IQRA BOOKS

IQRA BOOKS Ku soo dhowoow IQRA BOOKS kala soo xidhiidh +252634125122.

Suugaanta macnaha afeed, midkaa aqooneed iyo faneedba xanbaarsan ayaa uu laan kamid ah ka hadlayaa dhiganahan Midhiftire...
20/08/2026

Suugaanta macnaha afeed, midkaa aqooneed iyo faneedba xanbaarsan ayaa uu laan kamid ah ka hadlayaa dhiganahan Midhiftire.

Buugaagtan waxa aad ka helaysaa IQRA BOOKSIFadlan nagala soo xidhiidh: 63 4125122
20/08/2026

Buugaagtan waxa aad ka helaysaa IQRA BOOKSI
Fadlan nagala soo xidhiidh: 63 4125122

Buuggan "Guusha Gabadha" waa hagaha iftiimiya wadada ay gabadhu ula soo bixi karto awooddeeda dhabta ah. Waa xusuusin ku...
20/08/2026

Buuggan "Guusha Gabadha" waa hagaha iftiimiya wadada ay gabadhu ula soo bixi karto awooddeeda dhabta ah. Waa xusuusin kuu sheegaaya in guushu aysan ka imaan dhalasho, nasiib, Iwm balse ay ka timaaddo kalsoonida, himilada, iyo go'aan qaadashada gabadha.

20/08/2026

Socdaallada ku dhisan xaqiiqada iyo xaq raadintu way ka saamayn badan yihiin kuwa xoogsiga, mala'awaalka iyo sheeko fane...
20/08/2026

Socdaallada ku dhisan xaqiiqada iyo xaq raadintu way ka saamayn badan yihiin kuwa xoogsiga, mala'awaalka iyo sheeko faneedyadu xusaan. Dhiganahani waxa uu sidaa dhambaalkii rumayneed iyo sooyaalkii xaqdoon ee laba Saxaabi oo astaan u noqday kifaaxa xaqdoonka iyo ka gil-gilashada baaddilkii gayigooda ceegaagay; labadaas Saxaabi oo kala ah: Abuu Dar Al-Qifaari iyo Salmaan Al-Faarisi رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُمَا . Sida aynu dhiganahan ugu dhex tegi doonnona safarka labadan saxaabi waxa ku duugan casharro dhaxalgal ah oo mudan in dib loo milicsado.

Tiirarka Labada KhudbadoodLabada khudbadood shan tiir ayaa ay ku taagan yihiin:A. In khudbadda lagu dhex ammaano Ilaahay...
20/08/2026

Tiirarka Labada Khudbadood

Labada khudbadood shan tiir ayaa ay ku taagan yihiin:

A. In khudbadda lagu dhex ammaano Ilaahay.
B. In Suubbanaha (SCW) lagu dhex salliyo.
C. In Alle ka cabsi la iskugu dhex dardaarmo.
D. In midkood lagu dhex akhriyo aayad Quraana.
E. Iyo in khudbadda danbe loogu dhex duceeyo Muuminiinta -lab iyo dheddigba.

Waxay ka turjumaysaa masraxiyaddu sheeko gudbinaysa qoys Soomaaliyeed oo reer miyi xooladhaqato iyo beeraleyba ah oo sab...
20/08/2026

Waxay ka turjumaysaa masraxiyaddu sheeko gudbinaysa qoys Soomaaliyeed oo reer miyi xooladhaqato iyo beeraleyba ah oo saboolna ah. Qoyska dhanna uma fayooba! Caafimaadkiisu ma fiicna, xooluhu waa ay ka wada bukaan, xagga daryeelkana waa uu ka liitaa. Qoyskaa kuwii dad iyo duunyo in ay u badbaadshaan laga dhawrayay waa kuwaa is af garan la' lana af garan la'yahay!

Cutubka 1aad ee buuggan, "Sababaha Ambabaxa," waxa uu bandhigayaa saxariirka qofkan bilaabaya geeddiga qaxa, ee wax kast...
20/08/2026

Cutubka 1aad ee buuggan, "Sababaha Ambabaxa," waxa uu bandhigayaa saxariirka qofkan bilaabaya geeddiga qaxa, ee wax kasta ka imanaya isaga oo ku niyad san in uu halgankaa ka libkeenayo. Gibilka uu joogo ayaa cunaha iskaga maray, dabadeed meel kasta-gaar ahaan dhulalka Galbeedka (Yurub, Maraykan, Oosheeniya)-ayaa ula muuqata in marka uu sidaa u cagadhigto ay ka furfuri karto silsiladaha luqunta kaga duuban.

Ugu danbaynta, noloshaada waxa lagu halbeegayaa hadba waxa aad soo biirisay ee ma aha waxa aad qaadatay, ee intayada kal...
19/08/2026

Ugu danbaynta, noloshaada waxa lagu halbeegayaa hadba waxa aad soo biirisay ee ma aha waxa aad qaadatay, ee intayada kale waxtarkaaga ha kala bakhaylin waannu u baahan nahay waxqabadkaaga'e. Ka dhig waxqabadka noloshaada mid u dhisan qaab aad ku faani karto. Maalin walba si degdeg iyo dedaal leh horusocod u samee, iniin kasta oo aad maanta aastana berri waad goosan doontaa. Dhabarjabku waa tamanni aan dhaboobin, ee u noolow sidii wakhtiga aad haysataaba in uu maanta oo qudha yahay. Haddii aad taas ka dhabayso, waxa aad awoodaysaa in aad habeenkii gogoshaada tagto adiga oo hawshii aad maalinkaaga ku bixisay raalli ku ah, aakhirkana waxa aad dhimanaysaa adiga oo qoomamo ka madhan oo sida ugu mudan ugu qanacsan noloshii aad soo qaadatay.

"Mid ogow, shaqooyinka wanaagsan ee aad jeceshahay, ma sahlana in la helaa, balse waa ay jiraan ee raadi." Buugga Fanka ...
19/08/2026

"Mid ogow, shaqooyinka wanaagsan ee aad jeceshahay, ma sahlana in la helaa, balse waa ay jiraan ee raadi."

Buugga Fanka Curinta

Address

Dhismaha U Dhexeeya Masjidka Ibraahin Dheere Iyo Dugsiga Sare Ee Salaama
Hargeisa

Opening Hours

Monday 08:00 - 21:00
Tuesday 08:00 - 21:00
Wednesday 08:00 - 21:00
Thursday 08:00 - 21:00
Friday 15:00 - 21:00
Saturday 08:00 - 21:00
Sunday 08:00 - 21:00

Telephone

+252634125122

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when IQRA BOOKS posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to IQRA BOOKS:

Shortcuts

Share

Category