Dhalinta ddsi dulmiga diida

Dhalinta ddsi dulmiga diida Kontaktinformation, kartor och vägbeskrivningar, kontaktformulär, öppettider, tjänster, betyg, foton, videor och meddelanden från Dhalinta ddsi dulmiga diida, Serietidningsaffär, Gothenburg.

48 saac lasoo dhafay waxaa south Africa lugu dilay 5 wiil oo Somali ah eey labo kamid wada dhasheyn Allah ha u naxariist...
13/02/2021

48 saac lasoo dhafay waxaa south Africa lugu dilay 5 wiil oo Somali ah eey labo kamid wada dhasheyn Allah ha u naxariisto ehelki iyo qarawadii eey kabaxeyn samir iyo iiman Allah kasiiyo

Kaahiye

16/08/2017

garoob waa hal baqtiday oo kale wax walba halis ayeey u tahay ma helayso qiimihi ay lahayd markay gabadha ahayd oday ayaa hawaysanaya mid dhaan dhaana ka leexan maayo wax aysan qaadateen marki h**e xata wey u nuglaanaysaa

نحن رح نحولنا bal aan isku dayno inaan dadaal dheeriya la nimaadno si aanaan sababata furiinka u yeelan adigoo gabar dhalin yaraa ah ayaa dabeecad kugu jirta aawgeed aad ku nagaan weysay gurigii hantida ku ahaa oo ku xigay gurigii aadku bar baartay

e aabaha iyo hooyada xili aad garoob noqto xagee ku nagaanaysa hadaad kuso laabato guriga hooyada laba arimood ayaa ku haysta mid waa adigo meelqaba waa ah oo reerkuba sidii h**e ku ahaan iyo adigiiyo adna kibir ku

galay een sidii h**e cidiina u ahaanayn oo masuul baas iska dhigaayo yaahuu reerkaagaad ku roontahaye hayska furin ninkaaga ninkaaga xuquqda qoralka waxaa iskale gabar ayay ii ah

06/08/2017

Xabsiga Taloja ee Mumbai, India oo ay ku jiraan 118 maxbuus oo Soomaali ah ayaan booqannay.
Waxay ahayd maalin aan isu diyaariyey in aan la kulmi doono murugo iyo caloolxumo laga yaabo in ay hurdadeyda iyo raashinkeyga saameyso.
Waxaan u arkayay in ay tahay in aan cagaheyga ku doonto murugada si aan u ogaado xaaladda dhabta ah ee maxaabbiista Soomaalida ah.
Waan ogaa in aanay xorriyad haysan oo ay maxaabbiis yihiin. Waan ogaa in aan weli la xukumin oo isla maalinta aan booqanayay ay 15 – kii ugu horreeyay ay ku maqan yihiin Maxk**ad oo la xukumayo.
Waan ogaa in xorriyaddooda ama xataa in iyaga oo weli maxaabbiis ah dalkooda lagu celiyo ay tahay mid aan dhoweyn oo saacado ka hor uun aan soo saxiixay heshiiska ay Soomaaliya la gashay India oo arrintaa faahfaahinaya.
Qol weyn oo saqaf leh, ilaa hal mitir oo keliya uu derbi ku wareegsan yahay, dhinacyada ka haawanaya si neecow loo helo, marwaxada dhowr ahi ay neecawda yar ee ku soo dhacaysa ay sii babbinayaan, dhulkuna uu shameento yahay, ayaa dhammaantood la fariisiyay iyaga oo kabaha dibadda uga soo tegey.
Markii aniga iyo wafdiga ila socdaa aan soo galnay qolka ayay noo istaageen waxayna isla markiiba billaabeen in ay qaadaan:
Soomaaliyeey toosa,
Toosa oo isku tiirsada,
Hadba kiinna taag daran,
Taageera weligeen.
Qaar badan oo ka mid ah waxay kor u taagayeen waraaqo A4 ah oo ay ku sawireen calanka Soomaaliya. Mid iyo labana waxay gacanta ku hayeen calanka oo ul suran.
Waxay ahayd muuqaal iyo maqal qiiro badan.
Heestii marka ay sii dhammeynayaan oo aan fariisan rabno ayaa mid ka mid ahi uu gariiray. Dhulka ayuu ku dhacay.
Wuu suuxay!
Ha i weydiin. Ma aqaan sababta.
Midbaa qoorta dhulka uga celiyay isaga oo jilibkiisa barkin uga dhigay.
Mid kale biyo ayuu ula soo orday.
Anigu lama kulmin Shucuur iyo murugo intaa ka badan, marka laga reebo in aan ogahay in aan iyaga uun dhegeysto oo niyadda u adkeeyo rajana ku abuuro moogiye in aanan wax deg deg ah u qaban karin.
Maxaabbiistu waa rag Soomaaliyeed oo ay da’doodu kala duwan tahay laakiin wada dhallinyaro ah.
Jirkooda iyo dharkoodaba waxaa ka muuqda nadaafad. Macluul iyo ilgooyo k**a dareemin.
Waa wiilal ay ciidammo shisheeye badweynta ka soo qabteen. Qaarkood, rasaas la isku weydaarsaday barta laga soo qabtay. Goobtaas ay dad Soomaali iyo ajnebiba lihi ku dhinteen. Iyaga oo weli qaba arga-gax la geeyay dal shisheeye oo aad uga fog dalkooda. Lagu xiray xabsi aan magaalo ku ool ee heyjad buuro hoostood ah ka dhisan. Toddoba sano ku dhowaad halkaa ku jira.
Haddana marka aad eegto niyaddoodu waa cajiib. Weli waa ay soo taagan yihiin. Ma rajo dhigin. Welibana quruxda iyo niyadda ka muuqata waa mid aad u sarreysa marka lagu jimeeyo xaaladdooda.
Ka dib marka aan uga warbixinnay xaaladdooda iyo heshiiska aan la galnay India ayay qaarkood hadalka qaateen. Su’aalo, warbixin, salaan, dardaaran, farriin Madaxda dalka u sarreysa, mahadcelin iyo xataa talo intaba waa ay noo soo jeediyeen.
Guud ahaan farriintooda waxaa lagu soo koobi karaa – Dadkeenna iyo Dowladdeennu yaanay xabsigan nagu illoobin.
Mid iyaga ka mid ah ayaa markaa waxaa uu sheegay in uu doonayo in uu ciidanka ilaalada iyo Madaxda Xabsiga uu uga mahadceliyo in ay munaasabadda suurta geliyeen. Markii aan mikrofoonka u dhiibay wuxuu kula hadlay afkooda.
Maxbuusku wuxuu gashanaa funaanad kuwa Sportiga ah oo ay ku summadeysan tahay SYL.
Wuxuu ii sheegay in kooxo kubbadda cagta ahi ay ka jiraan xabsiga oo dal dal loo beratamo. Wuxuu ii sheegay in kooxda Soomaaliya uu magaceedu yahay SYL. Wuxuu intaa iigu daray in ay dhowaan ay SYL ku guuleysatay tartan dhex maray Maxaabbiista Soomaaliya, Nigeria, Nepal iyo Bangladesh.
Ka dib ayaa Madaxa Xabsiga oo Xafiiskiisa iigu warbixnayay waxaa uu ii sheegay in qaarkood ay barteen afka Hindiga qaarna ay barteen afka Marathi oo ah afka looga hadlo Gobolka Maharashtara oo xabsigu uu ku yaallo.
Waxaa kale oo uu ii sheegay in ay yihiin dad akhlaaq wanaagsan. Wuxuu kaloo ii sheegay in beryihii h**e ay la qabsan waayeen raashinka xabsiga balse hadda ay xaaladdoodu wanaagsan tahay.
Booqashada waxaa igu wehliyay Xeer Ilaaliyaha Qaranka, Danjiraha Soomaaliya ee New Delhi iyo saraakiil ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Safaaradda.
Booqashadeenna India oo qaadatay afar maalmood oo aan ku tagnay New Delhi, Mumbai iyo Hyderabad caawa ayaan soo gebagebeyn doonnaa Insha Allah.

