10/01/2020
Bartamaha habeen habeennada kamid ah nin tuug ah ayaa waxa uu gudaha u soo galay guriga uu deganaa Alle ha u naxariistee caalimkii qiimaha badnaa ee lagu magacaabi jirey Maalik Bin Diinaar oo ahaa shaqsi si aad ah loogu yaqaanno fidinta diinta Islaamka oo uu ka billaabay gudaha dalka Hindiya iyo guud ahaan Koonfurta Aasiya isaga oo inta badan waqtigiisa ugu khidmeeyay inuu dalal badan gaarsiiyo diinta Islaamka muddadii uu ifka ku noolaa.
Tuugga oo si shanqar yari ah tallaabta u qaadaya ayaa billaabay inuu raadiyo wax uu gacanta ku qabsado balse uma aysan suurto gelin inuu helo sheey uu qaato, intaas kadib tuuggii waxa uu arkay Maalik oo dukanaaya, haddaba waxaa lama filaan noqotay in Maalik markii salaada uu dhameeyey ayuu salaamay tuugga waxuuna si degan oo ay naxariis ku jirto ku yiri - waxaad halkaan u timid inaad hesho mataac yar oo aad adduunyada ku noolaato ee ma jirtaa wax sahay ah oo aad aakhirada u hormarsatay?
Tuuggii waxa uu garan waayay wax uu ku jawaabo waxaana ku adkaatay su’aashii la weydiiyay, dabadeed Imaam Maalik waxa uu markiiba waano iyo baraarujin kula dhaqaaqay tuugga illaa inta Imaamka garkiisa ay ka qoyso illinta ka soo qubanaysa labadiisa Indhood taasi oo ugu dambeyntii natiijo u noqotay inuu wiilka ku soo hanuuno isla goobta kadibna ay si wada jir ah masjidka u beegsadeen iyaga oo doonayo in ay soo gutaan waajibaadka salaadda subax oo waqtigeeda la gaaray.
Imaamkii iyo tuugga oo wada socdo markii ay masjidka gaareen waxaa la yaab ku noqotay in dhamaan dadkii masjidka gudihiisa ku jiray ay mar qurra ku dhawaaqeen cod aad u sarreeya subhaanalaah, subhaanalaah, waxaa maanta wada socda caalimkii ugu weynaa iyo tuuggii ugu weynaa, arrintaan ma tahay mid caqli gel ah ayay si wada jir ah u weydiiyeen caalimkooda Maalik?
Imaamkii ayaa ku jawaabay - wiilkaan aad arkaysaan waxa uu gurigayga u yimid inuu wax iga xado laakiin aniga ayaa soo xaday, waan waaniyay, waana ka qaalib noqday, waxa uu wanaajiyay dhaqankiisa, waxaa nazahan Rabbiga toosiya akhlaaqda qofka, si kastaba ha ahaatee wiilkii tuugga ahaa waxa uu waqti gaaban kadib noqday mid kamid ah ardaydii ugu caansanaa ee ka aflaxay cilmigii Imaamka una istaagay xoojinta iyo faafinta diinta Islaamka.
Ugu dambeyntii xikmadda ku jirta qisada waxa ay tahay in aan marnaba qofka lagu takoorin xumaanta uu sameeyo ama khaladka ka dhaca iyada oo taasi beddelkeeda loo baahan yahay in loo nasteexeeyo oo aan marnaba meel looga dhicin sharaftiisa iyo cirdigiisa, ku dadaal inaad ka fogaato khalad khalad lagu saxo oo aan haba yaraatee wax wanaag ah soo kordhinaynin inuu wax qarribo mooyee.
Fadlan walaal adigoo mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qoraalkan.
Qalinkii - Abdiqani Gaarane Barre (Dufle).