27/06/2021
Oo kooban
Imaam Sheekh Xasan Sheekh Nuur Sheekh Axmed
“ “ ( 1853 – 1927 )
Sheekh Xasn Sheekh Nuur Sheekh Axmed oo lo yiqiin Sheekh Xasan Barsane wuxuu dhashay sanadka markuu ahaa 1853, wuxuuna ku dhashay tuulada loo yaqaan Ubaadi oo u jirta qiyaas ilaa 68Km magaalada Jowhar, Gobolka Shabeelaha Dhexe, Soomaaliya.
Hooyadiis waxaa la dhihi jiray Xalima Hilowle Sheekh Xasan wuxuu ka soo jeeday qoys Somaali ah una saxiib ah Diinta Islaamka iyo fardooleey
Aabihii Sheekh Nuur wuxuu ahaa sheekh ka tirsan dariiqooyinka Raxmaaniya. Wuxuu ka dhex muuqday hoggamiyana u ahaa jameecadiisa.
Sheekh HASSAN Sheekh Nuur Sheekh Ahmed wuxuu bartay Qur’aan Kariimka isagoo da,yar kuna bartay tuulada Ubaadi wuxuuna barashada Diinta Islaamka ku bilaabay isagoo aan weli gaarin 10 jir halkaas oo la shegay in aabihiiis uu mashaa’ikhda Diinta bartaa ugu keenay. Markuu laabatan jirsaday ayeey isaga iyo aabihiis isku raaceen inuu sii kordhisto wax barashadiisa uu doonto iyadoo ay jirtay in aabihii uu mashaa’iikh fara badan ugu keenay halkii ay ku noolaayeen.
Shiikhii wuxuu aaday meel walbo uu cilmi kororsi u aadi karo
meelaha uu cimliga u dontay dalka gudihiisa waxaa ka mid ahaa Mateey Aw_Xasan oo ku taala Afgooye iyo Muqdisho. Sheekhu k**a uusan zuulin inuu raadiyo cilmi isagoo markaasna aaday dalka dibadiisa sida Dalka sacuudiga magalada Makaa uu tagay laba jeer oo kala duwan wuxuuna halkaas ku soo gutay xajkii iyo cilmi uu raadinayay, wuxuu halkaas ku maqnaa muddo ka badan saddex sanadood.
Sheekhu waxa uu halkasi kula soo kulmay Sheekh Maxamed Saalax oo sheekha ay dariiqada SAALIXIYADA ka soo jeedo ah
Sheekh Xasan Barsane markii uu ku soo laabtay dalka sacuudiga
waxaa dalka soo buux dhaafiyay gumeyste kala duwan oo markaas iyo ka horaba ku sugnaa dalka tan iyo intii ay dhacday qeybsashadii Afrika ( 1884 ) dalalka reer galbeedka oo ay ugu h**eeyeen Ingiriiska, Faransiika Talyaaniga iyo Burtuqiiska aya soo galay dalkeena hooyo ee Somaaliya.
Sheekhu wuxuu ka biyo diiday in uu ku hoos noolaado gumeyste isagoo ka door biday inuu geeriyoodo isagoo dhawraya sharafta Diinta iyo dalka.
Sheekhu wuxuu dhexgalay dadka isagoo jamciyay ciidan farabadan laguna qiyaasay ilaa laabatan kun ilaa soddon kun ( 20,000 – 30.000). tababar dheer iyo wacyi gelin ka dib sheekha iyo ciidamadisii u kacay difaaca dalka iyo Diinta.
Waxaa ay la kulmeen hanjbaad iyo hujuum kaga imaanayay dhanka gumeystaha Talyaaniga oo iyagu markaas heestay dhamman koofurta Soomaaliya iyo Ethopia oo aheyd dalka kali ah ee Afrika kana qeyb galay qeybsashada dalalka Afirca ee Berlin 1884.
Sheekhu dhag jalaq uma siin dhamaan hanjabadaas iyo baqdin galin taas kaga imaaneysay dhanka Gumeystaha gumeystaha Talyaaniga xiligaasi waxaa Soomaaliya wakiil uga ahaa Jeneral la oran jiray Mario Devechio.
Si kastaba ha ahaatee Sheekha wuxuu go’aansaday inuu la dagaalamo.
