24/03/2021
| WAR FARXAD LEH IGA HOOYA
โ HOME AFFAIRS-KA Waxaa La Furayaa.โ
โ Dadka Cusub Mala Qaabilayaa โ
Xarumaha Home Affairs-ka ee qeybta Qaxootiga Qaabilsan ee guud ahaan Koonfur Afrika, oo xirnaa tan iyo markii uu bilowmay Xanuunka , ayaa ugu albaabada dib loogu balaqi doonaa Bilowga Bisha April 2021 ee nagusoo fool leh.
Saraakiisha ugu saraysa Laanta Home Affairs-ka ee Magaalada Cape Town, oo maalmahanba waday u diyaargarowga Qaabilaadda dadka sharciyada ka dhaceen intii lagu guda jiray Lockdown-ka, ayaa xaqiijiyey in ugu dambeyn 7-da April si rasmi ah dib loogu furi doono Home Affairs-ka, waa marka lagasoo noqdo Fasaxa ama Feestooyinka Esta ee South Africa.
Weriye Sharmake Nuur oo daggan Cape Town, oo aan maanta kula kulmay illinka h**e ee dhismaha Home Affairs-ka Cape Town, ayaa ii xaqiijiyeen in qorshaha iyo nidaamka dadka Kumanaanka ah ee Sharciyada kawada dhaceen loo kala saari doono ay aad u adkaan doonto, hase ahaatee waxaa taas faafaahim dheeraad ah maalmaha soo socda ka bixin doona Masuuliyiinta ugu saraysa Arrimaha Gudaha ee South Africa.
FARXAD KALE | Isla Sanadkan 2021 gudihiis, ayaa sidoo kale la qorshaynayaa in Cape Town laga bilaabi doono Qaabilaadda dadka cusub ee Sharci la'aanta ah, maalinta iyo Taariikhda saxda ahna waan idinsoo sheegi doonaa
WIXII SOO KORDHANA ILA SOCDA 24/7
ยฉ๏ธ Abdulrazak IndhaJaceyl - Mr Update