ku ridaa. Buuggaan waxa uu ku qoray natiijooyinkii uu gaaray nuxurkoodi, ujeedkiisuna ma ahayn in sida ay wax ugu muuqdeen wax loola arko e, waxa uu uga golleeyahay in lala eego, manhajkiisa lagu miisaamo, waana sababta ay caadadiisa uga mid tahay in masaladii uu si kooban uga hadlo uu kuu diro meel kale oo uu ku qaadaa-dhigay.

In qofku fadhiga lacag ku sameeyo -haba iska adkaatee- waa qaababka soomaalidu ugu jeceshahay in ay u maraan lacag helid...
22/06/2026

In qofku fadhiga lacag ku sameeyo -haba iska adkaatee- waa qaababka soomaalidu ugu jeceshahay in ay u maraan lacag helidda, waa kuwan laba kamid ahi

Forex iyo Kiribto

Hadda ka dalbo;0998137800

Address

Jig-jiga, Ayardaga Street
Jijiga

Opening Hours

Monday 09:00 - 20:45
Tuesday 09:00 - 20:45
Wednesday 09:00 - 20:45
Thursday 09:00 - 20:45
Friday 15:00 - 20:45
Saturday 09:00 - 20:45
Sunday 09:00 - 20:45

Telephone

+251910150049

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when UDUG BOOK HOUSE posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to UDUG BOOK HOUSE:

Shortcuts

Share