Maxamed xudun

Call Directions Website Contact the business

Maxamed xudun Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Maxamed xudun, Book shop, mohamed_4338@hotmail. com, Laascaanood.

02/08/2015

Casharka 1aad ee Kitaabka Siirada Nebiga Muhammed SCW

NASABKII RASUULKA SCW

Sida la wada ogsoon yahay nasabka Rasuulka SCW ama abtirisiinyihiisu wuxuu galaa nabiyullaahi Ismaaciil oo uu dhalay nabi Ibraahim. Abtirsiinyada nabiga SCW waxay u qaybsantaa saddex qaybood: Qaybta u hooreysa marka nabiga SCW laga soo bilaabo waxay ku eg tahay ilaa Cadnaa, waana qayb culimada islaamka oo dhan ay isku waafaqsan tahay isla markaasna la hubo sixadeeda; Qaybta labaad oo iyaduna ka bilaabato Cadnaan waxay ku eg tahay ilaa nabi Ismaaciil, hase yeeshee waa qayb ay culimadu isku khilaafsan tahay sixadeeda in badan oo culimada ka mid ihina way ka gaabsadaan, qaar kalena way ka hadlaan; Qaybta saddexaad oo ka bilaabata nabi Ismaaciil ilaa laga gaaro nabi Aadan aad ayaay u adag tahay xaqiijinteeda iyo sixadeeda waxana wanaagsan in laga dhowrsada oo aan la dhex dabaalan.

Waxaan markaa soo qaadaneynaa qaybta ugu horreysa ee ay culimada islaamku isku waafaqsan yihiin dhabnimadeeda hadday noqon lahaayeen kuwii h**e iyo kuwii dambeba, waxaana weeye sidatan:

Maxammed binu Cabdullahi binu Cabdimudhalib (Shaybah) binu Haashim (Camar) binu Cabdimanaaf (Muqiira) binu Qusayi (sayd) binu Kilaab binu Murra binu Kacab binu Nadar (Qays) binu Kinaana binu Khuseyma binu Mudrik (binu Ilyaas binu Mudar binu Nisaar binu Macad binu Cadnaa.

Rasuulka SCW jilibkiisa waxaa la oran jirey reer binu Haashim, waxaana loogu magac daray awoowgiisii labaad, Haashim binu Cabdimanaaf. Haashim wuxuu ahaa nin ka sheegganaa reer Makka, wuxuu waraabin jirey xujeyda oo uu aabbihiis Cabdimanaaf ka dhaxlay, sidoo kale wuxuu ahaa ninkii ugu horreeyey ee jideeyey labadii safar ee suuratul Quraysh sheegtay oo ay qurayshtu u kala safri jirtay Shaam iyo Yamaan.

Haashim Wuxuu dhalay afar wiil oo kala ahaa: Asad, Abu Seyfi, Nadla' iyo Cabdimudhalib iyo shan gabdhood oo kala ahaa: Sharaf, Khaalida, Daciifa, Ruqiya iyo Junna. Waxaa sagaalkooda ugu yaraa Cabdimudhalib oo ahaa nibiga SCW awowgiis.

Cabdimudhalib siduu ku dhashay waxay ahayd aabbihiis Haashim ayaa Safar ugu kacay Shaam, wuxuuna sii maray Madiina oo uu ku guursaday kulana aqalgalay Salma bintu Camar. Haashim wuxuu sii watay safarkiisii Shaam. Markuu Shaam tegey ayuu xanuunsaday, muddo dabadeedna wuxuu ku geeriyooday magaalo la yiraahdo Qusa oo Falastiin ku taala. Salma, oo uur lahayd markuu Haashim tegey, waxay dhashay wiil ay u bixisay Sheyba. Haashim markuu dhintay waxa mas'uuliyaddii waraabinta xujeyda qaaday walaalkiis Mudhalib. Mudhalib markuu hawshaas muddo hayey ayuu Madiina aaday si uu u soo wado wiilkii uu walaalkiis Haashim ka tegey (Sheyba). Markuu Madiina yimid ayuu Salma ka codsaday inay wiilka ku darto hase yeeshee way u diidday, markaasuu ku yiri "waxaan u dhiibayaa hawshii aabbihiis iyo xaramkii Alle", sidaa ayeyna ugu dartay. Mudhalib markuu Makka ku soo noqday isagoo wiilkuu adeerka u ahaa wada, ayaa waxaa arkay dadkii Makka joogey markaasey wiilkii u maleeyeen addoon uu Mudhalib soo iibsaday sidaas darteed ayey wiilkii ku dheheen Cabdimudhalib (addoonkii Mudhalib), markaasuu mudhalib ku yiri "war hooggiinee, waa wiilkii walaalkay Haashim". Sidaas ayaa wiilkii Sheyba ahaa kula baxay naaneystaas Cabdimudhalib.

Cabdimudhalib wuxuu dhalay toban wiil iyo lix gabdhood, waxaana tobanka wiil lakalal oran jiray: Xaarith, Subayr, Abuu Dhaalib, Cadullahi, Safar, Cabbaas, Xamsa, abuu Lahab, Qiyidaaq, Muqawim. Lixda Gabdhoodna waxay kala ahaayeen: Safiya, Arwa, Ummu Xakiim, Bara'Caatika iyo Ummayma. Cabdimudhalib wuxuu noqday nin cajiib ah oo qureysh oo dhan ka tilmaaman, wuxuu noqday odeygii qureysheed sida lo ogsoon yahayna wuxuu leeyahay qisooyin caan ah oo kala duwan, halkanna aynaan ku soo wada koobi karin, waxaana ka mida ahaa Duullaankii Abraha iyo Qodiddii Samsamka, kuwaas oo isaga iyo qureyshba Ilaahay ugu gargaaray.

