Xarunta Sheeko Xariirada Godane

Xarunta Sheeko Xariirada Godane Walaalayaal halkaan waxaad ka heleysaan Buugaagta Sheeko Xariirada Somaaliyeed

Fadlan halkaan ka dheeho Dhaqankaaga Somaaliyeed, caruurtana hala baro xoolahooda iyo magacyadooda. Faallada iigu reeb w...
16/04/2026

Fadlan halkaan ka dheeho Dhaqankaaga Somaaliyeed, caruurtana hala baro xoolahooda iyo magacyadooda. Faallada iigu reeb wixii fikraddaada ah.

sheeko xariir, ganacsi iyo taariikh

13/11/2024

ABDULKADIR NOOR AHMED KASTELLI
WAR NIN YAHOW!!
Nin xakamayn kara galmada waa nin ku noolaan kara dunidaan sannado badan. Raggu ma oga in qaar ka mid ah guuldarradooda ay sababaan haween badan. Gabdhoo dhan ma laha dareen wanaagsan. Qaarkood waa jinniyo, qaarna sun bey lugahooda dhexdooda ku wataan. Haweenka qaar ayaa ah kuwo hadaf-nololeedkaaga baabi’inaya, ee ka digtoonow.
Ahmiyad buuxda sii:
1. Ninka dhabta ah, wuxuu noloshiisa leeyahay hal haween keliya.
2. Ha adeecin (raacin) kacsanaantaada (dareenkaaga) marwalba. Inta badan kacdoonku way ku marin habaabiyaan. Xakamee kacsanaantaada haddii aadan dooneynin inaad dhowr maalmood dhulka ku noolaato saboolnimo badan ood ka baxaynin.
3. Ha ballansan haween mar kasta maxaa yeelay waxay leedahay qalooc, dhagar, iyo qaab sexy. Waxyaabahan ayaa si fudud marin habaabin u ah ee ka fogoow, ha ku dhicin waxa loo yaqaan warbaahinta bulshada.
4. Ma aha waxkasta ee aad goorgoradda hoosteeda ku aragtid inaad ka shaqeyso sidaad u cuni lahayd, goorgoradaha qaar waxaa ku hoos jira masas ku qaniinaya oo kaa dhigaya mid nacas ah. Xakamee rabitaankaaga galmada kana fogow in badan kiisaska badankooda.
Mar kasta intaasi xusuusnow!! Iyo In kaloo soo socota

04/11/2024

Why people say "NO" when asked any favor?
Let me get a list for you:
1. Lack of time and resources,
2. Lack of interest or moivation,
3. Fear of failure or inadequacy,
4. Can be a way of asserting control over one's time and energy.
But it is not always a negative or selfish act.
See yourself guys, may be you have seen it. It is a necessary form of self-care and and self-preservation.
Thank you for your reading. Please, let me know your opinion.

03/11/2024

MAAHMAAHYO MUHIIM AH
Ka faa'ideysta Asxaabey oo ulajeeddada dhuuxa:
1. Daanyeer geed ka soo dhici waayey, laan adag buu haystaa.
2. Il ribix arkeysaa, rixin ma dhawrto.
3. Run iyo ilkaba waa la caddeeyaa.
4. Nin fadhigaaga u jeeda, looma sare joogsado.
5. Awr awr wado, iyo naag nin wado midna kaama leexdaan.

15/10/2024

Samee 12-kan shay, qof walbana wuu ku ixtiraami doonaa.
1. Shaqadaada diiradda saar.
2. Baro inaad tiraahdo maya.
3. Si degdeg ah ha ugu jawaabin.
4. Ha bixin aqoon aan loo baahnayn.
5. Hadalkaaga yar.
6. Ha murmin ama muranka iska yaree.
7. Go'aanso ka dib markaad fekerto.
8. Lacag meel dhigo.
9. Wax ka baro buugaagta, akhri buugaag badan.
10. Xiro dhar nadiif ah.
11. Iska yaree falcelinta.
12. Baro inaad wax dhegeysato.
13. Wax badan ha ka fikirin, fikirka iska yaree.

