06/06/2026
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Mudane Dr Hassan Sheikh Mohamud, ayaa S/Guuto Maxamed Maxamuud Xasan Garabay u magacaabay Taliyaha Taliska Taakuleynta Ciidanka XDS, ka dib soo jeedin ka timid Taliyaha Ciidanka XDS iyo Wasaaradda Gaashaandhigga XFS.
S/Guuto Maxamed Maxamuud Xasan Garabey ayaa h**ey u soo qabtay xilka U-Qaybsanaha Arrimaha Difaaca ee Safaaradda Soomaaliya ee Ankara, isaga oo sidoo kale soo maray xilal kala duwan oo heerer sare ah lana xiriira Taakuleynta iyo Maamulka Saadka Ciidanka XDS.
Magacaabistan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo awoodda maamul ee Takuleynta iyo diyaar-garowga Ciidanka XDS, si loo hubiyo in Ciidamada ay helaan taageero iyo sahay joogto ah oo ka jawaabta baahiyaha hawlgallada Amniga iyo Difaaca Qaranka.