02/07/2015

WAA KUMA (ABUU AYUUB AL-ANSAARI)
Q:4aad

Wuxuu Abuu Ayuub soo saaray neef orgi ah, wuuna gowracay, wuxuuna xaaskiisa ku yiri, intaad cajiinta qastid waxaad noo karisaa kibis muufo ah, adigaana ku fiican dubista muufada. Abuu Ayuub wuxuu qaaday jeex ka mid ah neefkii orgiga agaa, markaasuu kariyay, jeexii soo harayna wuu soley. Raashinkii markii uu bislaaday, lana soo hordhigay Rasuulka (scw) hortiisa isaga iyo labadiisa saaxiib (Abuubakar iyo Cumar), ayaa wuxuu Rasuulka (scw) qaaday cad ka mid ah hilibkii, ka dibna wuxuu cadkii geliyay kibistii ama muufadii dabadeedna wuxuu Abuu Ayuub ku yiri, intan waxaad ula deg degtaa gabadhii yareyd ee aan dhalay ahaydna Fadumo, maxaa yeelay ma aynan dhadhamin/cunin cadkan oo kale muddo hadda dhowr maalmood laga joogo.

Rasuulka (scw), Abuubakar iyo Cumar markii ay cuneen raashinkii ayna dhargeen, ayaa wuxuu Nebiga (scw) yiri: ”muufo, hilib, timir, yacyacood iyo hoobaan!!” ilmo ayaa ka soo daadatay, kadibna wuxuu yiri: ”Allaha naftayda ay gacantiisa ku jirtaan ku dhaartaye waxaan (nimcadan) waa nimcada xaggiisa la idinka weydiinayo maalinta qiyaamada, ee haddaad heshaan nimcadan oo kale oo aad gacmaha la gashaan waxaad tiraahdaan Bismillaahi (magaca Alle ayaan ku billaabay), markaad dheregtaana waxaad tiraahdaan Al-xamdulillaah (mahad oo idil Alle ayeey u sugnaatay) Allihii na dhargiyay ee nimcadiisa nagu galladaystay, intaa kadib Rasuulka (scw) wuu kacay, wuxuuna Abuu Ayuub Al-Ansaari ku yiri noo kaalay berito. Waxaa Rasuulka (scw) dabeecad u ahayd oo uu jeclaa in qofkii ixsaan u fala inuu wanaag ugu abaalgudo. Abuu Ayuub ma uusan maqlin hadalkii Rasuulka (csw), hase ahaatee Cumar Binu Khadaab ayaa ku yiri: ”Abuu Ayuubow wuxuu Rasuulka (scw) ku farayaa inaad u timaadid berito”. Abuu Ayuub Al-Ansaari ayaa Rasuulka (scw) ku yiri: ”maqlay oo aqbalay Rasuulkii Allow”.

Maalintii danbe markii la gaaray, wuxuu Abuu Ayuub Al-Ansaari aaday gurigii Rasuulka (scw), wuxuuna Rasuulka (scw) abaalgud ahaan Abuu Ayuub u siiyay gabar yar oo Rasuulka shaqaale u ahayd, wuxuuna kula dardaarmay inuu u wanaag falo, wuxuuna ku yiri: ”Abuu Ayuubow gabadhan wanaag kula dhaqan, maxaa yeelay intii ay nala joogtay kuma aanan arag wax aan kheyr ahayn”. Abuu Ayuub wuxuu u laabtay gurigiisa, isagoo ay la socotana gabadhii shaqaalaha ahayd, kolkii ay aragtay afadii Abuu Ayuub Al-Ansaari waxay Abuu Ayuub weydiisay: ”gabadhan yey shaqaale u tahay?!”. Abuu Ayuub wuxuu yiri annaga ayeey noo khidmaynaysaa.., waxaana na siiyay Rasuulka (scw). Ummu Ayuub oo ahayd afadii Abuu Ayuub ayaa iyadoo faraxsan waxay tiri: ”ku sharaf badanaa mid wax bixiya (waa Nebiga (scw), ku sharaf badanaa wax la isa siiyo (waa gabadha)”. Abuu Ayuub wuxuu xaaskiisii ku yiri, laakiin wuxuu Rasuulka (scw) inoo dardaarmay inaan wanaag kula dhaqano. Ummu Ayuub ayaa tiri, sideen gabadha ugu ixsaan fali karnaa si aan ka fulino dardaarankii Rasuulka (scw)?.

Wuxuu Abuu Ayuub yiri, wallaahi ayaan ku dhaartaye ma arko wax uga kheyr badan fulinta dardaarankii Rasuulka (scw) aan ka ahayn inaan gabadha xoreyno. Ummu Ayuub ayaa tiri: ”waxaa lagu waafajiyay sidii toosnayd, waxaadna tahay mid xaqa la waafajiyay”, sidiina ayuu Ayuub gabadha ku xoreeyay.