Fadlan, ka faa'ideyso oo ku dhaqan

06/10/2024
24/09/2024

HABKA XAKAMAYNTA MASKAXDA
Abdulkadir Noor Ahmed (Kastelli)
1. Haddii qof aanu ku jeclayn, iska dhig inaadan isaga rabinba,
2. Haddii uu qof kugu maadeysto, isdeji oo iska dhoolla cadee. Wuxuu u ekaan doonaa nacas,
3. Weligaa ha qaadan meel difaac ah oo ku saabsan wax kasta. Keliya u dhaqan sidii adigoon dhibba ku hayn,
4. Weligaa ha muujin inaad ka xun tahay inaadan wax helin,
5. Sidoo kale, ha u fiirsan khaladaadkaaga. Iska daa ama inkir iyaga kuwo kale ayaa sidaasna samayn doona sidoo kale.

HEESKA ADDUUNYOEreyadii & Laxankii:-Abwaan Cabdi Aadan Xaad (Cabdi Qays) Luuqdii: Maxamed Aadan Mooge Liibaan (AHUN) kii...
09/09/2024

HEESKA ADDUUNYO
Ereyadii & Laxankii:-
Abwaan Cabdi Aadan Xaad (Cabdi Qays)

Luuqdii: Maxamed Aadan Mooge Liibaan (AHUN)

kii i xaman lahaayoow
ama xaasidkaygoow
Kaan xalay wanaajee
I xumeeyay maantoow
Murtidaydu waa xubin
waa hadal aan soo xulay
xanuun iyo dardaaran ah
waa xujee dadow maqal
Xikmad weeye heestuye
xifaalaha aduunyooy
Xisimaha daruurtiyo
Mar buu xaysku hooraa
Nimco lagu xasuustaa, adduunyooy
Mar baa xaaluf iyo boodh
Abaar laysku xiiraa
Dadku xagal wareegayood, xumaadaa
Xidigaa is doorshoo , aduunyooy
Ninkii xoolo lahaan jirey aduunyooy
Mar buu xaabka qaataa
Xigsadaa asaaggii!
Mar buu xaabka qaataa
Xigtadii wax moodaa
Adduunyooy xaalkaa ba’
Xolahaaga oo negi,
Mar baad xoor ka maashaa
Xaragadu ku lumisaa aduunyooy
Mar baa xaaqin iyo guluf
Duhur lagaa xabaadhaa
Caydh lagu xasuustayoo, xumaataa
Xirsigays beddelayoo aduunyooy
Ninkii maali jirey xulad aduunyoo
Mar buu xaalku waayaa
Xigsadaa asaaagii
Mar buu xaynna waayaa
Xigsadaa asaaggii!
Adduunyooy xaalkaa ba’
Mar baa xiliyo maamuus
Magac lagugu xeeraa
Xariir lagugu daahaa, adduunyooy
Mar baa xuubka bilidiyo
Talo lagaa xayuubshaa
Xurmo beel ahaatayoo, xumaataa
Wakhtigay is xerinayoo, aduunyooy
Mar baa sharafku xaydmaa , aduunyooy
Ninkii laga xishoon jiray
Aan cidi ba xaalayn,
Ninkii laga xishoon jiray
aan cidi ka xadhig xidhan
Adduunyooy xaalkaa ba’
Xaalkaa ba’ – Xaalkaa ba’

13/08/2024

Qalinkii:
Abdulkadir Noor Ahmed Kastelli (+252619012514)
Qofka bani’aadamka ah wuxuu u qaybsamaa saddex qaybood, guud ahaantiisa:
1. Nafta ama Ruuxda,
2. Maskaxda ama Maanka,
3. Jirka ama Qokofka.
Waa tahay, bal u fiirsada:
1. Hebel ama heblaayo wey ama wuu waashay, markaad maqashaan, xagguu jinka ka weerarey?
Ma ruuxdaa?
Ma maskaxdaa? Mise
Waa jirka?
2. Hebel ama heblaaya waa la duufsaday haddaad maqashaan, xaggee laga weeraray?
Ma ruuxdaa?
Ma maskaxdaa? Mise
Waa jirka?
3.Hebel ama heblaayo waa la gumeystaa ama hayin raac baa laga dhigay, xaggee laga weerarey?
Ma ruuxdaa?
Ma maskaxdaa? Mise
Waa jirka?
Haddaba Somaaliyey, dhallinteenna, cadowga (kuu doono ha ahaadee) wey garan karaan halka laga weeraro!! Qofka ku dhaqan doorinaaya, waad garan kartaan halka idinka soo gelaayo, dhallinyarooy.
Sidaad isaga caabin lahaydeen waa arrin idinka idiin taalla.
Fadlan wixii ra’yi aad qabtaan, commentiga iigu soo qora.

Address

Kismayo

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Xarunta Sheeko Xariirada Godane posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share

Category