Arimaha Jaceylka

Arimaha Jaceylka Feel happy by staying update with us

DHAXANTA AYAAN KAA DUGSADAA. Inta uu ka tan badiyay Jaceylka ay u qabto Gacaliyeheeda, ayaa waxey ku tiri:- Gacaliye mar...
12/03/2022

DHAXANTA AYAAN KAA DUGSADAA.

Inta uu ka tan badiyay Jaceylka ay u qabto Gacaliyeheeda, ayaa waxey ku tiri:- Gacaliye mar walba dhinacaaga iga fiiri, wax dhib ahna malahan Duruufaha adag ee Nolosha, waxaa keliya ee looga gudbi karaa waa Qalbi Saafi ah, oo Jaceyl iyo Daryeel kuula diyaar ah, Jaceylkaygu waa mid Qoto dheer oo runta ku salaysan, Xiisuhu wuxuu kordhiyaa Aragtiyada Caashaqa, Qalbiguna wuxuu u garaacmaa si Dhakhso leh markaan Isha ku saaro, waana arinta ugu Macaan ee Noloshayda soo marta inaan Habeen iyo Maalin Qalbiga kugu haayo.

Marna ma iloobi doono Ruuxadadaa aadka u Quruxda badan ee loo wada Riyaaqay, ee awooda u leh iney iga dhigto Qof aaminsan sida ay u wanaagsan tahay Joogitaankaaga oo Aniga iga dhigay Qofkan dhameystiran, waxaad ii Hirgelisay Riyooyinkeyga iney noqdaan kuwa Rumoobay, isla markaana Hamiga Nolosha aan wadaagnay waa Natiijada Xanaano iyo Xubbi miro dhal ah.

Waqtigu wuu is guraa markaan Adiga kula sheekaysanaayo, Adiga la'aantaadana uma maleeyo iney Nolol jirto, waxaana Xaqiiqo ah haddii aan adigu jiri laheyn, inuusan Jaceylka iyo Farxadda Noloshayda maanta eysan jiri
lahayn.

Markii aan maqlo Qosolkaaga ama Hadalkaaga Macaanta badan Dareemaha jirkeyga oo idil wuu is Bedelaa, oo waxaa buuxiya Naxariis iyo Jaceyl mug weyn, Macaan dunida ha igu Cidleyn weligaa, Waxaan kaa Dugsadaa Dhaxanta, waxaadna tahay Qofka keliya ee aan Dunida ugu jeclahay.

Qalbigu wuxuu leeyahay ereyo u gaar ah oo lagu Kordhiyo Jaceylka, waa ereyo mudan in la Xanaaneeyo, adigana waxaad ii tahay Qof si Khaas ah Qiimo iigu leh Jiritaankeyga. waan ku tabayaa, Maalmahana waan Xisaabiyaa, waa igala Qiimo badan yihiin Saacadaha aan kula Kulmaayo Maalinta Saacadaheeda kale.

KALA DUWANAANTA GABDHAHA IYO WIILASHA.Marka Runta laga hadlo waxaa jiro Xaqiiqooyin fara badan Xaafadaheena laga helo, A...
18/11/2020

KALA DUWANAANTA GABDHAHA IYO WIILASHA.

Marka Runta laga hadlo waxaa jiro Xaqiiqooyin fara badan Xaafadaheena laga helo, Anagana aan Warba u heynin, waxaaa la mid ah:-

1- Gabadhaha waxey Biyaha ku cabaan Koobka ugu Quruxda badan Guria, Halka Wiilasha Tubada ay Afka la galaan.

2- Gabadhaha waxey Raashinka ku cunaan Saxanka ugu Qurxoon guriga, Halka Wiilasha ay ku cunaan Saxankii ay ka soo gaaraan.

3- Wilasha waxey ku Lebistaan 5 daqiiqo, Halka ay Gabadhaha ku lebistaan 2 saac.