XIGASHO: somalitalk.com
lasoco Q:5aad

01/07/2015

WAA KUMA (ABUU AYUUB AL-ANSAARI)
Q:3aad
Abuu Ayuub wuxuu yiri, waxaan u hoggaansamay amarkii Rasuulka (scw) jeer laga soo gaaro habeen qaboow. Waxaa jabtay ashuun aynu lahayn, dabadeedna biyihii ku jiray ayaa qolkii sare ku daatay. Anniga iyo xaaskayga waxaan u istaagnay sidii aan u qallajin lahayn biyaha,
mana aanan haysan habeenkaas wax aan ka ahayn katiifad yar oo noo ahayd buste oo kale. Katiifaddii yareyd ayaa waxaan bilownay inaan biyihii ku qallajino, si biyihii aynan u gaarin Rasuulka (scw), sidaasna ayeynaan habeenkaana u seexan. Abuu Ayuub wuxuu yiri, markii uu waagii baryay ayaa waxaan ku soo kallahay Rasuulka (scw), waxaana ku iri, Aabahay iyo hooyaday lagugu furaye Rasuulkii Allow waan dhibsaday inaan saarnaado dabaqa sare, adiguna aad degganaato xagga hoose, intaa dabadeed waxaan uga sheekeeyay sheekadii ashuunkii jabay xaleey, Rasuulka (scw) wuu iga aqbalay codsigaygii wuxuuna u soo guuray dabaqii sare, anniga iyo Ummu Ayuub-na waxaan u soo guurnay dabaqii hoose.
Rasuulka (scw) wuxuu degganaa gurigii Abuu Ayuub Al-Ansaari muddo ku dhow toddobo billood, jeer laga dhammeystiro masjidkii Nebiga, meeshaasoo ay ahayd meeshii markii h**e ay fariisatay hasha. Qolalkii masjidka uu lahaa ayuu Rasuulka (scw) u guuray isaga iyo xaasaskiisaba. Abuu Ayuub iyo xaaskiisuba waxay jaar la noqdeen Rasuulka (scw). Labo deris noqdo ku wanaag badanaa Abuu Ayuub iyo Rasuulka (scw). Abuu Ayuub Al-Ansaari Ilaah ha ka raalli noqdee wuxuu Rasuulka (scw) jeclaaday jaceyl hantay qalbigiisa iyo dhuuxiisaba, dhinaca kale Rasuulka (scw) ayaa isna jeclaaday Abuu Ayuub, wuxuuna marka uu guriga Abuu Ayuub yimaado uu Rasuulka (scw) u dhaqmi jiray sida gurigiisa oo kale.
Cabdullaahi Binu Cabbaas ayaa sheekeeyay isagoo leh: waxaa goor duhur ah masjidka soo aaday Abuu Bakar Assiddiiq Ilaah ha ka raalli noqdee, waxaa arkay Cumar Binu Khadaab, wuxuuna ku yiri ”Abuubakarow saacaddan maxaa ku soo bixiyay?!”.
Abuubakar ayaa yiri, gaajo daran oo i haysa waxaan ka ahayn ima soo saarin. Cumar ayaa misna yiri, annigana Ilaah ayaan ku dhaartaye gaajo daran waxaan ka ahayn ima soo saarin. Goor ay Abuubakar iyo Cumar ay isla taagan yihiin ayaa waxaa ku soo baxay Rasuulka (scw) wuxuuna weydiiyay waxa soo saaray saacaddan iyada ah, waxayna yiraahdeen: ”wallaahi ayaan ku dhaaranaye, nama soo bixin aan ka ahayn gaajo daran oo na haysa awgeed” Nebiga (scw) ayaa wuxuu yiri ”annigana -waxaan ku dhaaranayaa Allaha ay naftayda labadiisa gacmood ay ku jirto– inaynan i soo saarin waxaan gaajadaas ahayn, ee i soo raaca
Rasuulka (scw) oo ay weheliyaan Abuubakar iyo Cumar ayaa waxay yimaadeen albaabkii guriga Abuu Ayuub Al-Ansaari, wuxuuna Abuu Ayuub maalin kasta Rasuulka ugu talo geli jiray cunto, haddii uu soo daaho Rasuulka oo uusan cuntadii u iman, wuxuu cuntadii Abuu Ayuub siin jiray reerkiisa. Markay soo gaareen albaabkii Abuu Ayuub ayaa waxaa iridka ka furtay xaaskii Abuu Ayuub, iyadoo leh ”Nebigii Ilaah iyo inta la socotaba ha soo dhowaadeen”. Rasuulka (scw) wuxuu Ummu Ayuub weydiiyay inuu joogo Abuu Ayuub, durbadiiba codkii Nebiga waxaa maqlay Abuu Ayuub oo waqtigaas ka shaqeynayay beer timireed uu lahaa, kuna tiillay meel gurigiisa u dhow. Isla markiiba intuu soo qaabilay Rasuulka (scw) isagoo leh: ”Rasuulka Alle iyo inta la socotaba ha soo dhowaadeen” Wuxuuna intaa raaciyay ”Nebigii Alloow waqtigan ma ahan waqtigii aad iman jirtay”. Rasuulka (scw) wuxuu yiri ”waa runtaa”,
dabadeedna Abuu Ayuub wuxuu u kacay beertiisa isagoo soo gooyay rucub timir ah oo weliba bislaatay. Nebiga (scw) ayaa ku yiri, ma aanan jeclayn inaad laantoo dhami goyso, maad noo soo gurtid oo kaliya timirta. Abuu Ayuub wuxuu yiri, Rasuulkii Allow waxaan jeclaystay inaad rucubta ka goysatid timirtiisa, hoobaantiisa iyo yacyacoodkiisaba, intaasoo kaliya maahee, waxna waan idiin gowracayaa. Rasuulka (scw) wuxuu yiri:”haddaad neef gowracaysid ha gowracin neef irmaan”.
XIGASHO: somalitalk.com
lasoco Q:4aad

