02/03/2023
GABAY: Gabaygan soo socda waxaa tiriyey Allaha u naxariistee Abwaan C/llaahi Macalin (Dhoodaan), waana gabay Alla bari ah. waxaanan ka qoray cajalad, wixii khalad ahi waa xagayga
llaahii carshiga nuuriyoow waanu kuu cabane
Illaahayow casiis baad tihiyo caadilkii jira’e
Adigaan cirro, geeri iyo cudur ka yaabayne
Adigaan cadrado guursanin oon caruur dhaline
Adigaan waxaad camalqabataa kula cuslaanayne
Illaahayow casiis baad tihiyo caadilkii jira’e
Adaan ciidan loo qayshadiyo caawimaad rabine
Col waxyeelo gaystiyo adaan cadow ka yaabayne
Adaan cudud laguu sheeganayn amaan cabsoonayne
Illaahayow casiis baad tihiyo caadilkii jira’e
Cunto kaa dhamaatiyo adigaan caydh ka baqanayne
Calal xidhasho uma baahnid iyo cuud la foofsado’e
Ku cayili iyo adigaan ahayn kii mar caato ahe
Illaahayow casiis baad tihiyo caadilkii jira’e
Adaan cunug la soo diray ahayn ama ciyaal reere
Adaan berina meel kula cawayn cuur filkaaga ahe
Illaahayow casiis baad tihiyo caadilkii jira’e
Cadaan fiilo cawl iyo guduud ama cilaan miida
Casaan boosa maariin canbara ama cawleed boodha
Madow cilaya sugul caynabo ciiro iyo bayle
Xareed calasa ciidiyo ashaal ama cagaar doogle
Caarcaar shabeel ama sidii calowyo giirgiiran
Cir guduud qaboon oo kaliyo caawo iyo maalin
Cadal ama Cadceed ama sidii roorab curanaaya
Caadkiyo daruuraha dhulkiyo ciirihii baddaha
Codcod subaga caaniyo baruur coodi iyo jiidhba
Laan caaradeed shay ka baxa ama curdaan yeesha
Wax la cuno amaan calashaniyo waxaan cabaynoo dhan
Wax codkiisu yeedhiyo waxaan ciddi aqoonaynin
Calan iyo wixii midab jiree caalamka u muuqda
Cabirkaaga shay lihi ma jiro ood la cayn tahaye
Illaahayow casiis baad tihiyo caadilkii jira’e
Adigaa candhuuf naga unkiyo ciida dhoobada’e
Cabdigaagii adigaa ka dhigay Nebi carfoonaaye
Caddadkii Quraalkiyo adigaa curiyey Liilaafe
Illaahayow casiis baad tihiyo caadilkii jira’e
Adigaa cilmiga soo dejiyo Diin ciraab badane
Adaa siiya laydh caafimaad gaal ku caasiyaye
Caascaasna adigaa ku rida sheekh ku caabudaye
Illaahayow casiis baad tihiyo caadilkii jira’e
Jano ceelalaad soo dirtoo laga cabaayaaye
Cadaabkiina adigaa dhisiyo naar ciqaab kulule
Ceeyoon baad dhamaysaa waxaad cidhib tiraysaaye
Waxaad caawiwaysana dhakhsaad u camiraysaaye
Casaa-wajala waad ogtahay caynka aan rabo e
Illaahayow casiis baad tihiyo caadilkii jira’e
Cimrigay intaan noolahee aan carrada joogo
Ceebtiyo kolay waan necbanay ciil I daacashada’e
Mana qabo awood celin kartiyo xoog cadaadshaba’e
Inaad adigu iga caawisaan kaa codsanayaaye