4- Wiilasha inta badan Maalinti Saddex jeer ayey Wax cunaan, Halka Gabadhaha ay Wax cunaan mar kasta oo ay jikada galaan.

5- Gabadhaha inta badan waxey ka Cabaadaan Raashinka, halka ay Wiilashu cunaan waxey arkaan.

6- Wilasha ma raadiyaan Mac-macaanka Raashinka lagu cuno Sida Basbaaska, Muuska, Liinta iwm, Halka ay Gabadhuhu raadiyaan intaas iyo in ka badan.

7- Gabadhaha raashinka lama sugaan Familka ama Saaxiibadood, Halka ay Wiilasha isa sugaan.

8- Gabadhaha Sariirtooda wey ka Nadaafad badan tahay midda Wiilasha, xataa Qolkooda waa ka Qurux badan yahay Qolka Wiilasha.

9- Wiilasha Subaxdii waxey Schoolka aadan iyaga oo aan wax cunin, Halka Gabadhaha ay horay u sii cunaan waxey arkaan oo la Cuni karo.

10- Gabadhaha waxey u dhow yihiin Aabahood mar walba waxey ka helaan Garab, Halka Wiilashu ay Garabsadaan Hooyadood, iyadaana ku tiirsan yihiin.

BAL ADBA

SABABAHA DHILIYA FASHILKA XIRIIRKA JACEYLKA. Wey fara badan yihiin Waxyaabaha sababa inuu Fashil ku yimaado Xiriirka ka ...
29/09/2020

SABABAHA DHILIYA FASHILKA XIRIIRKA JACEYLKA.

Wey fara badan yihiin Waxyaabaha sababa inuu Fashil ku yimaado Xiriirka ka dhexeeya Lammaanaha raba iney Mustaqbal sameystaan, waxaase ka mid ah Waxyaabahaasi Fashilka keena, kuwan soo socda:-

1- Waxaan sameyna Xiriir Labada todobaad ee ugu Horeyso, Waxaan aad u xiiseyna Qofka la socona Ilaa aan gaarno Heer aanan ka tegi karin.

2- Labada Todobaad ee Xariirkeena ugu h**eyso Waxaan nahay Lamaane kuwa ugu Wanaagsan, Qof Walbana wuxuu iska dhigaa Qaali ama Boqor.

3- Isla Labadaada todobaad iyo maalmaha xigo Qadka k**a baxno oo xitaa waan isla dhafarnaa ilaa isla gaarno Heer aan kala tegi weyno.

4- Labadaada todobaad waxaan Iska dhigna dadka Dunida saaran kuwa ugu fiican, uguna jaceyl iyo Naxariis badan, Qoys iyo Reer Jaceyl dartiis xitaa Reeraha ayaana iska wareysanaa.

Labadada Todobaad ka dib Maxaa Dhaco ?

1- Waxaa bilowda in Salaanta la kala sugo.

2- Qofba qofka kale inuu Wicitaanka ka sugo.

3- Qofba Qofka kale inuu dhaho Bal ii sheekeey.

4- Waxaa bilowdo Mashquul ayaan ahay i sug.

5- Waxaa bilowdo kala Shaki iyo is Fiir- fiiris.

6- Ugu dambeyna waa lagu kala taaga.

Haddaba, muxu u noqon karaa Xalka ugu haboon oo ay ku Midoobi karaan Lamaanaha uu Xiriirku ka dhaxeeyo ?

1- Marka h**e ha Shukaansan Qof aad Waqti dhameys ula Shukaansaneysid, Ogoow Waqtiga waa muhiim, Qofkaad ku bixinayso Muhiim hakuu noqdo.

2- Qofka hadaadan ka helin Sheekada ha u Dheereynin oo Waqti Adiga yuusan kaaga lumin, Qofkana yuusan Waqti uga lumin, ee si Cad wax ugu sheeg.