01/07/2015

WAA KUMA (ABUU AYUUB AL-ANSAARI)
Q:2aad
Waxay ahayd hashu tii iska socota, iyadoo weliba ay raacayso indhaha dadka. Haddey hashu gudubto guri waxaa murugoonayay dadkii degganaa gurigaas oo waxaa ku dhacayay quus, halka farxad iyo yiddiddiilo weyn ay gelinaysay kuwa iyaga aynan weli hasha gudbin guryahooda. Waxay socoto hashii, dadkiina ay daba guurayaan oo ay daba socdaan iyagoo kalgacalo la huraya ogaanta ninka nasiibka badan ee ay gurigiisa ag fariisan doonto hasha, ayaa waxay markii danbe hashii soo gaartay meel bannaan oo ku aaddan guriga Abuu Ayuub Al-Ansaari, halkaas ayeey hashiina fariisatay. Hase yeeshee Rasuulka (scw) weli k**a uusan degin hasha. Wax yar maba aynan sii fadhinin hashii, jeer ay haddana boodday oo istaagtay oo socotay, Rasuulkana (scw) uu u raariciyay hoggaankeeda. Haddana, waxyar kadib hashii way soo laabatay oo waxay fariisatay meeshii ay h**e u fariisatay. Markay arrintu halkaas mareyso, ayaa waxaa farxad weyn buuxisay laabtii Abuu Ayuub Al-Ansaari, wuxuuna u deg degay xagga Rasuulka (scw) isagoo soo dhoweynaya. Alaabtii Rasuulka (scw) ayuu qaaday isagoo uu horsocdo Rasuulka, isagoo la moodo inuu sido waxa keyd hanti ah ee dunida yaala oo dhan.
Abuu Ayuub Al-Ansaari Ilaah ha ka raalli noqdee wuxuu yimid gurigiisa, iyadoo uu la socdo Rasuulka (scw)
Guriga Abuu Ayuub wuxuu ka koobnaa labo dabaqadood, mid hoose iyo mid sare. Dabaqii sare ayaa wuxuu ka soo faaruqiyay alaabihii ku jiray, si uu u dejiyo Rasuulka (scw) iyo reerkiisa. Hase ahaatee, Rasuulka (scw) wuxuu jeclaystay inuu d**o dabaqa hoose ee guriga, Abuu Ayuub-na wuxuu u hoggaansamay rabitaankii Rasuulka (scw) oo wuxuu dejiyay meeshii uu jeclaystay. Habeenkii markii la gaaray, Rasuulka (scw) uuna seexday, Abuu Ayuub iyo afadiisana ay koreen dabaqii sare ee guriga ayna albaabkooda soo xirteen ayaa Abuu Ayuub soo jaleecay afadiisa isagoo ku leh: ”inkaar qabto maxaynu sameynay?! Ma Rasuulka (scw) ayaa noqonaya kii naga hooseeya, innaguna aynu noqono kuwo ka sarreeya?! Ma waxaynu dul soconaynaa Rasuulka (scw) dushiisa?! Ma waxaynu u dhaxeynaynaa waxyiga iyo Nebiga (scw)?! Haddeynu sidaas sameyno waynu halaagsamaynaa”. Abuu Ayuub iyo xaaskiisa way qoomameeyeen, iyagoo aynan garanaynin waxa ay sameyn doonaan.
Naftoodii waxa ay xoogaa yar ku xasishay kolkii ay u bateen koonaha qolka ay ku jireen, kaasoo aanan ku beegnayn Rasuulka (scw) dushiisa. Meeshii ayeey isaga jireen iyagoo iska ilaalinaya markasta inay socdaan meesha dhexda ah.
Subixii markii la gaaray wuxuu Abuu Ayuub ku yiri Rasuulka (scw): ”labo indhood isuma aynan geynin xaleey anniga iyo Ummu Ayuub-ba”. Rasuulka (scw) ayaa weydiiyay sababta ay arrintaas ku timid, wuxuuna Abuu Ayuub ugu jawaabay: ”waxaan soo xasuustay inaan saaranahay qol aad adiga naga hoosaysid, waxaan kaloo xasuustay haddii aan dhaqdhaqaaqo in boorku kugu soo daadanayo, oo aan markaas ku dhibo, dhinaca kale waxaan kala dhex galay adiga iyo waxyiga”. Rasuulka (scw) ayaa yiri: ”naftaada u tur Abuu Ayuubow, innaga waxaa noo sahlan xagga hoose, dadka badan ee na soo booqanaya awgood”.
XIGASHO: somalitalk.com
lasoco Q:3aad

29/06/2015

AA KUMA (ABUU AYUUB AL-ANSAARI)

Q:1aad

Saxaabigan sharafta badan ee aan sheekadiisa qaadanayno magaciisa waxaa la yiraahdaa Khaalid Binu Zeyd Binu Kuleyb, wuxuu ka dhashay qabiilka reer Banii Najjaar. Kunyadiisu (carabta qofka ay sharfayso ayaa waxay ugu yeeri jirtay magaca wiilkiisa curadka ah, waana dhaqan carbeed) waa Abuu Ayuub Al-Ansaari oo ah Ayuub aabihiis, waxaana loogu abtiriyaa Ansaarta.

Haddaynu nahay bahweynta muslimiinta, waa kuma qofka aanan aqoonin saxaabiga Abuu Ayuub Al-Ansaari?!. Wuxuu Eebbe (sw) magaciisa ku koryeelay dunida bariga iyo galbeedkiisa, wuxuu Ilaah dadka ka sareysiiyay kolkii uu gurigiisa ka doortay guryaha muslimiinta si uu u d**o Nebigii (scw) sharafta badnaa, kadib markii uu yimid magaallada Madiina isagoo muhaajir ah, dhab ahaantiina taas ayaa Abuu Ayuub Al-Ansaari ugu filan sharaf iyo wanaag.

