10/11/2025
maraynta shacabkayo dantay
maanka galiyeene
meelgaadhka hiigsaga dantay maaro siiyaane
madax caafimaad qaba ayaa
maydho Abuurkeena
meel marinta shacabkaa tihiin
madax karaamaysan
mugdigaad kasaarteen dadkii
waad midaysene
muxibaad ku dhaliseen
bulshada meel markeediye
miisaanka noloshaad
marqudha noo macnayseene
inay nabadu nagideena tahay
nuurka iyo laydhka
naxariista baladkeena tahay
noona sheegteene
nacfi male ninkay nabar ku tahay
nabad ku waarkeenu
malaayiin habeeno ah
hadaan maso soodhoobo
maskaxdayda tuujoon idhaa qiyaas midho abuurkooda
mayaroo haldooradu bulshada
jahliga wayka maydheene
jaanqaadka noloshay bulshada
dhab u jiheeyeene
janadii aduunkaan galoo
waxgad baan la jaan qaadnahay
maskaxdii jawaabaha la ayd
ee jaradu haysay
jaangoynta aragtida aqoon heer ilaa heer ah
Oo hadafyadii naga maqnaa
nagu hayaan siisay
maskaxdii halowdee heerba meel joogay
si hagaagsan bay noo qabtiriin
hiilka shacabkaygu Oo waxaa ay nooga
hiiliyeen jahligii hoosta nagu haystay
allow h**e marnee rabow noo hadee ruuxda
murugada allow nooga eeeg
maamulkaa suuban
mugdigay iftiin nooyihiin nuurka nooshidane
noloshooda nitaaqiyo
ka dhowr naafo iyo ciilba
nasiimaan dareenee
allow nuurka noo nuuri
noloshaa ducaysee
rabow darajo sii daaacad weeyaane
nabadana dayrkeeda badi waa dugsiga ruuuxda