3- Weji beddelka waxaa ka Wanaagsan toosnaanta, Xiisahana waxaa ka Fiican dhab ka Hadalka, sidaas darteed Qof aad ka Xiiso dhici doontid jaceyl ama Xiriir hala Wadaagin.

4- Adigoon Guur ama Mustaqbal diyaar u aheyn ha sameynin Xiriir, Qofna Niyadda haka soo ridin oo ha Oran Waan ku jeclahay ama waan ku Rabaa.

5- Hal Qof ku koobnoow oo ha isku dul Shukaansan Dhowr Qof, hadaad tahay Ruux dhowr qof isku dul wado, Adigana Adkeyso haddii sidaas oo kale laguu galo.

6- Ugu dambeyn noqo mid Cashar ka barta Waqtiyadii h**ey u soo maray, si aad ugu dhaqanto xilliyada ku soo aadan, Ogoowna Jaceylka ma fashilmo, balse waxa Fashilma waa Xiisaha iyo Xariirka beenta ah.

INTAAN LA GUURSAN BAAN JECLAA. Waxey aheyd Gabar Eebbe u dhameeyay Qurux iyo Dabeecad suuban, Ruuxdii il Kalgacal ku eeg...
16/08/2020

INTAAN LA GUURSAN BAAN JECLAA.

Waxey aheyd Gabar Eebbe u dhameeyay Qurux iyo Dabeecad suuban, Ruuxdii il Kalgacal ku eegtaba waxey ku beerayeen Naxariis iyo Kalgacal joogto ah.

Waxaan Nasiib u helay inaan Qoftaasi iyada ah inaan Gacanta ku dhigo oo aan Qalbigeeda d**o.

Wuxuu Waqtigu socdo, Xiriirkeenuna uu jiro, waxaa Dhegahayga soo gaarayey Warar sheegaaya in la guursan rabo.

Ma Rumeysan wararkaas, waayo? Ballanteena ayey aheyd inaan Rumeysan Hadalka ay la wareegaan Nacabka iyo Namiimyada jecel kala Fogaanshaheena.
Ma weydiin Guurkaas aan maqlay, balse si lama-filaan ah ayey iyadu hoosta iigu dhigtay inuu Warkaasi yahay War jiro oo Run ah.

Farxaddii wey Carartay, Qalbigii wuu jabay, Rajadii aan Naawilayeyna Hal mar ayay Bidhaanteedii Luntay, waa Quusashada ruux u hammuun qabtay Ruux kale, ma garanaayo daqiiqadahaas Wax aan ku cabiro dareenkeyga halka uu maraayo.

Dibnuhu waxey muujiyeen Dhoolla caddeyn Been ah, indhuhuna ilinta ka Qubanaysa waxay ku sababeeyeen Farxad, balse dhab ahaan Farxad mey aheyn. Dhuun qallashay oo aan dhawaaqaynina, waxey Amartay duco in Guudka loo suro gaaridey Sowdkeeda ku madadaalin jirtay.

Duco, dar-daaran iyo Wanaagaba ka dib, jacaylkeedii wuu guray, marba marka ka dambaysana Ruuxda uu dilay jaceylku wey soo dawoobeysay.

MIYAAD ILA ARAGTAY ARRINTAAS ?. Bal Fikir ahaantaada sidee u aragtaa inta badan Dumarku, mar kastoo la tago meelaha la i...
06/02/2020

MIYAAD ILA ARAGTAY ARRINTAAS ?.

Bal Fikir ahaantaada sidee u aragtaa inta badan Dumarku, mar kastoo la tago meelaha la isugu yimaado, waxey Labada Gacmood ku qabsataa Xaajigeeda ama jaceylkeeda Gacantiisa. Bal aan is weydiinee:-

1- Ma waxey isleedahay yuusan Dhicin madaama ay Raggu inta badan Meelo fog Wax ka Fiiriyan iyagoo socda ?.

2- Mise waxey isleedahay Dadku ha dareeman inuu Agteyda Qaali ka yahay ?.