Degitaanka uu Nebiga (scw) soo degay guriga Abuu Ayuub Al-Ansaari ayaa waxaa ku jirta sheeko aan laga xiiso dhigaynin soo noq-noqashadeeda. Sababtuna waa iyadoo markii uu Nebiga (scw) yimid magaallada Madiina, ayaa waxaa Nebiga (scw) soo dhoweeyay dadkii degganaa Madiina dhoweyn iyo maamuusid tii ugu sharfta badanayd. Waxay Rasuulka (scw) ku eegeen indho kalgacalo iyo naxariis, iyadoo ay ku faraxsan yihiin imaanshaha Rasuulka. Sidoo kale waxay u fureen laabtooda si kash iyo laab ah, iyagoo albaabaha guryahoodiina ay ballaqeen oo ay u fureen Rasuulka (scw) si uu Xabiibka (scw) ugu d**o isagoo la sharfay.
Hase ahaatee, Rasuulka (scw) wuxuu ku hakaday xaafadda la yiraahdo Qubaa oo ku tiillay hareeraha magaallada Madiina, wuxuuna halkaa ku negaaday 4 maalmood, isagoo dhisayna Masjidkii ugu h**eeyay ee lagu dhiso Islaamka. Intaa dabadeed, wuxuu Rasuulka baxay isagoo saaran hashiisa, waxaa waddadii magaallada Madiina istaagay madaxdii iyo odayadii magaallada Madiina, iyagoo mid kasta uu doonayo inuu ku guuleysto sharafta degista Rasuulka (scw) uu ku degayo gurigiisa. Odayadaa waxay midba midka kale uu u hormari jiray hasha, waxayna Rasuulka (scw) ku oranayeen markaas: ”Rasuulka Alloow annaga agtayada soo dega, waxaana na weheliya tiro dad ah, hub iyo dagaalyahanno kaa difaaca qofkii xumaan kula maaga”. Rasuulka (scw) ayaa wuxuu dadkii ku oranayay: ” hashan faraha ka qaada, maxaa yeelay waxay ku socotaa amar xagga Rabbi (sw) kaga yimid”.

XIGASHO: somalitalk.com

lasoco Q:2aad

25/06/2015

SIDEE BUU KU SOO ISLAMAY SALMAAN AL-FAARISI
Q:5aad dhamaad
Markii galabtii la gaaray ayaa waxaan h**ey u soo qaatay xabbado timir ah, annigoo markaas u jiheestay goobtii uu ku soo deggay Rasuulka (scw). Kolkii aan u soo galay Rasuulka, waxaan ku iri: waxaa iga kaa soo gaaray inaad tahay nin suubban, sidoo kalena waxaan ogaaday in asxaabta kula socoto ay yihiin kuwo aan waxna haysan, sidaa darteed waxaan idiin keenay xooggey saddaqo ah oo aan is iri ma jiro cid idinkaga mudan idinka, intaa dabadeed waxaan timirtii u soo dhoweeyay dhinacii uu xigay Nebiga (scw). Nebiga (scw) ayaa asxaabtii ku yiri cuna (timirtan).., hase ahaatee isagu ma cunin. Waxaan naftayda ku iri, mid ka mid ah tilmaamihii h**e laguugu sheegay waad heshay.
Intaa ka dib waan iska tagay, waxaana billaabay inaan aruursado xabbado timir ah. Kolkii uu Rasuulka (scw) ka guuray xaafadda Qubaa, uuna u guuray Madiina ayaan markale u imid annigoo sida haddiyad, waxaana Rasuulka ku iri: ”waxaan arkay inaadan cunin saddaqada sidaa darteed waxaan maanta kuu keenay haddiyad aan kugu maamuusayo”. Timirtii haddiyadda ahayd ayuu Rasuulka (scw) cunay, sidoo kalena wuxuu asxaabtiisa amray inay la cunaan sidiina ayeey ula cuneen Rasuulka.
Markale ayaa naftayda ku iri, labo astaamood ayaad heshay, haddana markale ayaan u imid Rasuulkii Alle oo jooga meesha la yiraahdo Baqiic Al-qarqad (meel markii danbe noqotay xabaalaha) wuxuuna aasayay mid ka mid ah asxaabtiisa. Waxaan arkay isagoo fadhiya qabana labo go’, intaa kadib waan soo wareegay annigoo doonaya inaan eego dhabarkiisa bal si aan u arko shaabaddii (khaatam) uu ii tilmaamay saaxiibkaygii aan ku arkay magaallada Cammuuriya.

Markii uu Rasuulka (scw) i arkay annigoo eegaya dhabarkiisa isla markiiba wuu gartay waxa aan doonayo, wuxuuna tuuray go’ii dhabarkiisa saarnaa. Haddaan fiiriyay dhabarkiiba waxaan durbadiiba arkay khaatamkii (khaatumu-nebinnimada) waan aqoonsaday, isla markiiba korkiisa ayaan ku soo foorarsaday annigoo dhunkanaya jirkiisa oonayana.
Rasuulka (scw) ayaa yiri: ”khabarkaagu muxuu yahay?!”. Waxaan uga sheekeeyay sheekadayda, Rasuulka aad ayuu u jeclaystay sheekadayda, wuxuuna jeclaystay inay asxaabtana bal ay iga dhegeystaan anniga, waana uga sheekeeyay. Si siyaado leh ayeey ula yaabeen sheekayada, si aan xad lahayna way ugu farxeen
Nabadgelyada Eebbe (sw) Salmaan Al-Faarisi korkiisa ha ahaato
waxaa halkaa inoogu dhamaaday taariikhdii iyo sidii uu kusoo islaamay Salmaan al-faarisi

24/06/2015

SIDEE BUU KU SOO ISLAMAY SALMAAN AL-FAARISI

Q:4aad

Waxaan soconnaba waxaynu nimid dooxada lagu magacaabo ”waadul-quraa” (waa tog u dhaxeeya magaallada Madiina iyo gobolka Shaam) meeshaas ayeyna igu khiyaaneen nimankii, iyagoo iga iibsaday nin Yahuudi ah, isaga ayaana shaqaale u noqday. Maalin maalmaha ka mid ah ayaa ninkii wuxuu booqday nin ay ilmo adeerro ahaayeen ahna kana dhashay qabiilka Binii Qureythah, ninkiina ayuu iga gatay, wuxuuna ii sii raray magaallada Yathriba (Madiina).

Waxaan arkay timirtii uu ii sheegay ninkii wadaadka ahaa ee degganaa magaallada Cammuuriya, tilmaantii uu magaallada iiga sheegayna waan aqoonsaday oo waan arkay, sidiina ayaa ninkii magaallada kula joogay. Nebigana (scw) xilligaas aan magaallada Madiina imid wuxuu dacwada Islaamka ugu yeerayay tolkiisii degganaa magaallada Makka, dhinaca kalena ma aan maqlin wax faahfaahin oo warkiisa ku saabsan, mashquulka badan ee addoonnimada igu waajibinaysa darteed.

