16/07/2026
🔒 Waa Maxay Malware? Sideese Isaga Ilaalin Karnaa?
Malware waa erey laga soo gaabiyey Malicious Software, taas oo macnaheedu yahay barnaamij ama software loo sameeyey inuu waxyeello u geysto qalabkaaga, xogtaada, Malware-ku wuxuu ku dhici karaa kombiyuutarrada, taleefannada gacanta, tablet-yada, iyo qalab kasta oo isticmaala software.
📌 Noocyada Malware-ka ugu Caansan
✅ Virus – Waa malware ku faafaafa faylasha ama barnaamijyada kale, wuxuuna dhaawici karaa ama tirtiri karaa xogta.
✅ Worm – Wuxuu si iskiis ah ugu faafaa shabakadaha iyo devices ka isagoo aan u baahnayn in qof ku furo fayl ama barnaamij.
✅ Trojan Horse – Wuxuu isu ekaysiiyaa barnaamij sharci ah, balse marka la rakibo wuxuu awoodaa in uu si fudud ula wareego account kaaga iyo xogtaada
✅ Spyware – Wuxuu si qarsoodi ah ula socdaa dhaqdhaqaaqyada isticmaalaha, wuxuuna xadi karaa xog muhiim ah sida furaha sirta ah iyo macluumaadka bangiga.
✅ Ransomware – Wuxuu xidhaa ama xannibaa xogtaada, kadibna wuxuu dalbadaa lacag madax furashaa si dib laguugu furo xogtaada
⚠️ Sidee Malware-ku Kuugu Soo Geli Karaa?
• Soo dejinta apps ama software aan la hubin. • Furitaanka links ama lifaaqyo email oo shaki leh. • Booqashada website-yo aan ammaan ahayn. • Isticmaalka USB ama Rakibidda APK-yada laga soo dejiyey ilo aan la aamini karin.
🛡️ Sidee Looga Hortagi Karaa Malware?
✔️ Ka soo dejiso apps-ka kaliya meelaha rasmiga ah sida Google Play Store ama Apple App Store.
✔️ Ha furin links ama fariimo aad ka shakisan tahay.
✔️ Si joogto ah u cusboonaysii nidaamkaaga iyo apps-kaaga.
✔️ Isticmaal antivirus ama software amni oo la isku halayn karo.
✔️ Samee kayd (backup) joogto ah oo xogtaada ah.
✔️ Ha siin apps-ka rukhsado aan loo baahnayn.
💡 Xusuusnow: Malware-ku ma aha oo keliya dhibaato farsamo, waa khatar saameyn karta xogtaada, lacagtaada,
Barashada amniga internet-ka waa tallaabada ugu horreysa ee aad isku ilaalin karto.
📢 La wadaag qoraalkan si dad badan uga faa'iidaystaan una bartaan khatarta malware-ka iyo sida looga hortago.