3- Ma waxey isleedahay u muuji isaga oo Dareensii inaad tahay Qofta keliye ee Mudan inuu Waqti la Qaato, si uusan Meelo kale ugu Mashquulin ?.

4- Mise waxaa laga yaaba iney Kaba Dhaadheer Qabto oo ay isleedahay Si aadan u Dhicin isaga Gacantiisa Qabso ?.

Akhristoow, Adigana Fikirkaaga nala wadaag iyo sida aad Arrintaasi u Aragtid.

JACEYLKA NOOCAAN MA ISKU ARAGTAY ?. Kumanaan Qof adiga oo dhex Fadhiya hadana dareenkaagu ma tabaa Qof kaa maqan, mana D...
05/02/2020

JACEYLKA NOOCAAN MA ISKU ARAGTAY ?.

Kumanaan Qof adiga oo dhex Fadhiya hadana dareenkaagu ma tabaa Qof kaa maqan, mana Dareentaa Cidlo, Maskaxdaaduna mar kasta maka Fekertaa Qofkaasi oo keliya, welib ma sawirataa idinkoo Faraxsan oo Nolosha ku Midoobay. ma Dhoola Cadeysaa haddana ma Sawirataa idinkoo Qoys daadihinaaya.

Maskaxdaadu dib ma u soo labataa oo dadkii aad dhex Fadhiday waxay ku hadlayaan maku Cajabin waayaan. Isla markiiba maskaxdaada dib ma ugu sii laabataa Fikirkii iyo Qofkii Nasiibka u yeeshay.

Saaxiib ma isku Aragtaa Dabeecadahaas ?, Fikrikaasna Qof keliya makugu Lifaaqan yahay?

Haddey jawaabtaadu tahay Haa tahay, Qofkaas aad markasta ka Fikirto Gacanta qabso, Ogoow kaas oo keliya ayaad Farxad ka heli kartaa. inta kale waa Qolfoof aan waxba kuu tareynin ee haku daalin Cid kale

CABASHADII GABADHA.Intey u Adkeysan weyday Dhibka uu u geystay ayey iyadoo Ilmeyneesa ku tiri:- Waan ku arkay, waana ku ...
27/08/2019

CABASHADII GABADHA.

Intey u Adkeysan weyday Dhibka uu u geystay ayey iyadoo Ilmeyneesa ku tiri:-

Waan ku arkay, waana ku bartay, misana waan kaa helay, Adigana waad i jeclaatay, waana ku soo dhaweystay, intaas ka dib ayaad misana i dhaawacday, weliba sabab la'aan.

Dagaal horay nama dhex marin oo Aargoosi uma socotid, bal ii sheeg Faa'idada aad ka heleyso Qiyaanada, ma waxaad Faan mooday Qof ku Aaminay inaad Qiyaantid.

Daacadnimadeyda ayaad ka Faa'ideysatay, ee k**a Faa'ideysan Caqligeyga, Hadduu Caqli iyo Xirfad kaa ahaa Jabka aad ii geesatay Cafis baad iga tahay, waayo wey Caddahay Qofka dadnimada leh waxa uu sameeyo waana kaaga Mahad celinayaa Waqtiga aad ila qadatay, tanina waxey ii ahaan doontaa Cashar aad Adigu iigu siisay meel Madoow iyo Taariikh lama ilaawaan.

Haddaba, Akhristoow, Qof aad jeceshahay hadduu ku Qiyaano, Adigoon Wax Qalad ahna aadan ka gelin, hadduu meel Cidlo ah kaaga Dhaqaaqo, maxaad Sameyn laheyd ?.

GACALIYE HURDAA I HEYSAA I FASAX.Cabaar Markaad wada Caweyseen, Sagaalka Fiidnimo markey tahay ma lagu yiri:- Gacaliye H...
26/08/2019

GACALIYE HURDAA I HEYSAA I FASAX.