Haddana, maba sii joogin ilaa uu maalintii danbe Rasuulka (scw) u soo haajiro magaallada Madiina. Wallaahi ayaan ku dhaartaye, waxaan dul-saarnaa geed timir ah, timirtaas oo uu lahaa sayyidkayga, waxaana gacanta ku hayay howl aan saa u badnayn, sayyidkaygana wuxuu fadhiyay geedka timirta hoostiisa markii uu na soo qaabilay nin ay sayyidkayga ilmo adeero ahaayeen, wuxuuna ku yiri: Ilaahay ha lacnado reer Banii Qayla (Aws iyo Khazraj), wallaahi hadda waxay ku kulansan yihiin xaafadda la yiraahdo Qubaa, iyagoo ku kulansan nin ka yimid magaallada Makka welibana wuxuu sheeganayaa Nebinnimo.

Ma aanan maqlin halkan danbe jeer ay i qabato wax la moodo qandho, sidoo kalena waxaa igu dhacay jiri-raco ilaa aan ka cabsaday inaan ku-kor-dhaco sayyidkayga. Isla markiiba waxaan si dhaqso leh uga soo daaddegay geedkii timirta ahaa ee aan saarnaa, waxaana annigoo is ogeyn ku iri ninkii: ”maxaad tiri?”, bal iigu soo celi wixii aad tiri…. Sayidkayga ayaa iga carooday, wuxuuna igu dhuftay dharbaaxo daran, isagoo igu yiri: maxaa hadalkan kaa galay, u noqo shaqadii aad gacanta ku haysay.

Lasoco Q:5aad insha allaah
waxaad kalo kala soconkarta halkan ama page-kayga maxamed xudun hadaad like garayso

Xigasho: Somalitalk

23/06/2015

SIDEE BUU KU SOO ISLAMAY SALMAAN AL-FAARISI

Q:3aad

Markii uu wadaadkii aan la joogay dhintay, ayaa sidii uu igula taliyayba waxaan u kicitimay ninkii ku noola gobolka Al-Mawsil, markaan u imidna waxaan uga sheekeeyay khabarkayga, annigoo ku iri: ”hebel ayaa adiga ii kaa soo dardaarmay dhimashadiisa agteeda, si aan agtaada u laasimo, isagoo intaas ii raaciyay inaad tahay nin haysta diintii xaqa ahayd ee uu ku sugnaa ninkaas” Ninkii wuxuu igu yiri, haddaba anniga ayaad ila joogaysaa. Ninkii ayaan haddana iskala joogay, xaalad wanaagsanna waan ka arkay.

Muddo yar markay ka soo wareegatay wakhtigaas ayaa maalintii danbe ninkii geeriyooday. Intuusan geeriyoonin waxyar kahor ayaa waxaan ninkii ku iri: ”hebelow waad aragtaa inuu amarkii Eebbe kuu yimid, annigana xaalkaygu waad aragtaa, ee fadlan yaad adiga gadaashaa ii dardaarmaysaa inaan aado?”. Wuxuu igu yiri wiilkaygayow, wallaahi garan maayo ruux diinta u haysta sida aan annaga u haysanno marka laga reebo nin ku nool magaallada Nissiibiin (magaallo ku taala Shaam) ee ninkaas aad. Ninkii wadaadka ahaa markii la dhigay iilka, uuna dhintay ayaa waxaan u kicitimay ninkii ku noolaa magaallada Nissiibiin.

Markaan u imid ninkii waxaan uga warramay sheekadayda iyo nasteexadii ugu danbeysay ee uu i siiyay wadaadkii aan la joogay, wuxuuna si sahlan igu yiri: annaga agteena ayaad joogaysaa. Halkii ayaan iska joogay, waxaana la degganaa ninkii wadaadka ahaa. Waxaan ku arkay kheyrkii iyo wanaaggii aan h**eba ka arkay labadii nin ee h**e. Wallaahi maba sii joogin jeer uu ninkii haddana ka geeriyoodo, hase ahaatee intuusan dhimman kahor ayaa waxaan ku iri: ”xaalkayga waad aragtaa ee yaad ii dardaarmi lahayd inaan adiga gadaashaa la joogo”. Wuxuu yiri, wiilkaygiyow garan maayo ruux diinta u haysta sida annagoo kale aan ka ahayn nin ku nool magaallada Cammuuriya waxaana la yiraahdo hebel ee ninkaas u kicitim.

Ninkii ayaan u kicitimay, waxaana uga warramay sheekadayda, intaa dabadeedna wuxuu igu yiri: anniga ayaad ila joogaysaa. Sidiina ayaana ula noolaa ninkaas, wallaahi wuxuu ku tilmaamnaa hanuunkii ay ku sugnaayeen saaxiibadiisa kale. Hanti iyo maal ayaan kasbaday intii aan ninkan la joogay, waxaana haystay lo’ iyo xeyn arri ah.. Intaa dabadeed ninkii waxaa u timid geeridii u timid asxaabtiisii h**e oo kale, markay u timid sakaraatkii ayaa waxaan ku iri, adiga waad og tahay amarkayga iyo xaalkayga sida uu yahay, sidaa darteed adi-ahaantaa yaad ii dardaarmi lahayd gadaashaa inaan diinta ka barto, dhinaca kalena maxaan sameeyaa? .

