20/08/2026
Aqoonta waa ka qayb akhlaaqiyadka qofkaa iyo
Huga uu sitaa
Waxaa wax aad loola yaabo ah
Hablahaa 15 sano iyo ka badan
Wax barasho aqooneed looso dhugayay
Ee maalintii la rabay in tacabkii la gashay
Ficil ahaan iyo akhlaaq ahaan
Aqoon ahaanba umadaa ugu Soo gudbiyaan
Sawiro qaawan oo anshaxa iyo
Akhlaaqiyaadka qofka dumarkaa ah baa
Aan uwanaagsanayn
Umada la wadaagayaa
Maka jaahil nimaa
Mise waaka caqli xumo
Maxay micno ah ee kuu samaynaysaa
Inaad sawiro qaawan umada la wadaagto
Halkaad TaaS Bedel keeda la wadaagi lahayd
Aqoontii aad baratay iyo
Sidad maskax ahaan iyo akhlaaq ahaanba u dhisantahay
Waxan arkayay hablo sawiradii qalin jabinta
Shaadh iyo surwàal kusoo galayaa
Sababta ku kaliftay bal bulshooy
Maxay noqonkartaa
Baan dhihi karnaa