04/08/2017

Qabiiladeena:

- qof walboo kamid ah oo baahan wax ma siiyaan.
- Caruurta ay dhaleen ee aan waxbarashada awoodin wax ma baraan.
- Keena aanan is daweyn karin, qarashaadkiisa caafimaad k**a bixiyaan.
- Kuweena howl la'aanta ahna shaqo ma siiyaan.
- Kuweena Xabsiyada caalamka ku jira xabsiyada k**a soo saaraan.
- Al shabaab nagama difaacaan.
- qorshe mustaqbal wanaagsan ahna nooma hayaan.

Muxuu noogu fadhiyaa horta qabiil?
Maxaan la wadnaa marwalba calamadiisa, odayaal qabiileedkana si indho la'aan ah ugu taageernaa?

Saaxiibayaal aan Dowladeena, waqti, xoog, maal iyo taageeraba gashano, dowlad Soomaaliyeed un baa maanta iyo berito intaas kore noo sameyn kartee.

Qabiil, Calamadiisa & Shartiisana aan ka weynaano, dad Caalami ah aan noqono oo aduunka dhan aan u furfurnaano wixii wanaag noo haya, dhexdeenana qabyaalada iyo is cunsuriyeenta aan iska deyno.

Waxaan ku farax sanahay in dadka somaliyeed ay helaan raysul wasaare dacad ah waxan soxasuusta markii uu laha farmaajo n...
04/08/2017

Waxaan ku farax sanahay in dadka somaliyeed ay helaan raysul wasaare dacad ah waxan soxasuusta markii uu laha farmaajo nin iga fican in aan keeno ayaan idinka balan qadaya wana kadhabeyey manta waa cadahay shaqda madax waynaha iyo kan khayre hanku tageero wax qabad kood ayay naan ku taageerin qabil iyo nin jeclaysi

Adress

Gothenburg

Webbplats

Aviseringar

Var den första att veta och låt oss skicka ett mail när Dhalinta ddsi dulmiga diida postar nyheter och kampanjer. Din e-postadress kommer inte att användas för något annat ändamål, och du kan när som helst avbryta prenumerationen.

Genvägar

Dela