Wuxuu yiri wiilkaygiyow - wallaahi- garan maayo inuu jiro qof dadka ka mid ah oo dunida maanta saaran oo haysta diintii Nasaarada ee aan haysanay annaga.., hase ahaatee waxaa la gaaray xilligii dhulka carabta laga soo saari lahaa Nebi haysta diintii Nebi Ibraahim (cs). Nebigaas wuxuu ka haajiri doonaa magaalladii uu degganaa, isagoo u haajiri doona magaallo ka baxda timirta waxayna u dhaxeysaa labo buurood dhexdooda. Wuxuu leeyahay tilmaamo aan qarsoomaynin, waxaana ka mid ah inuu qaato haddiyadaha, mana qaato saddaqooyinka, labadiisa garab dhexdoodana waxaa ku taalla shaabaddii Nebinnimada, ee haddii aad awooddo inaad gaarto magaallooyinkaas samee.

Intaa ka dib, ninkii wuu dhintay, isaga gadaashiis waxaan muddo dheer iska joogay magaallada Cammuuriya ilaa maalintii danbe ay magaallada ka soo maraan dad ganacsato carbeed ah, kana dhashay qabiilka la yiraahdo ”Kalbin”. Waxaan dadkii ganasatada ahaa ku iri, ka warrama haddii aan idiin raaco magaallooyinka carbeed, isla mar ahaantaana aan idin siiyo neefafkayga lo’da iyo arrigaba. Waxay yiraahdeen haa oo waan yeelnay. Waxaan siiyay lo’dii iyo neefafkii arriga ahaa ee aan haystay, sidiina ayaan nimankii ku raacay.

Lasoco Q:4aad insha allaah
waxaad kalo kala soconkarta halkan ama page-kayga maxamed xudun hadaad like garayso

Xigasho: Somalitalk
Qore: Ibraahim Saalax Aadan

22/06/2015

SIDEE BUU KU SOO ISLAMAY SALMAAN AL-FAARISI

Q:2aad

Maalin maalmaha ka mid ah ayaa waxaa ii suurto gashay inaan dibadda u baxsado, dabadeedna waxaan u imid dad haysta diinta Nasaarada, waxaana ku iri: haddii ay magaallada yimaadaan dad socoto ah oo u socda Gobolka Shaam fadlan ila soo socodsiiya. Wax yar k**aba soo wareegin jeer ay magaaladii yimaadaan dad socoto ahaa oo u socday Shaam. Markii la ii sheegay dadkaas ayaa waxaan iska fur-furay dabarkii lugahayga ku xirnaa, sidiina ayaan ku raacay dadkii socotada ahaa.
Markii aanu nimid Shaam ayaa waxaan dadkii weydiiyay ninka ugu fadliga badan ee ka mid ah dadka haysta diinta Kirishtaanka, waxaana la ii tilmaamay wadaad ka shaqaynayay Kaniisad laguna magacaabo ”Al-usquf”. Ninkii ayaan u imid, waxaana ku iri, waxaan jeclaystay diinta Kirishtaanka, sidaa darteed waxaan doonayaa inaan kuu noqdo adeege/khaadim oo aan kuu shaqeeyo, dhinaca kalena aan kaa faa’iideysto kulana tukado salaadaha. Ninkii wadaadka ahaa arrinkii wuu iga oggolaaday, sidiina ayaan shaqaale ugu noqday.
Muddo markay ka soo wareegatay wakhtigaas ayaa waxaan ogaaday inuu ninku ahaa nin aan fiicnayn. Waxaan ogaaday inuu dadka ku amri jiray inay saddaqaystaan; isagoo intaa u raacin jiray ajarka iyo xasanaadka ay leedahay in lala baxo saddaqada. Dadkii markii ay hantidooda ka saddaqaystaana meeshii uu masaakiinta ka siin lahaa, isaga ayaa keyd ahaan u dhigan jiray maalkaas ilaa uu maalkii ay buuxiyaan toddobo ashuumood oo dahab ah. Si daran ayaa ninkii wadaadka ahaa uga carooday, waxyaabihii aan wanaagsanayn ee aan ku arkay awgeed.
Wax yar k**a soo wareegan jeer uu maalintii ninkii wadaadka ahaa ka dhinto, waxaana aaskiisii isugu yimid dadkii Nasaarada (Kirishtaanka) ahaa, waxaana ku iri hadaladan: ”Ninkan saaxiibkiina ah wuxuu ahaa nin xun, wuxuu idin fari jiray inaad la baxdaan saddaqo, isagoo arrinkaana idinku boorrin jiray. Hase yeeshee, markaad maalkiina ka saddaqaysataan naftiisa ayuu keyd ahaan ugu dhigan jiray, masaakiintana waxna k**a siin jirin!”. Dadkii ayaa hadalkii la yaabay, waxayna igu yiraahdeen: ”Halkeed ka ogaatay hadalkan?!”. Waxaan ku iri, annigaa idin tusaya kaasafoortadii uu ku keydsan jiray maalkaas. Waxay yiraahdeen: ”haa-oo-na tusi”.
Waxaan tusiyay meeshii uu maalka ku keydsan jiray, waxayna meeshii ka soo saareen toddobo ashuumood oo laga buuxiyay dahab iyo lacag. Markii ay arkeen dahabkii iyo lacagtii faraha badnayd ayaa waxay soo saareen go’aan tilmaamaya inaanan la aasin ninkii wadaadka ahaa, waxayna yiraahdeen: ”wallaahi aasi mayno”, iyagoo intaa kadib daldalay waxayna isagoo meyd ah ku garaaceen dhagaxyo.

Wakhti dheer k**a soo wareegan jeer booskii ninka wadaadka ahaa looga caleemo saaro nin kale. Ninkan cusub ayaan markale laasimay agtiisa. Ma aan arag nin ka adduunyo neceb, kana aakhiro jecel ninkan, dhinaca kalena kaga daa’imid badan xagga cibaadada. Si aan xad lahayn ayaan u jeclaystay, isaga ayaana in muddo ahba iskala joogay.
Hase ahaatee markii ay u timid sakaraatul-mootka (dhimman rabo) ayaa waxaan ku iri: hebelow yaad ii dardaarmaysaa ama iigu nasteexaynaysaa inaan la joogo adiga gadaashaa?. Wuxuu yiri wiilkaygayow garan maayo ruux sida aan diinta u haysto oo kale u haysta, aan ka ahayn nin ku nool gobolka la yiraahdo Al-Mawsil (magaallo ku taala Ciraaq). Ninkaasi waa nin aan beddelin diinta uu haysto ee sidaas darteed waxaad haleeshaa ninkaas.