Waqtigii ayaa dhamaaday waxaa bilowday dagaaladii fool ka foolka ahaa ee Sheekhu la galay gumeysihii. Sheeikha iyo gumeystaha waxay kulmeen marar badan iyagoo dhamaan dagaaladii uu la galay gumeystaha uu halkaasi kaga guuleystay. Waxaana dagaaladii u Sheekha la galay gumeystaha ka xusi karnaa :
· Gumar Sheel ( 1905 ) waxa uu ahaa dagaalkii ugu h**eeyay ee uu la galay Amxaardii oo markaas isku dayaysay inay la wareegto dhamaan dhulka Soomaaliyeed iyadoo markaas timid Taytayle
( Balcad ). Waxaa jiray dagaalo kale uu Sheekha la galay Ethiopia ilaa markii danbe ay dalka ka baxaan
Waxaa kaloo ka mid ahaa dagaaladii uu la galay gumeystaha gaar ahan Talyaaniga oo aan ka xusi karno :
1. Dagaalkii Buulo Barde oo dhacay 1922
2. Ceel Dheere 1922 iyo 1923
3. Hilweyne 1923
4. Jiliyaale 1924
5. Hareeriile 1924
Sheekh Xasan Barsane wuxu ku caan baxay inuu ciidanka ka bar bar dagaalamo isago dhiiri galin jiray una sheegi jiray wax yaalaha hadii ay ku dhintaan iyo hadii ay ka bad baadaanba haleyaan waxaan u wadaa Aakhiro iyo Aduun. Dagaaladii faraha badanaa ee uu la galay Sheekha wuxuu ku laayay rag faro badan oo ka tirsanaa gumeystaha oo isugu jiray saraakiil iyo dablay .
Gumeystaha oo ka faa’ideystay maqnaashaha ciidamada Sheekha oo markaas ku maqnaa dagaalo dhinaca Hiiraan ayaa dhabar jabin ka dib waxa ay hareereeyeen xaruntii Sheekha iyagoo adeegsanaaya hubka xiligaa ugu casrisanaa lana yimid ciidan fara baan oo ay ka oo wadeen dhankaas iyo cadan iyo weliba kuwa kale oo ay ka soo ka xeeyeen dalalka kale oo ay gumeysan jireen kuwaas oo ahaa calooshood u shaqeystayaal sida ku cad buugii uu qoray Mario Devechio oo lagu magacaabo ORIZENTO DI IMPERO Kadib Sheekha waxaa uu u gacan galay cadowga, waxayna ka dalbadeen inuu ciidamadiisa ku amro inay is dhiibaan waa uu ka biyo diiday Si kastaba ha ahaatee gumeystaha ayaa aakhiritankii ku guuleystay inay qabtaan oo ay xabsiga dhigaan Sheikh Xasan Barsane sanadku markuu ahaa 1924.
Waxaa Sheekha lagu xabisay xabsiga loo yaqiiney Gaalshire iyadoo markaasi maxk**ada gumeysiga ay ku xukuntay 30 sano oo xarig ah oo ay u dheertahay shaqo adag iyo jirdil. Si kastaba ha ahaatee hadana gumeystaha ayaa ku qanci waayay inay xabisaan oo kaliya waayo Sheekh Xasan Barsane ayaa ahaa caqabadii ugu weyneyd ee ay gumeystaha Talyaaniga kala kulmeyn koonfurta Soomaaliya iyadoo aanba dhihi karno sheekha wuxuu ahaa quwada kali ah ee dagaalo waaweyn kaga horyimid
Talyaaniga ayaa 3 sano ka dib waxay hadana isku dayeen inay dilaan Sheekha iyagoo ay u suuro gashay sanadu Markey ahayd 1927 iyado markaasi ay gumeystuhu ku xireen meel god ah oo aan ku filneyn inuu fariisto godkaas ayaa wuxuu lahaa oo kali ah meel yar oo shabaq camal ah oo uu xoogaa wax u neef ah ka qaadan jiray. Intaas oo kali ah ugumaysan simrin hadana waxay ugu dareen inay sun ku buufiyaan qolkii uu ku xirnaa waxaana amarkaasi bixiyay KABEELLO sida uu xusay MAXAMED ABDI (Odoyaasha Muqdisho ) oo ka mid ahaa sadexdii Nin ee loo adegsaday inay fuliyaan falkaasi. Ugu danbeyntii Sheekha ayaa ku geeriyooday suntii. Sida ku xusan Orizento Impero iyo TREE ANNI DE IN SOMALIA
Sheekhu wuxuu dhintay taarikhdu markey ahayd 13. January 1927.
waxaana lagu duugay Qabuuraha Sheekh Suufi oo ku yaalay agagaarka madaxtooyada Soomaaliya waxaana markii danbe loo qaaday oo uu hada ku aasan yahay degmada JILIYAALE oo markii h**e Sheekha xarun u ahayd!