Ayuub E-books

Ayuub E-books Waxaan kaa iibinaynaa bugagta nolosha wanagsan ku saabsan, horumarinta xiriirada iyo dad la dhaqanka

MADOONEYSAA NOLOL FIICAN

waa buug aad ka heli doontid, aayadaha Qur'aankiyo Axaadiista Nabigaan u ga dhigay daliiloo
waalid iyo wiilkiisiyo
hablaheena hanbalyaan u haayaa!

Asc walaalayaal waa xafladii bandhiga buuga Karti iyo kalsooni(maareynta xiriirada).
11/10/2025

Asc walaalayaal waa xafladii bandhiga buuga Karti iyo kalsooni(maareynta xiriirada).

Asc walaalaha seetihiin, waxaan idinlawadaagaya  qeyb yaroo nuxur leh oo ka mid ah buugga Karti iyo klsooni(maareynta xi...
11/10/2025

Asc walaalaha seetihiin, waxaan idinlawadaagaya qeyb yaroo nuxur leh oo ka mid ah buugga Karti iyo klsooni(maareynta xiriirada)

Shakhsiyad la yiraahdo (Hayuuka)

Qofka shakhsiyadaan leh ayaa ka adkaaday Nerjisiga; waxaa sifaadkiisa ka mid ah
 Wuxuu leeyahay/leedahay caqli badan iyo hadaf sare, wuu baaraa, falanqeeyaa waxa socda, dabadeed ogaadana meelaha uu ka liito nerjisigu.
 Kalsooni sare ayuu isku qabaa, wuxuu ogyahay awoodihiisa, nerjisiguna ma awoodo in uu duleysto.
 Wuxuu dhigaa xad caafimaad asaga iyo nerjisiga dhexdooda, qiimihiisa ayuu yaqaanaa, wuuna xifdiyaa caafimaadka naftiisa iyo dareenkiisa, doodaha ma dhaleystaa wuu ka fogaadaa.
 Waa sabar badanytahay, waana deganyahay.
 Waxuu leeyahay awood dad la xiriirid oo fiican.
 Waaqaca (xaalada jirta) sideeda ayuu u fahmaa laguma ciyaari karo dareenkiisa, laguma qosli karo (dhaqanka qofka nerjisiga ayuu la socdaa).
 Wuxuu leeyahay qofkaani awood dareen xakameyn cajiib ah, markuu la macaamilayo nerjisiga.
 Nafsadeeda ayey daneysaa, si ay awood ugu yeelato la macamilka nerjisiga.
 Cadaalada iyo akhlaaqda waa mabda’ nololeedkeeda, dhibta wey celisaa, nafteedana wey difaacdaa.
 Nafteeda ayey horey u marisaa oo wey fahmee qaababka laysugu ciyaaro oo dhan. (El-Nadi, 2024)
 Waxay dabaqday maah maahda dheheysa“fircoonow yaa fircoon kaa dhigay, wuxuu yiri fircoon: ma helin cid abaalkeyga iga waraabisa”.

With Guryosamo – I just got recognized as one of their top fans! 🎉
11/10/2025

With Guryosamo – I just got recognized as one of their top fans! 🎉

Maashaa Allah.
04/10/2025

Maashaa Allah.

04/10/2025

Asc waxaa Ilaah mahadiisa ah in ay si wanaagsan noogu dhamaatay xafladii bandhiga buuga Karti iyo Kalsooni.

Asc dhamaan Asxaabta sharafta leh, waan idinsalaamay, hamoogaanina buuga karti iyo kalsooni, waa buug cajiib ah, kana ha...
23/09/2025

Asc dhamaan Asxaabta sharafta leh, waan idinsalaamay, hamoogaanina buuga karti iyo kalsooni, waa buug cajiib ah,
kana hadlaaya xiriirada kala mudnaantooda iyo maareyntooda, shakhsiyaadka kaladuwan iyo maareyntooda, nafta iyo ku hagisteed dhabaha toosan, dhiggida xuduud caafimaad, cabirida ra'yiga si xur oo degan, ka hortaga cudurada nafsada, iyo dhisida karti iyo kalsooni dhab ah.

Waxad ka heleysaan Tanaad Printing Press, Whatsapp:0616326636.

Asc walaalayaal, qof kasta oo naga mid ah waxaa muhiim in uu leeyahay hadaf uu rabo in uu xaqiijiyo, waxa lagu yiraa afk...
04/09/2025

Asc walaalayaal, qof kasta oo naga mid ah waxaa muhiim in uu leeyahay hadaf uu rabo in uu xaqiijiyo, waxa lagu yiraa afka carabiga Al risaalah, kaas oo loo baahanyahay in uu noqdo mid wanaagsan oo Alle sw raali kayahay, ileyn waxaa jira hadaf lugooyo kaliya oo aan bulshada dhib mooye dheef u laheyn.
In aad hadafkaas wanaagsan tiigsato waa waxa nolodheena dhadhanka u yeela, taas oo aad subax kasta u soo toosto, farxad iyo cimri dhirir ayaad ka heshaa, si aad ugarato hadafka adiga kugu haboon is weydii su,aalahan
1- Hadii la iisheego lacala in aan bil ka bacdi dhimanayo, maxaan jecelahay in aan ku qabto bishaas?
2- Maxaan jeclaan jiray oo aan ka mashquulay?
3- Maxaan jecelahay in aan qabto xataa hadii aanan waxba laygu siinin.
4- Maxaan jecelahay in la igu sheego hadaan dhinto.

Address

Mogadishu
002526

Opening Hours

Monday 15:15 - 21:00
Tuesday 15:15 - 21:00
Wednesday 15:15 - 21:00
Thursday 09:00 - 21:00
Friday 09:00 - 21:00
Saturday 15:15 - 21:00
Sunday 15:15 - 21:00

Telephone

+252612000282

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Ayuub E-books posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Ayuub E-books:

Share