Lasoco Q:3aad insha allaah

22/06/2015

SIDEE BUU KU SOO ISLAMAY SALMAAN AL-FAARISI

Q:1aad

Udub-dhexaadka Sheekada Salmaan Al-Faarisi waxay ku soo wareegaalaysa naysaa sheekadiisii la xiriirtay waddooyinkii iyo dhibaatooyinkii uu u soo maray diinta xaqa ah. Waa sheekadii saxaabigii raad-raacayay xaqiiqada iyo diinta xaqa ah.
Sida aan gebeggabada sheekada Salmaan ku arki doonno, wuxuu Rasuulka (scw) jeclaan jiray inuu maqlo sheekadii uu ku soo islaamay Salmaan Al-Faarisi. Maalintii uu Salmaan Al-Faarisi soo islaamayay, uuna sheekadiisa u sheegay Rasuulka (scw), wuxuu markale Rasuulka (scw) Salmaan ka codsaday inuu dib danbe sheekadiisa uga sheekeeyo asxaabta. Marka qiimahaas iyo wanaaggaas weyninka badan ayeey leedahay sheekada saxaabigan la yiraahdo Salmaan Al-Faarisi.
Bal inta aanan meel kaleba aadin, aynu laf-ahaantiisa u deyno sheekada si uu noogu warramo waxyaabihii uu la kulmay kahor intuusan islaamin.
Salmaan isagoo ka warramaya sheekadiisa wuxuu yiri: Waxaan ahaa wiil dhalinyaro ah, waxaan degganaa degmada Jayyan ee gobolka Al-Isbihaan. Aabahay wuxuu ahaa guddoomiyaha degmada, dhinaca kalena wuxuu ka mid ahaa dadka deggan degmada kuwa ugu hantida badan uguna magac dheer. Aabahay aad ayuu ii jeclaa. Jaceylkii uu sidaas ii jeclaa ayaa waxaa maalintii danbe ay gaartay inuu igu xabbiso guriga, sida gabdhahaba loogu hayo guryaha. Waxaan ku dadaalay ku dhaqanka diinta majuusiyadda (diinta la caabudo dabka ama qoraxda), jeer aan markii danbe ku fiicnaaday hurinta dabkii la caabuday, waxaana la ii xil-saaray inaan noqdo huriyaha dabka.
Aabahay wuxuu lahaa aseendo (beer) aad u weyn, beertaas ayuuna aabahay aalaaba ka shaqeyn jiray. Mar mararka ka mid ah ayaa wuxuu aabahay ka mashquulay aadistii beerta, sidaa darteed ayaa wuxuu igu yiri: ”wiilkaygiyoow maanta waad aragtaa inaan ka mashquulay aadista beerta, ee waxaad aaddaa beertii oo igala wareeg maanta shaqadii beerta”. Waan tagey annigoo u jeeda beerta.
Intii aan waddada socday ayaa waxaan waddada dhexdeeda ku arkay kaniisad ka mid ah kaniisadaha ay ku cibaadaystaan Nasaarada (kirishtaanka). Waxaa dhagahayga soo gaaray dhawaaqoodii iyagoo cibaadaysanaya, arrinkaasna wuxuu soo jiitay baraarugayga. Horey uma aanan aqoonin diinta kirishtaanka, taasina waxaa ugu wacnayd iyadoo uu aabahay uu igu xabisay guriga. Markii aan maqlay codkoodii isla markiiba waan u galay bal si aan u arko waxa ay sameenayaan. Markii aan aad u raad-raacay waxa ay sameenayaan ayaa waxaan jeclaystay salaadihii ay tukanayeen, diintoodiina waan jeclaystay waxaana naftayda ku iri: ” wallaahi diintani ayaa ka kheyr badan diinta aanu haysano, wallaahi ayaan ku dhaartaye k**a aanan soo tegin ilaa ay qoraxdii ka dhacday oo sidaas ayaanan ku aadin beertii”.

Intaa dabadeed waxaan dadkii weydiiyay, meesha iyo xarunta ay ka soo jeeddo diintan, waxayna iigu jawaabeen dhulka Shaam. Habeenkii markii la gaaray ayaa waxaan ku noqday gurigeenii, waxaana ila kulmay aabahay isagoo i weydiiyay meeshii aan ku maqnaa, waxaana ku iri: ”aabe, waxaan maanta soo ag maray dad ku cibaadaysanayay Kaniisad ay lahaayeen, waxaana jeclaystay qaabkii ay u cibaadaysanayeen, iyaga ayaana iskala joogay ilaa ay qoraxdii ka dhacday”. Aabahay aad ayuu arrinkii aan iri uga argagaxay, wuxuuna igu yiri: ”wiilkaygiyoow diintaas aad sheegtay wax kheyr ay leedahay ma jirto, diintaada iyo diinta ay haysan jireen awoowayaashaa ayaa ka kheyr badan diintan”, annigana waxaan ku iri, maya-wallaahi-diintooda ayaa ka kheyr badan tan aynu hadda haysanno. Hadalkan danbe, aabahay wuu cabsi geliyay, wuxuuna ka cabsaday inaan ka laabto diinta aan haysto, sidaa darteed wuxuu igu xabbisay guriga isagoo labada lugoodna iga dabray.

Lasoco Q:2aad

Address

Mohamed_4338@hotmail. Com
Laascaanood
1234

Telephone

+252634494338

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Maxamed xudun posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Maxamed xudun:

Shortcuts

Share

Category