Cabaar Markaad wada Caweyseen, Sagaalka Fiidnimo markey tahay ma lagu yiri:- Gacaliye Hurdo ayaa i Heysee i Fasax, Adigana maku tiri iska Seexo Gacalo, Habeen Wacan. Ka dib ma u aaday Saaxiibkeeda.

Muddo dabadeed oo ay Saacaddu tahay Saq dhexe 1da Habeenimo, Qatka maku Aragtay iyadoo Online ah. Intaad Salaan u qortay, oo weliba and Aragtay in Salaantaada la arkay, misana malagaa aamusay.

Maalintii xigtay Qatka maku aragtay, misana maku tiri Xalayto ilaa Xilli dambe ayaad Online aheyd, maxaa kugu dhacay Gacalo?.

Ma lagu yiri:- Qatka oo furan ayaan Seexday Xabiibi iga Raali ahoow kkkkkk.

ARRINTAAS SIDEE KUGULA MUUQATAA ?. Gabadhu hadduu jaceyl galo oo ay Nin jeclaato,  Qofna ma oga aan ka aheyn Nafteeda, m...
27/04/2019

ARRINTAAS SIDEE KUGULA MUUQATAA ?.

Gabadhu hadduu jaceyl galo oo ay Nin jeclaato, Qofna ma oga aan ka aheyn Nafteeda, ma leys oran karaa waxey ka Baqeysaa haddii ay u sheegto Gabdhaha Saaxiibadeed iney kaga Hor maraan oo ka qaadaan Saaxiibkeeda kkkkkk.

Balse, Ninku hadduu jaceyl galo oo uu Gabar jeclaado Qof kasta waa Ogyahay xataa Asxaabtiis, intaan ka aheyn Gabadha uu jecel yahay, isagana ma la oran karaa wuxuu Ragga Saaxiibadiisa ugu sheegaa Digniin ahaan, taasoo micnaheedu yahay Asxaabeey ka jooga Qoftaas waa Qofteyda kkkkkkkk.

Akhristoow Fikirkaaga ka dhiibo, sidee kula tahay Arrintaan.

MA ILA ARAGTAY ARRINTAAN ? KKKKKK. Ragga marka ay ka helaan Gabar oo ay rabaan iney soo jiitaan Gabadhaasi, wuxuu u mara...
22/04/2019

MA ILA ARAGTAY ARRINTAAN ? KKKKKK.

Ragga marka ay ka helaan Gabar oo ay rabaan iney soo jiitaan Gabadhaasi, wuxuu u maraa Dhibaatooyin fara badan, oo ay ka mid yihiin:-

1- Aad ayuu u Amaanaa Gabadha.

2- Aad ayuu u soo Lebistaa, oo dhexda soo xirtaa.

3- Jirka ayuu Dhistaa, Murqo waaweyn ayuu sameystaa.

4- Wuu is Xariifiyaa oo wuxuu u sheegaa inuu Hanti leeyahay.

5- Mobile-ki u Dambeeyay oo Qaali ah ayuu soo qaataa.

6- Gaari Qurux badan ayuu soo Kaxeystaa.

7- Hadiyado kala duwan ayuu u soo iibiyaa.

8- Faanka iyo Bootada ayuu badiyaa.

Gabdhana iyadoon is daalin ayey Hal mar u Dhoolacadeneysaa, sidaasi ayeyba ku soo jiidatay, oo waxaadba arkeysaa Wiilkii oo kala daatay oo Dhareerka ka daadanaayo kkkkkk.

Bal Akhristoow maxaad is leedahay wey sababi kartaa Arrintaasi ?

HA DAYACIN GABADHA KU JECEL. Gabadhu markey ku jeceshahay wey Faraxsan tahay, wey kugu Faantaa, marka ay kula hadleysana...
19/03/2019

HA DAYACIN GABADHA KU JECEL.

