25/12/2021
Sannad kasta oo sii galbanaya waxaynu ku sagootinaynaa tuhun! Sannad kasta oo soo galayana waynu soo dhawaynaynaa innaga oo caleemo qoyan u lulayna, kuna soorayna riyooyin cusub, sannad walba oo sii libdhayaa wuxu innoola muuqdaa kii ugu xumaa ee innasoo mara, sannad kasta oo soo socda waxaynu ku qaabilaynaa bogaadin iyo farxad! Sannad walba oo tegaya waxa sii raacaya dad aynu jecelnahay oon dib usoo laabanayn, sannad kasta oo dhasha waxa la dhasha bishaarooyin iyo sheekooyin jacayl oo cusub, sannad kasta oo sii dhammaanaya waxa raacaya murugooyin iyo marxalado nololeed oo laga gudbayo... way fududahay in la yidhaa: "Ilaahay sannadka sannadkiisa bashbash iyo barwaaqo haynagu gaadhsiiyo" balse WAXBA isma BEDDELAYAAN haddaanay WAX is BEDDELIN.