22/01/2020
---HADALO XIGMADO CAJIIBA XAMBAARSAN--
1. Qofka caaqilka ah nolosha riyo ayey u tahay, qofka doqonka ahi waxey u tahay cayaar, Kan taajirka waxey u tahay madadaalo, midka faqiirka ahina waxey u tahay musiibo iyo cibro qaadasho.
2. Qofka bini’aadamka ahi maalmaha xusuus kuma reebaan ee daqiiqadaha wakhtiga ayaa saameyn ku reebo.
3. Nolosha aanu noolnahay waa natiijada imtixaanka aanu aakhiro ku muteysan laheyn JANNO AMA NAAR
4. Hadii aad qof geeyso meel sare oo uusan kaa filaneyn ka filo inuu ku dhigo meel hoose oo aadan ka filananeyn..
5. Noloshu maahan waxa aan haaysano ee nolosha dhabta ahi waa adigoo haaysto ruux ilmadaada aay murug u tahay farxadaaduna aay farxad u tahay.
6. Noloshaada carruurnimo hadii aadan u dhaqmin sida xoolaha oo kale markii aad weeynaato heli meeysid xasuus markaad xasuusato kaa qoslin karto.
7.Wakhtiga wanaagsan waa wakhti xasuus reebo, wakhtiga xuna waa wakhti aad ka baran karto casharo lama iloobaan ah sidaa awgeed wakhti fiican iyo mid xunba wixii aad la kulanto dheh ALXAMDULILLAAH
8. Cidna noloshaada oo idil ha raacin intaad aduunka joogto, xattaa hooskaagu wuu kaa tagayaa xiliyada aad ku sugan tahay mugdiga.
9. Ha Jeclaan waxaadan aamini Karin, ha nicin waxaadan heli Karin, haku hadlin waxaadan sameyn Karin, Ha balan qaadin waxaadan awoodin fulintooda, hana xukmin waxaadan ogeyn.
Akhriso oo lawadaag asxaabtaada adigoo share garaynaaya.
Murti Iyo Xigmad .