Gabadhu markey ku jeceshahay wey Faraxsan tahay, wey kugu Faantaa, marka ay kula hadleysana waxey Dareentaa Farxad, waxey la Saaxiibtaa Asxaabtaada, waxay kula jeclaataa wax kastoo aad Jeceshahay, Nolosheeda oo dhan waxay ka dhigtaa mid Adiga ku Qancisa.

Dhib uma Aragto Qaladaadka aad ka gashid, wey ku Cafisaa ka hor inta aadan Raali gelin, waxey kaa dooneysaa jaceyl la mid ah kan ay iyada kuu heyso. waxey diiddaa iney Xiriir la yeelato Wiilasha kale, adiga ayeyna Nafteeda kugu koobtaa. Taajir haddii aad tahay ama Faqiir kalama jecla, waayo danta ay kaa leedahay waa Mustaqbal ee ma aha Xaaladda aad ku jirtid. Ogoow Gabadhaas, Qalbigeedu wuxuu ka sameysan yahay Dahab aad u qaali ah, jaceylna ka buuxo, waxeyna u Qalantaa in loola Dhaqmo sida Boqorad.

Gabadha jaceylka kuu muujisay, Waqtigeedana ay kugu bixisay, misana kaaga soo Go’day Ragga oo dhan, isla markaasna Aaminsan inaad tahay Ninka keliya ee ay Jeceshahay, bal ka Waran haddii aad Cidleyso, ama aad uga tagto Dariiq maran, Raggii ay h**ey dartaa u diidayna ku Qoslaan, oo ay ku yiraahdaan, Aaway Ninkii aad sheegi jirtay?.

Waxey sameyn karto oo keliya waa iney Dhabanada qabsato, sida ineysan weligeed Nin kale heli doonin, maxaa yeeley wey ku jecleyd adna waad Qalbi jebisay. Ogoow ma aheyn inaad Ciisho oo ay ka Shaleyso Sababtii ay kuu jeclaatay.

NOLOSHA LAMMAANAHA WAA IS FAHAM. Waxaan ka maqnaa Habeen iyo Maalin oo keliya, waxaan soo galay Guriga, mise wey Ilmeena...
10/03/2019

NOLOSHA LAMMAANAHA WAA IS FAHAM.

Waxaan ka maqnaa Habeen iyo Maalin oo keliya, waxaan soo galay Guriga, mise wey Ilmeenaysaa oo wey Qiireysan tahay.

Waxba ma weydiin waxaan Bilaabay inaan u soo Dhawaado oo kor u soo kiciyo, isla markaasna aan laabta u geliyo, si Naxriis ay ku dheehan tahay.

Wey sii Ilmeysay iyadoo i dhaheysa, macaane maxaad ii weydiin Weyday waxa igu Dhacay?,
waxaanse ugu Jawaabay Muhiim maaha taasi, balse waxaa Muhiim ah inaad ii faraxdo oo keliya, Waayo Adiga ayaa ii sheegi doona wax walba sidii Caadadu aheyd.

Intey aad u Faraxday ayey igu tiri:- Xabiibi waan kuu Xiisay, Runtii waxaana soo xasuustay Barashadeenii koowaad iyo Nasiibka ilaahey i siiyey, kaasoo ah inaad Adigu Garabkeyga tahay, sidaa awgeed ayey ilmadu iiga soo Daadatay.

Dumarku uma baahna oo keliya Qof wax waydiiya, Qof la hadla, Qof Canaanta, Qof wax u sheega, balse waxey u baahan yihiin Qof Dareema oo keliya, waayo ayaga ayaa ah kuwa Dunida ugu Naxriista badan, haddii ay helaan wax Nolasha la fahma.

Address

Aksaray
Istanbul

Opening Hours

Monday 09:00 - 17:00
Tuesday 09:00 - 17:00
Wednesday 09:00 - 17:00
Thursday 09:00 - 17:00
Friday 09:00 - 17:00
Saturday 09:00 - 17:00

Telephone

+905524975212

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Arimaha Jaceylka posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Arimaha Jaceylka:

Share