07/05/2022
Shariif Sh Axmad: Hogaamiyaha Munaasabka ah.
Musharax Madaxweyne Shariif waa midka Shacabku aad ugu hanweyn yahay inuu noqon Karo midka xiligan adag samato bixinkaro Dalka kana saarikaro hubanti la”aanta Siyaasadeed iyo midda Amni xili weliba Dalku ay ka jiraan Abaaro iyo Sicir barar aad u baahsan ; maadaama uu yahay hogaamiye horey loosoo tijaabiyay lehna si gaar ah arimahan soo socda:
1- Waxa uu leeyahay Aragti Siyaasadeed Ku dhisan Xalinta Mushkiladda Amniga maadama uu u leeyahay qibrad aad u sareysa horeyna Sadax jeer uu usoo nabadeeyay Muqdisho.
Marka koowaad: waa Markii loo magacaabay Gudoomiye Maxkamadeed qeybo Ka mid ah Muqdisho , waxaa uuna Ku guuleystay inuu Nabad Ka dhigo degmooyin badan iyo goobo si gaar ah Muqdisho caan uga ahaa Amni la’aanta Sida Siisii iyo Fagax.
Marka Labaadna: waa xiligii la dhisay Midowga Maxaakiimta oo uu Muqdisho oo dhan ka dhigay goob nabad ah soona Afjaray wixii la dhihi jiray Hogaamiya Kooxeedka , arintaasoo sababtay in 16 sano Kadib dib loo furo Dekeda , Ereboorka iyo Wadooyinka isku xira Muqdisho.
Marka Sadaxaadna Waa Markii loo doortay inuu noqdo Madaxweyne Ku meel gaar ah xili inta badan Muqdisho Gacanta ugu jirtay Kooxo Isugu jiray Xizbul Islaam iyo Alshabaan ayagoo dhufeyskoodu Ka qodnaa Madaxtoooyada hoosteeda.
Marka loo fiiriyo Aqoonta durugsan iyo kartida uu u leeyahay sugidda Amniga ayaa waxaa Shacabka Soomaaliyeed Ku qanacsan yihiin in uu yahay Shariif shasiga ugu munaasabsan oo Dalka mar kale Ka saari Kara Xasilooni darada Ka jirta dhanka Siyaasadda iyo dhanka Amniga.
2- Qodobka labaad ee Ka dhigaya Shariif Sh Axmad Hogaamiyaha ugu mudan xiligan waa inuu leeyahay Siyaasad Ku dhisan wadatashi iyo asaga oo ah ruux aad u dhowra Sharciga Dalka oo ah mid Federal ah siinaya Maamul Goboleedyada awoodaha qaar in ay Talo Ku yeeshaan jiheynta geedi socodka Siyaasada Arimaha Gudaha iyo Dib u heshiisiinta.
3- Qodobka Sadaxaad ee Shariif Sh Axmad Ka dhigaya midka ugu mudan xiligan waa inuusan aheyn ruux Ku tagri Fala awoodda Dowladnimada amaba yaqaana Eex iyo nin jeclaysi , arintaana waxaa la dhihi karaa waa mid ay yar tahay in laga heli Karo Musharaxiinta xikigaan u taagan Xillka Madaxtimada Dalka.
4- Qodobka Afaraad ee Muhiimka Ka dhigaya in Hogaanka Dalka loo doorto Shariif Sh Axmad waa inuu yahay Taariikh ahaan ruux aan lagu aqoon boobka Hantida Qaranka dhowrana Danta guud sida ay wada qirsan yihiin Siyaasiyiintii uu lasoo shaqeeyay intii uu Madaxweynaha Kumeel gaarka ka ahaa Dalka iyo kasii horba dadkii uu la shaqeyn jiray.
Waxaana si gaar ah loogu xasuustaa inuu ahaa xiligaas inuu jiray Kobac dhaqaale tasoo Kudhiirsaday Ganacsatadii gudaha inay maalgashadaan Dalka islamarkaana sababtay in Soomaalidii Qurba joogta aheyd kusoo laabtaan Dalka kana qeybqaataan Kobac dhaqaalaha.
5- Qodobka Shanaad ee muujinaya inuu Shariif Sh Axmad yahay Hogaamiya ugu mudan xiligan adag waa inuu yahay mid ilaaliya Danta guud oo anaan aqoon go’aanno Ku dhisan laab lakac iyo nin jeclaysi , waxaana si gaar ah loogu tilmaamaamaa Shariif inuu yahay ruux aad u yaqaan dhaqamada Qabiiilada aadna u tixgaliya tala jeedinta Duqowda dhaqanka iyo Cabashadoodaba.
6- Qodobka lixaad waa inuu yahay Shariif hogaamiye leh Hiigsi iyo Himilo qaran yahayna ruux aad u han weyn Isla markaana aanan ku mashquulin waxyaabaha anan waxtarka u laheyn Diinta , Dalka iyo Dadka , waxaana lagu yaqaan inuu yahay hogaamiye jecel Midnimada iyo Wadajirka dadka Soomaaliyeed.
Gabagabo: Shacabka Soomaaliyeed waxaa aad ugu hanweyn yihiin in Xildhibaanadu garan doonaan inta ay garteen ayagoo Shacab ah islamarkaana dhowri doonaan rabitaanka dadka ay matalaan si loo helo ( ).
W/Q.AQOONYAHANKA HIRSHABELLE